Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Gole cusub oo uu ka mid yahay Ismaciil Buubaa xilal sarena ka soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

 

 

Gole cusub oo ay ku mideysan yihiin xubno fara badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo xilal sare ka soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa looga dhowaaqay magaalada Muqdisho. oo loogu magac daray golaha midnimada Qaranka iyo xoojinta dowladnimada ayaa munaasabadii looga dhowaqayey ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad, haween iyo qaar kale.

Waxaa ka hadlay munaasabadii furitaanka golahan gudoomiyaha KMG ah ee golaha midnimada Qaranka iyo xoojinta dowladnimada Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo wasiirka arrimaha dibeda iyo xilal kale ka soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee Somalia.

Buubaa ayaa sheegay oo golahan cusub magaciisu ka kooban yahay midnimo iyo dowladnimo ay fekerkiisa leeyihiin, siyaasayiin iyo waxagarad Soomaaliyed, ujeedada loo dhisayna ay tahay sidii dowlada loogu dhiiri gelin lahaa xoojinta waxyaabaha ay qabatay, wixii ka khaldana loo tilmaamo.

“Muddo dheer ayaan ku soo jirnay muran iyo isqabqabsi salka ku haya waxyaabo qaranimada aan ku habooneyn oo ujeedada laga leeyahayna ay tahay kuei kala riixasho, taasna waxaan dooneynaa in laga gudbo oo qaranimada iyo dowladnimada loo daneeyo” ayuu intaa ku daray Buubaa.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay kulankaas siyaasiga Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo wasiirka arrimaha gudaha amniga qaranka iyo xilal kaleba ka soo qabtay dowladihii KMG ahaa, isagoo sheegay in golahan uu taagam yahay xoojinta dowladnimada.

“Waxaan idin sheegayaa in xoojinta dowladnimada aaan loola jeedin dowlada hadda jirta keliya, Balse loola jeedo dowlad kasta oo bedesha dowlad kale, golahama waxaa ka mid ah ujeedadiisa in shacabka la baro nidaamka dowladnimada iney xoojiyaan, ayna adkeeyaan waxa qabsoomay, waxa aan qansoomina dedaal loo galo” ayuu intaa ku daray Gacmadheere.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankaas qaar ka mid ah xubnihii lagu casuumay oo ay ka mid ahaayeen Islaan Saciid Cismaan Islaan, C/llaahi Shiikh Daahir oo ka mid ah madaxda axsaabta ka jirta qaarkood, haween, saraakiil iyo aqoonyahano dhamaantood taageero u muujiyey golahan oo sheegeen inuu yahay mid wax ku ool ah oo wax badan ku kordhin kara xoojinta hanaanka dowladnimo ee dalka si horumar looga gaaro, iyagoo bulshada Soomaaliyed ugu baaqay iney xubno ka noqdaan, fikradahoodana ku soo bandhigaan golahan.

Afhayeenka golahan ayaa sheegay in goluhu uu leeyahay illaa hadda gudoomiye KMG ah oo laga dhigay Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, dhowaana hogaanka golaha iuyo qeybaha uu u kala baxo la dooran doono, isagoo goobta ka akhriyey war-saxaafaadeed dheer oo ka hadlaya ujeedooyinka golaha sababaha loo aasaasay iyo halka uu mustaqbalka doonayo inuu tiigsado kaasoo u qornaa sidatan:-

Golaha Midnimada Qaranka iyo Xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed
Hordhac

Taariikhdu markey ahayd 11/06/2013 ayaa koox ka mid ah waxgaradka Soomaliyeed isugu yimaaddeen shir ka dhacay Muqdisho oo ku saabsan geeddi socodka Qaranka Soomaaliyeed. Waxaana la is tusay iney ismaandhaafsan yiheen labo arrimood oo ku xeeran Dawladnimada Soomaaliyeed ee la doonayo inay hanaqaaddo. Labadaa arrimood oo kala ah:

