Faallo: Somaliya Masar Ma Aha ! Qalinkii Wariye Yusuf Garaad Cumar

Faallo: Somaliya Masar Ma Aha ! Qalinkii Wariye Yusuf Garaad Cumar

Ganacsata Nairobi ayaa xalay afur u sameeyay Madax, siyaasiyiin iyo dad kale oo isugu jira aqoonyahanno iyo shacab Soomaali iyo Kenyan ka kooban.

Waxay munaasabaddu ahayd wacdi, duco, isbarasho iyo in la isku guubaabiyo in nabadda laga shaqeeyo. Iyo in dowladda Kenya oo caasimaddeeda lagu qabtay munaasabaddana looga mahadceliyo taageerada ay la garab joogto Dowladda Soomaaliya iyo qaxootiga ay dalkeeda ku marti gelisay.

Fikirka shirku ka dhashay waxaan ka marneyn walaac ay qaban qaabiyayaasha qaarkood ay ka qabeen kala qoqobka iyo siyaasadda beeleysan ee beryahaan ay dadka qaar aad u buun buuniyeen. Farriin aan afka laga sheegin waxay ahayd in la muujiyo is dhex gal dad aanay ka dhexeyn wax aan ahayn Soomaalinnimo.

Shirkaas waxaa goob joog ka ahaa saddex Ra’iisal Wasaare oo madax ka soo noqday Soomaaliya, Dr Cali Khaliif Galaydh, Dr. Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Waxaa kaloo joogay Cabdiwahaab Ugaas, Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow. Waxaa iyaguna joogay Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo General Darwiish oo midba mar Madax u noqday Sirdoonka Soomaaliya, Madaxweynaha Khaatumo iyo xildhibaanno fara badan ayaa iyaguna fadhiyay. Waxaa goobjoog ahaa hawlwadeenno la shaqeeya Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya.

Dhinaca Kenya waxaa ka soo qeyb galay afar xildhibaan oo uu ku jiro Ilyaas Barre Shiil oo hadda ka hor dhowr jeer tegey Soomaaliya. Afartuba khudbado talo iyo dhiirri gelin isugu jira ayay goobta ka jeediyeen. Siyaabo kala duwan ayay u cabbireen dib u dhaca Soomaaliya uu dagaalka sokeeye u keenay iyo sida uu iyaga laftooda u saameeyay.

Waxaa suuqa si xoog leh loo geliyay, oo Dowladda Soomaaliyana ay ilo kala duwani ku wargeliyeen in shirka ujeeddadiisu ay tahay in lagu mucaarado dowladda Soomaaliya. Waxaa la sheegay in shirka ay wadatay Jubilant, iyadana lagu taageerayo.

Ilaha qaar is-been-farriimay waxay suuqa sii geliyeen in Isbahaysi mucaarad ah halkaa looga dhawaaqi lahaa laakiin ay dowladda Kenya is-hor taagtay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ka cabatay.

Wax kasta oo dowladda laga siistay in sidaas loogu warramo, haddana kulanka ujeeddadiisa dhabta ahi ma ahayn wax dhaafsiisan inta goobta ka dhacday. Haddii wax sidaas weydaaran ay madasha ka dhici lahaayeen, waxay ahaan lahayd khiyaamo maaddaama aan hore loogu ballamin.

Sababaha taas caddeynaya waxaa ka mid ah, in aanuu jirin kulan ay hore isugu yimaadeen siyaasiyiinta kulankaas goob joogga ka ahaa, qaarkoodna ay meesha isku barteen, marka laga reebo laba ama saddex qaban qaabada iyagu lahaa.

In aanuu ahayn wax dowladda laga qarinayana waxaa u markhaati ah in ay fadhiyeen hawlwadeenno ka tirsan xafiisyada ugu sarreeya Soomaaliya, welibana aan laga qarin ee lagu marti qaaday Danjiraheenna Nairobi, shirkana uu xiriirye ka ahaa mas’uulka shakrikad la shaqeysa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Midda kale anigu ma ogi mowqifka siyaasadeed ee mideyn kara dadkaas oo dhan oo aan ka ahayn taageerada Qaranka iyo Dowladda Soomaaliya.

Mucaarad aa! Ma anigan?

Waxaan arkay erayo ay xar xarriiqeen baraha internetka qaarkood. Waxay ku eedeeyeen dadkeennii goobjoogga ka ahaa munaasabaddaas, iyo qaar aan jooginba in aan nahay dad lacag ku qaatay in ay shirqoolaan Dowladda Soomaaliya.

Xataa hadday dadka qaar ka suurta geli karto, ma ahan wax aan ku wada heshiin karno in aan shirqoolno Dowladdeenna iyo Madaxdeenna.

