Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Distoorka Somaliland Iyo Golaha Wasiirada

dastuur

Distoorka Somaliland Iyo Golaha Wasiirada

July 31, 2013 

Waxan rabaa bal in aan si qoto dheer aan idinla wadaago, qaabka iyo sida uu u jaan-gooyay distoorka wadankeenu golaha wasirada, oo aad moodo in aanu madaxweynuhu aanu ba eegin waxa u ka yidhi distoorku, iyo golaha wakiladao oo aan iyaguna aan ka gudan qaybta uu dasturka ka siiyay golaha wasirada oo ah gololan shaha wasirnimo iyo maxkamada sare oo iyaduna leh dharinta wasirka marka golaha wakiladu soo ogolaado( ansixiyo) .

Hadaba sidee ayuu u dhigay distoorku golaha wasiirada somaliland, waxana aan isku dul taagi doonaa qodob qodob.

Xubinta 3aad

Qodobka 94aad

Golaha wasiirada

1-Golaha wasiiradu waxa waxay madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wada jir u go’aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha, iyo barnaamijyada dawlada .

Qodobkani waxa uu si qeexan u sheegayaa in golaha wasiiradu yihiin baalasha uu ku duulaayo madaxweynuhu, waan caawiyayaashiisa hadii ay tahay, dhan aqooneed, dhan hawl fulineed, iyo dhan qorshayn ba,

2-Waxa wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada magacabi kara ama xilka ka qadi kara madaxweynaha, waxana magacaabiddoda la hor dhigayaa golaha wakilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku ogolaan karan ama diidi karaan cod hal dheeri ah (simple mojority) oo gacan taag ah.

Qodobkani waa ka ugu mudan ee ku jira xubintan, waxana uu si cad u qeexayaa cida uu sharcigu awooda u siiyay in ay soo magacawdo ama xilka ka qaado xubnaha golaha wasirada, oo ah madaxweynaha waxan uu sii raaciyay, in aanu shaqadiisa gudan karin ilaa golaha wakiladu ogolaadan, waxanu ku sii daray habka uu goluhu u ogolaanyo xubita, oo ah hab gacan taag ah, oo aan ahayn hab qarsoodiya

Waxana uu ku meel marayaa cod ah 42 xubnood oo golaha wakiilada ah oo ogolaada, waana marka tirada golaha loo qaybiyo 2 oo ah lagu daray, 82 u qaybi 2 waxa soo baxaya 41, oo lau daray 1 xubin, 42 cod ayuu ku meel marayaa

3-Soddon (30) maalmood gudahood marka golaha wakiladu ansixiyaan magacaabid wasiir ama wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dharinaya gudoomiyaha maxkamada sare iyada oo uu goob joog yahay madaxweynaha ama madaxweyne-ku-xigenka, hadii uu madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko

Qodobkani waa ka labaad ee ugu mudan xubintan oo si cad u waajibiyay in aan xubinti xilka la wareegi karin ilaa la dhaariyo, oo uu dharintana uu leeyahay gudoomiyaha maxkamada sare, iyada oo uu goob joog yahay madaxweynuhu, hadii uu madaxweynuhu dalka ka maqan yahay ama uu buko waxa goob joog ahaanaya madaxweyne-ku-xigenka,

Waxa aad ka soo qaadaa inuu wasirku xilka la wareegay markii la soo magacaabay, iyada oo aan golaha la horkeenin, sida hada dhacda, isaga oo xilka hayey 3 ama 6 bilood ayaa la horkeenay golaha wakiilada, hadaba hadii ay golaha wakiladu diidaan maxaa dhacaya, wasiirkii ma wasiir buu sii ahaanayaa? Mise ma ahayn mudadii 3 ama 6 bilood ee uu xilka wasirno hayey, waxa uu gaadhay oo fuliyey go’aamo yeelan kara muhiimad sharciyeed, hishiisyo ayuu magaca wasarada kula galay cid kale, dadkuu xilal u magacaabay, qaar buu xilkii ka qaaday, arimahaas oo dhan waxa ka dhalanaya falal sharciyeed.