1. Aragtida dunida ka jirta ee ku aaddan sidii loo tayeyn lahaa, loona taageeri lahaa, Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed iyo

2. Isqabqabsiga la xirriira loolanka beelaha, damaca madaxnimo, diidmada midnimo iyo aqoon la’aanta Dawladnimo ee ka imanaya qeybaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

Waxaa lagama maarmaan ah in la furdaamiyo sidii ismaandhaaf kaas loo xakamayn lahaa, loogana gudbi lahaa. Iyadoo hal kaa laga duulayo iyo kadib fadhiyo isdabajoog ah oo kooxdu soo afjartay 25/07/2013, waxay isla meel dhigeen aragtidooda ku aaddan istraatajiyadda guud ee lagu saleyn karo furdaaminta ismaandaaf kaas.

Istraatajiyadda Guud ee lagu Saleynayo Furdaaminta Arrimahaas.

1. Dawladdu waxay kasbatay in loogu hambalyeeyo fursadaha badan ay ka soo hooyisay beesha caalamka muddada yar ee ay jirtay, waana in lagu garab galo, lagulana shaqeeyo sidii loogu baddali lahaa ficil meelmar ah, iyadoo la ogsoon yahay in sanadihii 1992 – 1994 fursadahaas oo kale ay nasoo mareen faa’iido la’aanna ku dhamaadeen, taasoo ay sababeen khilaafaadkii iyo loollankii awoodeed ee hoggaamiyayaasha siyaasadeed, loolan kaas oo laga aloosayay dibedda iyo gudahaba, laguna wiiqayey danta dadka iyo dalka.

2. Dawladdu waxay u baahan tahay in lagala shaqeeyo:

• Hanashada maamulka dalka oo dhan.
• Ka shaqeysiinta hay’adaha maamulka dhaqaalaha iyo garsoorka.
• Yeelashada awood ay wax uga qaban karto daryeelka asaasiga ah ee shacabka.
• Ilaalinta ammaanka dalka iyo sugidda xuduuda heeda badda iyo barriga.
• Cududeynta aqoonsiga caalamiga ah iyo iskaashiga Mandiqadda.

3. Maadaama qodobada aan kor ku soo sheegnay ay badidoodu Dawladda ka kala dhantaalan yihiin, marka laga reebo aqoonsi geesinimo galin ah oo curdin ah, waxaa shacabka Soomaaliyeed waajib ku ah inay Dawladda la garab istaagaan hiil iyo hooba oo aan la mucaaridin ee lala taliyo, haddii kale waxaa xaqiiqa ah inay sidii kuwii hore lumayso fursaddani, caalamkuna wuxuu noo aqoonsanayaa hoggaamiye kooxeedyo wada mansab doon ah oon qaran ka maqnayn.

Si kastaba ha ahaatee, Dawladdu waxay guula muhiim ah ka soo hooyisay:

• Aqoonsiga midnimada Somaliyeed ee ay qireen Qaramada Midoobay, USA, EU, JAPAN klm oo la’aantiis halis gelin lahaa qaranimada.

• Mashruucii xadeynta xuduudaha badda Soomaliyeed ee golaha wasiiradu ay adkeeyeen go’aankii Baarlamaanka ee 2009-kii, iyagoo soo afjaray mashruucii shisheeyuhu wateen.

• Soo ceseshada xubinnimadeenii ururada iyo hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adaha Maaliyadda (World Bank, IMF) Cotonu (ACP), Isgaarsiinta iyo Boosaha, cilaaqaadkii Ganacsiga Afrikada Bari (PTA), tababarrada ciidamada amniga dalka gudihiisa loo soo wareejiyey, iyo Dawladaha IGAD oo oggolaaday la shaqeynta Dawladda iyo sidoo kale dhammaan hawlaha wasaaradaha iyo Baarlamaanku gacanta ku hayaan.

