Faysal Cali Waraabe 22 Sanno Oo Hadal Uun Ah, Xirsi Cali Xaji Xasan 3 Sano Oo Waxqabad Muuqda Ah. By: Sowda.

MAQAAL

Faysal Cali Waraabe 22 Sanno Oo Hadal Uun Ah, Xirsi Cali Xaji Xasan 3 Sano Oo Waxqabad Muuqda Ah. By: Sowda.
Waxa beryahanba dalka ka socday isku tuurtuur siyaasadeed oo u dhexeeya Fasyal Cali Waraabe Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan kaas oo ay bulshadu siyaabo kala duwan u aragtay.
Hadaba waxa is waydiintu tahay farqiga u dhexeeya labadan masuul muxuu yahay marka loo eeego xaga Siyaasada, Horumarka, Dadnimada iyo Dedaalka Wadanimo.

Aan ku horeeyo wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xirsi waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta Da’a yare e dalkan SOMALILAND u soo baxay mudooyinkii u danbeeyey waxa uu ka dhex muuqday Bulsho 22 Sanno laga baafinaayey Mudanihii dalkan hogaamin lahaa ee loo carbin lahaa siyaasadiisa sida ISmaaciil Cumar geele oo kale uu Guuleed Abti doon ugu wareejiyey Dalka markii uu in mudo ah ahaa siyaasi da’a ayr oo soo jiitay indhaha Bulshada Reer Jabuuti, taasi waxa an uga socdaa Xirsi waxa uu noqday muwaadin ay dadkiisu jecel yihiin oo ay ka war hayaan wax qabadkiisa iyo dedaalkiisa shaqo isaga oo 6 ilaa 6 ama ka badan aad ka heli karto xafiiskiisa shaqo isaga oo ku xidhan bulshada qaybeheeda kala duwan uguna hagar baxa cidii wanaag iyo shaqo hufnaan ah ula timaada qofkii ak soo baxaana isaga oo dhoola cadaynaaya oo faraxsan aad arkayso welina aan la hayn qof yidhi xirsi ayaanu is aragnay oo imay qancin waxa aan kala kulmay.

Waxa hubaal ah in Wasiirkani uu yahay shaqsi alle u dhaliyey karti iyo hufnaan shaqo waa mida waa siyaasi la odhan karo waxa uu mudo kooban ku hantiyey quluubta shacbiga isaga oo magic iyo maamuuska helay daafaha dunida siiba geeska Africa.
Wasiirkani waxa uu ku caanbaxay in uu mar walba ahaado mid taagan oo ka war haya wixii dalka ku soo kordha ama u baahan in lagu soo kordhiyo taasi oo aynu odhan karno waxa aad ka dareemi kartaa sida qiimaha badan ee uu daacada iyo kartida dheeriga ah ugu hayo dalkiisa.
Hadaba Faysal Cali waraabena aanbal ku yara laabto Faysal waxa uu dalkan Somaliland dhex rooraayey mudo ku dhawaad 22 sanno ah sida uu isba ka dhawaajiyey maalintii dhawayd.
Hadaba waxa is waydiintu tahay oo isna uu tilmaamay mudaasi waxa uu somaliland ku soo kordhiyey ama uu u qabtay taas oo runti aan qoraal dheeraad ah iga baahnayn ama aanan doonayn in aan ku lumiyo ee aan soo qaato hadalkisii ahaa dalka 22 sanno ayaan la garab taagnaa hadal iyo in aan horumariyo aniga oon ku lahayn guri, Dhul, Baabuur iyo wixii soo raaca taasi aniga waxa ay igu dhalisay suaal aan isaga jawaab aad I taabatay oo odhanaysa faysal 22 kaa Sanaba waxa uu ku hawlanaa sow noqon mayso uun burburinta iyo qas uu ak abuuro uun Somaliland maaha sababta oo ah waxa uu ninkani muujiyey in aanu muwaadinba ahayn waayo waxa uu cadeeyey in aanu dalkan haba yaraatee wax rajo ah ka qabin marka uu leeyahay Guri. Baabuur, Dhul midna kuam lihi dalka ku darso oo ninkani waxa uu degan yahay Yurub isaga oo aanay dalka ka joogin caruuri gabadha uu qabana horeba isagu u sheegay in aanay muwaadinadba ahayn.
Hadaba waxa aan kaga baxayaa Arrimaha Faysal Muxuu tolow dalkan ka damcay ma in uu burburiyo oo aanay marnaba noqon kuwo cagahooda ku istaaga isaga oo ka dagaalamaya in ay soo baxaan ceebihii iyo daba galkii lagu hayey dadkii Gacan ku dhiiglihii Siyaad Barre la shaqayn jiray ee lagu daba jiray beryahaaba.
Taasi oo ay markhaati inoogu filan tahay sida faysal uu ula shaqeeyo Reer Koonfureedka oo aynu ognahay in uu hotelo kula saxeexday heshiisyo qarsoodi ah oo laga ilaaliyey Media balse si hoose loo duubay iyo sida uu marwalba ugu hadaaqo somaliya, waxa aan leeyahay faysal ha noqon heeryadiisa cune ee dalkan ku dedaal inaad wax muuqda ka qabato adiag oo ku dayanaaya wasiirkan aad ka dul baxday ee bulshada ka mutaystay karaamada iyo sharafta mudadaasi gaaban ee 3da sano ah halka aad adigu ilaa hada bulshada ku soo jiidan la’adahay 22 sano oo fadal iyo qaylo ah.
ALLAA MAHADI U SUGNAATAY