Maxay noqonayaan go’aamadii uu gaadhay wasiir suguhu, hadii ay diidan golaha wakiladu iyo heshiis yadii uu galay ma sharci bay noqonayan? Mise wax waliba waxa ay ku noqonayaan heerkii hore ee uu ugu yimi wasarada? Hadii la yidhaa wixii dhacay ka daba taga sidee looga daba tagayaa? Qaab sharciyeedkee loo maryaa hadii toosiya la yidhaa?

Hadaba waxaas oo dhan waxa ka hortagay distoorka Qod 129, waxanu si cad u cadeeyay in aan xilka la la wareegi karin xubin kasta oo dharta dasturiga ahi ku wajibtay, ilaa la dhariyo

Qobku waxa uu yidhi

Gudoomiyaha maxkamada sare oo isla markaan ah gudoomiyaha maxkamada dasturiga ah, ayaa dhaarinay cid kasata oo ay ku waajibtay dhaaran dasturiga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin, sidoo kale waxa isagana dharinaya madaxweynaha.

Qaabka dhartuna waa

“WAXAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”

Qodobkan baa ku gudban in ay dhacaan dhamaan, waydiimahaas aan kor ku soo xusay, hasa yeeshee gudoomiyaha maxkamadu ma dharin karo xubinta golaha wasirada hadii aanu golaha wakiladu soo ogolaan, taasina waxa ay ku cadahay. Qodobka 94aad faq 2aad iyo 3aad ee distoorka, waxan aan ku sheegay dusha sare. Waxana taas kuu sii cadaynaysa sida uu distoorkeenu u adkeeyay in aanu madaxweynuhu I igman karin ku-xigeenkiisa in uu goob joog uga ahaado dhaarta, waxaas oo dhami waa culayska uu lee yahay xilkani, kaliya waxa uu ka reebay distoorku.

In madaxweynuhu buko oo uu xanun dartii uu goob joog u soo noqon waayey dharta xubinta .
iyo in uu madaxweunuhu dalka ka maqan yahay,

intaas wixii ka soo hadha waxa madaxweynaha dusha ka saran in uu sida uu jideeyay dasturku yeelo, tubtaasna uu qaado.

Awooda uu distorku siiyay xubinta golaha wasirada ee xilka laga qaday ama is-casilay

Sida ku cad Qodobka 95aad SII HAYNTA XILKA

wasiirka ama wasiir-ku-xigenka istiqaalada dhiiba ama xilka laga fadhiisiyo isaga ayaa xilka sii haynaya inta badalkiisu ka tirsanayo xilka
waxa ka reeban mudada uu wasiirku ama wasiir-ku-xigeenku sugaayo in xilka laga tiriyo inuu cid xil u magacaabo ama uu heshiis magaca wasaarada cid kale kula galo.

4-Wasiirada ama wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan qaranka .

Qodobkani waxa uu si hufan u qeexayaa in aanay sinaba ugu banaanayn in xubinta golaha wasiradu aanay shaqo kale haba yaraatee, oo aan ahayn tan qaranka ee loo magacabay aanu qaban karin, hadii uu qabtana waa danbiile, waxana uu ku kooban yahay shaqada loo dhiibtay oo kaliya.

5-Qofna looma magacaabi karo wasiir ama wasiir-ku-xigeen, hadii aanu buuxin shuruudan ku xidhan qofka loo dooranayo golaha wakiilada.