• Fidinta Dawladnimada lagu gaarsiiyay degmooyinka iyo gobollada iyo booqashadii madaxda Dawladdu ku tageen gobollada.
• Ansixinta sharcigii lagu maamuli lahaa gobollada.
• Haddaba waxaa loo baahan yahay in fursad la siiyo Dawladda si ay uga miro dhaliso tallaabooyin kaas ay qaadday.

4. Siyaasadda dibedda ee dalka waa in loo maareeyo si ay u taakuleyso una kobciso tayaynta ammaanka iyo dhaqaalaha gudaha dalka, waayo, tayeynta arrimaha guduhu waa laf dhabarka dhidibbada u aasa ee dhaqan galiya siyaasadda dhabta ah ee horumarinta guud ee dalka oo dhan. Waxaana lagama maarmaan ah in Dawladdu u dhega nuglaato diraasadaha casriga ah, faalooyinka iyo dhaliilaha ku saleysan wax dhisidda ee ka imanaya shacabka, si habboonna uga ficil celiso diraasada haas, faalooyin kaas iyo dhaliila haas.

5. Iyadoo ay horeyba u asteysay Dawladdu in sugidda ammaanka iyo xasiloonida dalku yihiin halbeeggeeda koowaad ee hanashada Dawladnimo Soomaaliyeed, waxaa xusuusin mudan in horumarka Muqdisho, xag amni iyo xag dhismaba yahay udub dhexaadka hanashada halbeeggaas.

Markey Dawladdu ku guuleesato inay sugto ammaanka magaalamadaxda waxaa loo aqoonsanayaa in ay hanan karto ammaanka dalka oo dhan. Si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka waxaa loo baahan yahay dhaqan gelinta hawlahan soo socda:

• Siyaasadda qaranka, sugidda ammaanka iyo xasiloonida dalka kama marnaan karaan aragti guud (holistic view) oo ku salaysan danta dalka (national interest). Haddii ammaan darro ama xasilooni la’aan siyaasadeed ka jirto meel dalka ka mid ah, dalka oo dhan wuxuu ku jirayaa ammaan darro iyo xasilooni la’aan. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan inay Dawladdu dajiso qorshe qaran (national plan) oo ay soo agaasimeen xeeldheerayaal, oo leh jidmar muddeysan (roadmap with time-lines), oo saameeysa sugidda ammaanka iyo xasiloonida dalka oo dhan.

• Qorshaha qaranka ee sugidda ammaanka iyo xasiloonida waa inuu:
i. Tirakoobaa, shaandheeyaa oo mideeya ciidamada kala jooga meelaha kala duwan ee dalku u kala daatay, uuna dhaqan celiyo tababar kooda ciidannimo iyo garaad kooda wadaninimo.

ii. Qiimeeyo saanadda, agabka, gaadiidka, daryeelka iyo qalabaynta xarumo ciidan casri ah oo ku filan inuu ka hawl geli karo difaaca berrigiisa, badihiisa iyo cirkiisaba.

iii. Xaqiijiya ciidama daas inay u diyaargareysan yihiin lawareegidda, suggidda amniga magaalamadaxda iyo dalkoo dhan, markey dhamaato hawlgalka ciidamada AMISOM.

iv. Maareynta maalgalinta qorshaha qaranka sugidda ammaanka iyo xasiloonida dalka wuxuu ka muuqan doonaa tafaasiisha ku qeexan qodobka 9aad ee soo socota ee ku saabsan halbowlaha istraatajiyadeed ee amni iyo siyaasadeed ee ku xeeran halka wadankeenu khariiradda caalamka kaga yaallo.

v. Ammaanka dalka lama adkayn karo inta ay jirto caddaalad darro, caddaaladna lama heli karo inta aysan dalka ka jirin garsoor madaxbannaan dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan, booliis qaran oo taya leh iyo xabsiyo sharci ku shaqeeya, shacabkuna ku qanacsan yahay.

vi. Dawladdu waa inay ka gaashaamato dabinnada wax-ma-gartada Soomaaliyeed oo dana hooda gaarka ah ka dhex arkay fulinta danaha cadowga.

