“Golahan Wakiilada Waxaan U Aqaanaa Gole Wakhtigiisii Dhamaaday…..Dhibaata Kasta Oo Waddanka Soo Gaadhana Waxaa Ka Masuul Ah Guddoomiyaha…..”

(SM:Hargaysa)    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa xaaraan dastuurka baalmarsan ku tilmaamay lacagtii ay golaha wakiiladu dhex-raacsadeen markii ay ansixinayeen xeerka maamuushka madaxweynayaasha iyo ku xigeenadda iyo Goleyaasha Baarlamaanka.

 

Waxaanu sheegay Faysal Cali Waraabe in golaha wakiilada oo marka horeba sharci darro ku fadhiyay ay hadana muddo korodhsigoodii xaaraanta ahaa ku darsadeen inay lacagta cashuurta ah ee umadda laga qaado ay doonayaan in ay qaab ka baxsan shuruucda dalka ku qaataan marka ay xilka ka tagaan.

Eng. Faysal Cali Xuseen oo xalay telefoonka ugu waramay Wargeyska DAWAN, isaga oo jooga magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in talaabadaasi ay golaha wakiiladu u dhex raacsadeen lacagta aadka u badan marka ay shaqada ka tagaan ay tahay dhibaato iyo khasaare wayn oo soo gaadhay qaranka iyo shacabka Somaliland. Waxaanu tilmaamay in golaha wakiiladu ay kow ka yihiin nidaam darrada wakhtigan dalka ka taagan.

 

isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa in golahaasi uu yahay gole wakhtigiisii dhamaaday, waxay arrintoodu la mid tahay ninkii yidhi Hooyadeen indho la’aan ma ku taqaanay, dad cuna way ku darsatay, muddo korodhsigii xaaaraanta ahaa waxay ku darsadeen inay yidhaahdaan cashuurtii dadka shacabka ah laga soo ururiyay hanala siiyo xataa marka aanu meesha ka tagno lacagtaasi halana siiyo. Waxaas oo kale meelna kama dhacdo aduunka inta gole baarlamaan jirta, Waxaan aduunka lagu arag ayaa meesha socda, waana nasiib darro, waxaanay ka mid tahay nidaam darada maanta dalka ka taagan, nasiib darooyinka wadanka haysta ta ugu wayni waa golaha wakiilada”.

Waxa kale oo uu guddoomiye Faysal xusay in dhibaatada ay golaha wakiiladu u gaysteen qaranka uu isagu shaqsiyan qayb ku leeyahay, taasi oo uu ku sababeeyay in guddoomiyaha golaha wakiiladu uu ka soo baxay xisbiga UCID. Waxaanu Eng. Faysal shacabka Somaliland ka raali geliyay in masuul xisbigiisa ka soo baxay uu dhibaatooyin u soo jeedo dalka iyo dawladaba. “danbiga aniga ayaa wax wayn ku leh, qasaarahaa iyo dhibaatadaa uu maanta golahaasi gaadhsiiyay qaranka inteeda badan anigaa leh, maxaa yeelayanaa odaygii hore ee golihii beelaha ku yimid meesha ka saaray, kaasi oo ka fiicna marka loo eego kan, guddoomiyahan imika golaha wakiilada joogana anaa dadka dusha kaga keenay, markaa danbigaa wax badan baan ku leeyahay, shacabka reer Somaliland cafis ayaan idin waydiisanayaa” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Eng. Faysal ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Cirro in uu isagu masuul ka yahay dhibaatadaasi qaranka soo gaadhay isla markaana ay ahayd in guddoomiyuhu uu xeerkaasi ka reebo qodobada ka hadlaya danta gaarka ah ee xildhibaanada. Waxaanu yidhi “waxaas oo dhibaato ah waxaa ka masuul ah guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaas oo kale in mooshinka la geliyo ma aha xeerka marka ay dawladu soo qorto, waa la diidaa ama waa la ogolaadaa, markaa ma aha inay ku darsadaan wax iyaga u dan ah, inuu kaba saaro ayay ahayd, mooshinka guddoomiyaha goluhu qodobadaa sheegaya, dantooda gaarka ah ee aan dastuurigana ahayn. Waxaa jira guri loo dhisayo guddoomiyahan golaha wakiilada, weligeed ma dhicin sharcina ma aha guddoomiye gole oo guri loo dhiso, wuxuu leeyahay dawlada ayaa noo iibisay, hadana magaciisa ayaa lagu qorayaa”.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in shacabku ay ka gil-gishaan arrintan, waxaanu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in aanu saxeexin xeerkaasi oo uu ku tilmaamay mid shuruucda dalka u yaala baal marsan. Isaga oo sidoo kalena golaha guurtida ka dalbaday in aanay ansixin xeerkaasi.“Arrintaasi waa mid u baahan inuu shacabku ka gil-gisho, madaxweynaha iyo golaha guurtidana waxaan leeyahay waxaasi sharci ma aha ee ha saxeexina, waana u caado marka ay dawladu soo saarto mashruuc inay wax ku darsadaan golaha wakiiladu, waayo xeerkaas loo bixiyay shir-qool 14-aad ayay ku shaqaynayeen saddexdaa sanadoodba” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID.

Sakaanmedia/Hargaysa