Qodobkani waxa uu shuruudo cad ku xidhay waxa yaabaha uu madaxweynuhu ku dooranayo xubinta golaha wasiirada, oo la mida shuruudaha lagu dooranaayo xubinta golaha wakiilada,

Hadaba waa kuwan shuruudaha lagu dooranayo xubinta golaha wasiirada oo ay isaga mid yihiin golaha wakiilada

inuu muslim yahay, kuna dhaqmaa diinta islamka
inuu muwaadin yahay, da’diisuna ka yaraan shan iyo soddon jir (35sano)
inuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa
inuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn
in aanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamada horteeda kaga cadaaday shantii sano ee ugu dambaysay
inuu yahay xil-kas akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yahay
uma bannaana qof shaqaale dawladeed ah inuu isu taago doorasho hadaanu mudada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana waajib tahay.

6-Wasiirka waxaa loo xil-saari karaa hal wasaarad in ka badan

Qodobkan oo si cad u qeexaya in wasiirku uu qaban karo in ka badan hal wasaarad, taas oo looga jeedo in lagu beekhaamiyo dhaqaalaha wadanka, laguna soo koobo tirada wasiirada oo meesha la soo galiyo TIRO KOOBAN IYO TAYO BADAN

7-Madaxweynaha ayaa gudoomin doona fadhiyada golaha wasiirada ee caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.

Qodobkani waxa uu sheegyaa in uu madaxweynuhu yahay ka gudoominaaya dhamaan fadhiyada golaha wasiirada, hadii ay yihiin fadhiyadaasi fadhiyo caadiya iyo fadhiyo aan caadi ahayn ba,

FIIRO GAARA

Marka madaxweynuhu wadanka ka maqan yahay, ama buko, waxaa hawsha gudoominta golaha wasiirada la wareegaya madaxweyne-ku-xigeenka, oo sida sharcigu qeexayo la wareegaya dhamaan hawsha madaxweynaha oo dhan.

8-lama xidhi karo wasiir ama wasiir-ku-xigeen hadii aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dambi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu madaxweynuhu ka qaadin dhawrsananta, isaga oo ku qancay soo jeedinta uu soo ban dhigay xeer ilaaliyaha guud.

Qodobkan oo ah ka 3 aad ee ugu mudan xubintan, waxa uu si hufan u tafatirayaa qaabka iyo habka xilka looga qaadi karo xubinta golaha wasiirada, oo uu sheegay in ay tahay laba qaybood oo kala ah

in lagu qabto isaga oo dambi gacanta kula jira, dambigaasina aanku ka yarayn ciqabtiisu saddex sano oo xadhiga.
In ay xeer ilaalinta guud ku soo oogto dambi, taaso oo uu madaxweynuhu ku qancayo, kadibna uu dhawrsanaanta ka qaadyo, si dambiga loogu soo oogo xubinta

Hadaba distoorka wadanku mugdiga waa ka saaray, golaha wasiirada iyo sida loo soo dooranaayo, iyo qaabka uu hawshiisa u bilaabayo xubinta goluhu, waxa kale oo uu si hufan u sheegay qaabka ay kaga tagayso xubintii xilka laga qaaday, iyo heerka ay gaadh siisan tahay awoodeedu, marka laga soo bilaabo malinta laga qaado xilka ilaa malinta xilka lagala wareegayo,

Sidaa darteed mugi ma gali dastuurku, se waxa maanta muuqata, in la baal maray oo aan ba lagu dhaqmayn dastuurko oo xubintu iyada oo aan marin sida dastuurki dhigan, toos ula wareegaysa xilkii , waxa kale oo dhacada iyaduna inta badan in xubinta oo mudo haysa xilka la horkeeno golaha wakiilada, se wali maan arag anigu cabdale ahaan xubin ka mida golaha wasirada oo inta aanay xilka la wareegin gudoomiyaha maxkamadu dhariyay madaxweynah oo jooga, sidaasina waa sida uu dhigaayo distoorkeeno, hadii kale xubintu xil ay la wareegysaa ma jirto, hadii aanay qaadin tubtaas uu jeexay dasturku, dhamaan hawlaha ay qabataana maaha kuwa sharciya, waayo , kaliya waxa la baal maray hanaankii loo jeexay, waan waxa sharciga baal marsan,

Hadaba waxaa is waydiin mudan

Madaxweynuhu ma dasturka ayaanu aqoon u lahayn?