6. Guud ahaan burburka ku yimid dalka iyo dadka wuxuu salka ku hayaa sadbursi ku lug leh awood qeybsiga dhaqaale iyo siyaasadeed. Sidaa awgeed, maamullada dalka ka jira waxay halbeeg ka dhigteen gacan ku haynta dekadaha iyo garoomada dayuuradaha kuwaasoo laga helo dakhliga iyo canshuurta oo ay ku fushadaan awooddooda siyaasadeed.

7. Maamuladii dhismay muddadii Dawlad la’aanta Soomaaliyeed iyo kuwa iyaguna hadda u hanqal taagaya inay samaysmaan, waxay ka siman yihiin kuna dhisan yihiin rabitaan siyaasadeed oo dhaqaale raadin ku qotama. Si loo maareeyo tafaraaruqqa ku yimid ummadda Soomaaliyeed, waxaa lagama maarmaan ku ah Dawladda dastuuriga ah, inay mideyso, maamushana adeegyada asaasiga ah ee dalka sida mareenada badda ee caalamku adeegsado, dekedaha iyo garoomada dayuuradaha iyo hawada sare ee laga hago gaadiidka cirka ee dunida.

8. Wada shaqeynta iyo iskhilaaf la’aanta madaxda sare ee Dawladda waa waajib. Sidaas awgeed, waa in madaxdu ay iska ilaaliyaan isqabqabsi dhexdooda ah sidii ay shacabka u ballanqaadeen markii la doortay, sababtoo ah haddii madaxdu is khilaafto Baarlamaanka iyo shacabkuba way qaybsamayaan, beesha caalamkuna waxay ka dhiganaysaa marmarsiye in aysan fulin ballan qaadyadii dhaqaale iyo taageeradoodii siyaasadeed, isla markaana waxaa loo baahan yahay in maamulka dawladnimo hoos loo dajiyo.

9. Marka loo fiirsado halbowlaha istraatajiyadeed ee amni iyo siyaasad ee ku xeeran halka dalkeenu khariidadda caalamka kaga yaallo, waxaa lagama maarmaan ah in la isku dheelitiro siyaasadaheena ku saabsan:
 
• Sugidda amniga, midnimada iyo xasiloonida dalka oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah badbaadinta nabadgelyada halbowlayaasha badmareeneed ee dalka ku xeeran. Arintani waxay nooga baahan tahay istraatajiyad cusub oo saamaysa dhismaha ciidamadeena iyo iskaashiga amni een la leenahay Dawladaha dunida ee u baahan marinno badeedka inagu xeeran oo ammaan ah.

• Baahida loo qabo deris wanaagga iyo inaynu kasbanno taakuleynta looga baahan yahay Dawladaha IGAD oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah ilaalinta madaxbanaanida, midnimada iyo qaranimada dalkeena. Tan iyo lixdankii markay Jamhuuriyadda Soomaliyeed madaxbannaanaatay ee ay midoobeen Gobaladii Waqooyi ee Ingiriisku xukumi jiray iyo kuwii Koonfureed ee Talyaanigu xukumi jiray, dareen isqabqabsi iyo kala shaki ku dheehan yihiin ayaa inaga iyo Dawladaha deriskeena ee Geeska Afrika u dhexeeyey. Waxaynu u baahanahay inaynu dhisno siyaasad cusub oo qeexan oo mataaneysa danaheena iyo kuwa deriskeena.

• Hanashada taageerada soo socotay muddo dheer, ee siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ay inala garab taagnaayeen dawladaha caalamku, gaar ahaan dawladaha Waqooyiga Ameerika iyo kuwa Midawga Yurub, taas oo u baahan inaynu la nimaadno hiiraal (vision) siyaasadeed oo midaysan, dawlad-wanaag sugan iyo maamul ka caagan musuqmaasuq, qaraabo-kiil iyo sadbursi siyaasadeed oo beeleysan ama gobolaysan. Himilooyinka taageeradaasi naawilayso xaqiijin tooda waxa ugu mudan:

 Tabantaabinta amaanka iyo xasiloonida dalka oo iyaduna isla nabdoon oo mideysan, dawladaha jaar keeda ahna nabadgelyo kula nool, caalam kana ka badbaadisa aafooyinka budhcad badeedda iyo xagjirnimada wadan keeda ka soo asukunmayey muddo dheer.

