Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo bulsha sharafta leh ee ku hadasha afka Soomaaliga.
Waxaan halka idiinku soo gudbinayaa gabay ah geeraar gaaban lana magac baxay QAWAD aan kuna hal qabsanayo kuna bogaadinayo qoraaga weyn Boobe yuusuf Du’cale, ee ku soo dhawaada.
Kuwaa qoorta u jooga
Qasar kii ku xaraysan
dhoosha uga qoslaaya
Hadaanay qabanayn
Adigaa quwad wayne
Qaadiroow kan na dhaafi.
Intaan qaaruhu yeedhin
Qaw qaw la iskaga siinin
Qaxu aanu bilaabmin
Qolqolkii lagu leediyo
Qaaxo aan lagu laaban
Qaxar kiisa nadhaafi.
Qaayida-deena wanaagsan
Golahan qiimaha waynle
Qumaati ugu dhawaaqay
Qoonsi bay arkayaane
Qaran kay toosinayaane
Qalbi-giinu ha raaco
Kumanaan qudha waayay
Qabrigoodii la waayay
Lixle oo qaayid ahaa
Damalkii Cabdi qaadir=Koosaar
Shiine oo qafis leefay=Aden shiine
Dar kaloo la qisaasay.
Kuwaa qoorta u jooga
Qasar kii ku xaraysan
dhooshaa uga qoslaaya
Hadaanay qabanayn
Adigaa quwad wayne
Qaadiroow kan na dhaafi
Kuwan qaybta la waayay
Qoortoodu maroorto
Rasaastu ay u qusaysay
badi jiidhku qalfoofay
Qatanaada habeenoo
Dab-ba qiijin ayaamo.
Mid wadaado qisaasay
Qaraaba diisa ukiisha
Qudhun-naynu nacnoo
Hore u soo qalibnee
Tan miyaan qarsanaa
Dulmigaa ku qabnaa.