Sida ku cad Qodobka 90aad faq 14aad waxa uu distoorku madaxweynaha dusha ka saaray in uu u uguto hawshiisa sida uu disroorku jideeyay iyo xeerarka kale ee wadanka u yaala waxanu yidhi

“Madaxweynuhu waxa uu xilkiisa u fulina doonaa si waafaqsan distoorka iyo xeerarka kale ee dalka u yaala” hadaba isagaa laga rabaa in uu ilaaliyo disroorka, wax laga yeelayan maaha in uu hadh iyo habeenba uu dhanka uu rabo uga baxo xeerarka wadanka u yaala, waana waxa laga rabo in XEER ILAALIYAHA GUUD ku daba galo madaxweynaha iyo dhamaan cid kasata oo baal maraysa xeeraka wadanka u yaala. Waayo isagaa u xil-saaran in uu ilaaliyo dhamaan xeerarka wadanka u yaala, waan in uu ku dabo gala, kuna ilaaliyaa in aan laga bixin xayn-daabka sharciyeed ee wadanka u yaala, ee distoorku ugu horeeyo.

Madaxweynuhu ma sharciga ayaanu marin xubinta marka uu soo magacabayo ?

Waxa aan aragnaa, marka uu madaxweynuhu soo saaro dhagaley sharci oo uu xil ku magacabayo, In uu yidhaa markaan eedagay disroorka, makaan eegay aqoontiisa iyo xil-kasnimadiisa, markaan eegay in uu xil-kaas gudan karo, waxaas oo dhan ee uu dhagalaydaas ku sheegyaa waa waxa sharcigu ogol yahay se muxuu u sii dhama istiri waayay oo uu u marin waayey xubinta jidka uu yudhi ha marto dastuurko?

Madaxweynuhu ma waxa aanu haysa la taliyayaal sharciyeed ?

Tiraba inta aan ogahay madaxweynuhu waxa uu leeyahay laba la-taliye oo dhanka sharciga ah, hadii uu saluugo talada ay siiyaan waxa uu xaq u lee yahay in uu raadsado talo sharci oo kale, waxa kale oo uu madaxweynuhu lee yahay qareenka guud, waxana aan ogahay in dhawr jeer ay lataliyayaasha madaxweynhu ay bixiyeen talo, uu baal maray madaxweynuhu, isaga oo ka door biday taladiisa.

FIIRO GAARA

Xeer ilaalintu waxa ay u taagan tahay ilaalinta sharciga guud ahaan, sida dastuurka iyo xeer xoosaad yada kale ee wadanka oo dhan

Mise ogaan iyo badheedh buu sharciga u baal maryaa?

Intaas oo dhami waa waydiimo meesha yaala, waxana ay warcelinteedu ku soo koob maysaa, isaga ayaa uu dastuurku sii yayey in uu xubinta soo magacabo xilkana ka qaado, sidaas darted isaga ayaa looga baahan yahay in uu u hogaansamo sharciga oo uu ugu mudan yahay dastuku, waan in uu adeegsadaa wax kasata oo ku caawinaya in uu sharciga ilaaliyo, hadii uu sidan ku sii socdo waxaa ka dhalanaya waxa lagu yidhaa afka sharciga KHIYAAMO QARAN (high treason), taas oo keen sanaysa in madaxweynuhu ku waayo xilkiisa, laguna furo gal-dacwadeed ka dhan ah isaga, oo ah KHIYAAMO QARAN (high treason) iyo KU DHAQAN LA’AAN DISTOORKA AH, hadaba si taas aad uga badbaado madaxweyne sharciga wadanka u yaala ilaali

Intan oo kaliya kuma koobna meelaha uu madaxweyne silanyo ka baal maray sharciga, intii 3 sano ahayd ee uu xilka hayey , waxana ka mida aniga oo soo koobaya ,kaliya waan idiin qodobaynayaa, waxan aan hadii ilahay yidhaa aan ku soo qaadan doonaa Qormooyin kale .

