GOLAHA MADAXABANAAN : MA JABHAD BAA MISE WAA XISBI ?

025
GOLAHA MADAXABNAAN : MA JABHAD  BAA MISE WAA XISBI  ?
Waxa  Hargeisa lagaga dhawaaqay “ Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga & Toosinta Qaranaka “ GMWTQ”. Waxa ku dhawaaqay Hogaamiyaal ku hadhay doorashooyinkii deegaanka , Wasiiro laga eryayay dawladda Madawayne Siilaanyo, Guddoomiyaha UCID, iyo qaar kale oo badan.  Sida ku qeexan Warsaxaafadeedka ay soo saareen, ujeedada loo asaasay waxay ku koobantahay  “  Badbaadinta  jiritaanka qaranka Jamhuuriaydda Somaliland”
 Waxay soo bandhigeen 16 Qodob , oo dhamaantood ah qoddobo siyaasi ah. Distoorka Somaliland wuxuu ogolyahay 3 Xisbi Qaran. Ma ogola Ururo iyo Golayaal siyasadeed oo kale.  Haddii uu Golahaasi hirgallo,  waxa lagu dhawaaqi doona Golayaal kale oo Badbaado Qaran  ah iyo qaar xagjir ah “ Al Qaacida Somaliland .  Hadaba, shacabku wuxuu  jawaab ka sugayaa Xukuumadda Somaliland, Golyaasha Sharcidejinta iyo Maxkamadda Distooriga ah. Waxa kale oo  jawaab laga  sugayaa  Saddexda Xisbi Qaran ee sharciga ah.
Ramadaan Kareem.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi “, Toronto