Haddiiba aan taa la aamini karin, ogow Soomaaliya, Masar ma aha. Ma jirto quwad Soomaaliyeed oo maanta Dowladda afgembin karta. Dowladda waxaa ilaaliya ciidanka ugu xoog, sahay, saad, xuuraansi, taakulo iyo gurmad badan ee Soomaaliya jooga, waa ciidanka AMISOM.

Dariiqa keliya ee qofkii mucaarad ah u furan waa dariiqa qaanuuniga ah ee lagu kala bixi karo sanduuqa dhex yaalla Baarlamaanka Soomaaliya. Kaasna dariiqa loo maro ma jirto cid dowladda ka badisa.

Intaa ka dib, anigu mucaarad ma ihi. Mana qarinayo taas. Laakiin ha igu khaldamin. Anigu ma qabo saar taageerenimo oo indha tiray. Ma aha in aan siyaasadaha ay Dowladdu ku socoto iyo qaabka ay u wajahdo aan ku wada raacsan ahay.

Siyaasadaha qaarkood wey ila khaldan yihiin. Qaarkood wey ila wanaagsan yihiin laakiin waxaa ka khaldan sida loo soo bandhigayo ama loo wajahayo. Qaar kale waxaa ila khaldan markii khaladkooda la arkay in khalad kale lagu saxayo. Waxaa ila khaldan in mas’uuliyiinta go’aan weyn qaadan karaa ay aad u kooban yihiin.

 

Qaarkood waxaa ila khaldan in wakhtigii ay ahayd in tallaabo laga qaado laga habsaamayo. Kuwaas waxaa ka mid ah arrinta Kismaayo. Mas’uuliyiinta dalka ugu sarreeya mid ka mid ah, ayaan bishii September 2012 kula taliyay in Madaxweynuhu uu magacaabo ergey u qaabbilsan arrimaha Kismaayo.

Waxaan ii muuqatay in aan xaaladda Kismaayo jihada ay qaadaneyso aanay sugi doonin dhowrka bilood ee Madaxweynuhu ka fekerayo cidda Ra’iisal Wasaare noqon doonta iyo sida Baaramaanka loo marinayo. Iyo inta isaga iyo Ra’iisal Wsaaruhu ay ka tashan doonaan cidda Wasiirro noqoneysa, barmaaijkooda siyaasadeed iyo sida Baarlamaanka looga ansixinayo.

Mas’uulkaas jawaabta uu i siiyay waxay ahayd, labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa telefoonka ku wada hadlay, wax walbana wey isla fahmeen. Waxba ma hallaabayaan. Xaaladdu waa dhag, waadna ku mahadsan tahay walaaca aad muujisay. Inkasta oo hadalkiisa aan u arkayay nin weli farxadda guushii doorashada ku jira oo wax waliba la fudub yihiin, haddana waan uga mahadceliyay xogta uu ila wadaagay. Niyaddana waxaan iska iri Ilaahow run ka dhig.

Waxa ay ku dambeysay iyo inta dad ku dhintay waan arkaa. Waxaan arkaa sida ay u xumeysay xiriirka dalka aan deriska nahay ee Kenya.

Haddaad tahay taageere kubadda cagta, waxa aan ka hadlayo waad garan kartaa. Laacibka adduunka ugu wanaagsan hadduu kooxdaada ku jiro adiga waxaa kuu muuqda Goolka uu dhalin karay, ama uu difaaci karay, laakiin uu ka gaabiyay. Taasna waad ku xanaaqeysaa.

Macnaheedu ma ahan in kooxdaada aad nacday ama aad cadow ku tahay. Mana ahan in cayaartooyga uu kahaldkiisu kuu muuqdo in aad jeclaan lahayd in cayaaraha laga fariisiyo.

Marka aad khaladkiisa tilmaameysana ma ahan in aad leedahay anigaa ka aqaan cayaarta.

Marka Dowladda iyo inta dooneysa in indha la’aan lagu taageero ha ogaadeen in ay jiraan taageerayaal kale oo aan qabin saarka daneysiga ah ama nin jecleysiga ah. Hana u gegsadeen erayada iyo tilmaamaha laga yaabo in marmar ay ka soo yeeraan taageerayaasha aan ka mid ahay, oo maaddaama aan saar ku dhicin ay u muuqan karaan dhinacyada laga gaabiyay.

Dhammaanteen – Mucaarad, muxaafad iyo muxaafad saar qaba, Ballanteennu ha ahaato, i tus oo i taabsii. Dowladda waxaan u rajeynayaa nabadeyn iyo horumar in ay na gaarsiiso.

Ramadan Kariim.

Allaa Mahadleh

Qalinkii: Yusuf Garaad
Nairobi, Kenya