Cabudhinta war-baahinta iyo guud ahaan aragti-dhibashada dadka , waxan arinkaas si cad u qeexay distorak Qod 32aad
Sida qaawan ee ay madaxweynuhu u fara-galiyay doorashooyinkii golaha deegaanka, kuwaas oo ruxay nabadii wadanka iyo xasiloonidiisii, isla markaana ay ka dhalatay muran sharciyeed (legal dispute) kaa oo soo gaadhay muran distooriya (constitutional crises), taasna waxa keenay soo gacan-galintii xukuumadu soo fara-galisay awoodihii gudida doorashooyinka iyo gudidii kala saarida ururada, waxana lagu tuntay xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadinka sida ku cad Qob 21aad, 22aad, 23aad, 25aad, 32aad ee distoorka wadankeena.
Madaxbanaanidii garsoorka oo uu meesha uu ka saray madaxweynuhu, isaga oo si cad u baal maray kala xadaynta uu distoorku kala xadeeyay waaxaha dawlada sida ku cad Qod 37aad iyo 97aad ee distoorka wadanka, qodobadaas oo si aan muran lahayn u qeexaya madaxbanaanida garsoorka, hadii ay tahay madaxbanaani garsoor iyo madaxbanaani dhaqaale iyo madaxbanaani sharciyeed, waxan uu wasaaradii cadaalada ka dhigay isaga oo diga xaadhka ku tiray waaxdii garsoorka, hoona geeyay si dadban , WASAARADA CADAALADA IYO GARSOORKA, waxan aad si cad uga arkaysaa sida ay wasaaradu u dhex qaaday hawlihii ay u madaxbanaanayd waada garsoorku
Sida ciidamada RRU u joogteeyeen ku tumashada, xoriyaadaka muwaadinka, ee dhanaka xogtiisa iyo xormada hoygiisa, iyaga oo habeenkii u soo data guryaha muwaadiniinta , taas oo si fool xun uga hor imanaysa. Distoorka wadankeena Somaliland sida qodobadan .

Qod 29aad oo si cad u qeexaya xormaynta hoyga iyo meelha kale ee la dagan yahay, isla markaan diiday in la basaaso, la galo, la baadho, iyada oo aan ogolaansho laga haysan maxakamad Qod 24aad xaqa uu muwaadinku u leeyahay nabadgalyadiisa jidh ahaan iyo magacsamidiisa Qod 25aad fag 1aad iyo 2aad kaas oo adeeyay in aan muwaadinka la qaban Karin la na baadhi Karin ilaa isaga oo dani faraha ku jira mooyane ama uu san garsoore ku soo saarin go’aan qabasho ah oo cadaynaya waxa lagu qabanaayo ama lagu baadhayo, Qod 25aad faq 3aad oo dusha ka saaray dawlada in ay iyadu u xil-saaran tahay ilaalinta xoriyaadka iyo xuquuqda muwaadinka.

Hadaba intaas baan ku soo koobayaa, hawshan aan qalinka u qaatay, waxana aan kaliya madaxweyne siilanyo ha ilaaliyo sharciga, oo yaanu hadba gees u dhaafin sharciga, hadii kale waxa ay keenaysaa kalidii talisnimo, taaso oo keensanaysa in sida uu malinba u dhaafayo sharciga, in uu u xuubsiibto kalidii taliye dhaba.

MEELAHA AAN WAXA KA SOO XIGTAY

DISTOORKA SOMALILAND
XEER HOOSAAKA GOLAHA WAKIILADA
DISTOORKA IYO MADAXWEYNE SILANYO, warqad uu qoray Xildhibaan Ibraahim Jamac Rayte

Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoonta Sharciga
29/07/2013

© XOGTA WARQADANI WAXA AY U DHAWRSAN TAHAY QORAGA CABDALE DAHIR




Leave a Reply