• Garowsiga iyo adkaynta isku-xirnaanta danaha amni, derisnimo, diineed, ummadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo guud ahaan Dawladaha Carbeed, gaar ahaanna kuwa Jasiiradda Carabteed iyo ka miro dhalinta dhaqaalaha looga baahan yahay sugidda amniga iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada iyo dhaqaale ee dal keena.

• Soo dhaweynta maalgashiga caalamka, gaar ahaan kuwa Dawladaha iyo dadyowga dalalka Koonfurta Bariga Aasiya (ASIAN) oo u heellan fursado u sahla inuu dalkeenu noqdo meel badeecadahoodu iyo shirkadahoodu uga gooshaan dalalka kale ee Afrika, iyo kobcinta dhaqaalaha guud iyo maalgelinta ganacsatadeena.

10. Waxaa lagama maarmaan ah in si qoto dheer looga baaraan dego qaabka federaalka ee lagu dhaqmi karo oo waxna aan u dhimmeyn midnimada iyo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah nidaamka federaalka ee habooni wuxuu ka soo askunmaa taariikhda siyaasadeed, hiddaha iyo dhaqanka ummadda dooneysa inay qaab federaal ku dhaqanto.

11. Waa in Dawladdu iska xilsaarto ilaalinta hantida maguurtada ah oo hadda u muuqata in la kala boobayo, iyada oo aysan muuqan hay’ad difaaceysa. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in xeer qaran lagu furdaamiyo dhulalkey bixiyeen Dawladihii KMG ahaa oo shacabku wada dhistay, lagana soo saaro go’aan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, Madaxweynuhuna dekreeto ka soo saaro sidii loo maareyn lahaa.

12. Iyadoo ay lagama maarmaan tahay in la raad raaco eedaha iyo eedeysanayaasha ka qeyb qaatay musuq-maasuqqa muddo dheer naafeeyey maamulka Dawladnimada Soomaaliyeed, ayaa haddana loo baahan yahay in laga foojignaado eedeymaha ujeedooyinka maldahan leh ee dusha looga tuuro Dawladda dastuuriga ah ee Soomaaliyeed iyadoo sababaha ka dambeeya ujeedooyin kaas maldahan ay yihiin:

• Weecinta deeqo badan oo deeq bixiyayaashu ugu yaboohaan dib-u-dhiska dalka, iyadoo lugu andacoonayo inaanu dalku lahayn Dawlad lagu aamini karo maamulka dhaqaale buuran, wixii loogu deeqana ay lagama maarmaan tahay in lala maamulo.

• Curyaaminta dib-u-kobcinta hay’adihii maamulka dhaqaale ee Dawladda oo hawlahoodii loo idmado hay’ado kale oo shisheeye ah amba UN-ka ka tirsan sida UNDP-da.

• Curdin-dharin ama saqiir-suujin aan dhamaanayn oo dawlad-nimada Soomaaliyeed ku habsada iyo iska horkeenidda shacabka gaajeysan iyo Dawladda aan dhaqaale haysan.

13. Dawladda federaalku waxay u baahan tahay in ay xil weyn iska saarto sidii ay u heli lahayd taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Shacabkana waxaa loo baahan yahay iney gartaan:

• Dawladdu inay tahay mid ay iyagu leeyihiin.
• Dawladdu inay u taagan tahay ilaalinta qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaliyeed.
• Dawladdu inay u taagan tahay difaaca dalka, dadka iyo diinta.
• Dawladdu inay u taagan tahay horumarinta bulshada.

 Salaanmedia/Mogdisho




Leave a Reply