Dowlada Soomaaliya oo Heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Holand (Akhri Nuxurka Heshiiskaasi)

999719_215654585259028_2116560941_n

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group Taasi oo fadhigeedu yahay dalka Holland, waxaana heshiiskaasi ugu muhiimsan dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidammada Badda Soomaaliya

Warada qoraalka ah oo muujinaysa heshiiska ay wada gaareen dowlada Soomaaliya iyo shirkadan fadhigeedu yahay wadanka Holan ayaa wax yaabaha ugu horeya ee ka muuqda waxaa ka mid ah muhimadda ay leedahay aas’aaska nidaam sahlaya ilaalinta xeebaha Soomaaliua taasi oo ahmiyad u ah inla helo sharci lagu xakamaynayo dhibaatooyinka ka taagan biyaha Soomaaliua, iyo horumarka ilaha dhaqaalaha.

Heshiiskani ayaa u horseedaya Soomaliya xasilooni iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaale ee dalka, waxaana uu taageeraya ayaa lagu yiri warka qoraalka ah Lixda tiir ee siyaasadda Soomaaliya.

Waxyaabaha gundhigga a u ah ama ugu muhiimsan heshiiskan oo looga gol leeyahay dhismaha shaxda ilaalinta xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah

1-In lala socdo ilaha dhaqaale ee gaarka ah.

2- in lagu gaaf wareego lana kontroolo ama la ilaaliyo si loo suga ilaha dhaqaale .

3- la socodka dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha.

4- Difaaca qeyraadka dabiiciga ah.

5- difaaca kaluumaysiga sharcidarrada ah ee Maraakiibta ajaanibta ah iyo waxyaabaha saldhiga u ah.

6- ka hortaga sunta lagu daadinayo xeebaha Soomaaliya oo khatar ku ah dadka iyo kheyraadka dibiiciga ah.

7-In la sameeyo dabagallo ku aadan badbaadada iyo ka hortagga adeegyada kotorbaannada ah.

Shirkada ayaa intabadan waxaa ay ka shaqeysaa horumarinta nidaamyada caalamiga ah ee la xidhiidha dhinaca marin biyoodyada, ayagoo isticmaalaya qalab dooman iyo maraakiib dheereeya oo xeebaha ka howlgala waxaana la sheegey in ay joogteyn doonaan howlgallada si loo adkeeyo amaanka xeebaha.

Waxaa ay sidoo kale taageerayaan hay’adaha amaanka ee xeebaha Soomaaliya qaabilsan, ayagoo ka saacidaya barnaamijyo tababar iyo in xirfadahooda sare loo qaado, saraakiisha iyo ciidamada ilaalada xeebaha.

Ugu dambeyntii waxaa la sheegey shirkadani in ay ku howlgali karto oo kaliya awaamir ama fasax ay ka haysato dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ka marneeyn in lagu howlgalo nidaamka caalamiga ah oo ay dejisay Qaramada Midoobay.

Salaanmedia/Mogdisho