Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa Oo Ka Warramay Horumar Ay Gaadheen Muddo Sannad Ku Dhaw Oo Uu Xilkaa Hayay.

Hargeysa(SM):- Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas  ayaa ka xog-bixiyay qaar ka mid ah caqabadihii Jaamacadda ragaadiyay  intii aanu xilkeeda la wareegin iyo sidii ay u xalliyeen dhibaatooyinkaas sida maaraynta dhaqaalaha, habka shaqaalaha iyo agabka waxbarasho ee Jaamacadda, iyada oo uu hadda jagadaas hayay muddo ku dhaw hal sanno.

Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu wareysi siiyay  Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista. Ugu horreyn guddoomiyeha oo iftiiminaya qayb ka mid ah mushkiladihii hadheeyay Jaamacadda Hargeysa markii uu yimi ayaa yidhi Jaamacadda Hargeysi ma ay lahayn hab xisaabeed lagula socdo lacagta soo gasha iyo qarashka ka baxa waxaanad had iyo jeer maqli jirteen musuqmaasuq ayaa dhacay waana wax suurtogal ah haddii nidaam dabagal ahi jirin. Tusaale ahaan marka uu arday lacag bixiyo, kuwo kale ayaa soo sawiran jiray waraaqo been-abuur ah, way adkayd in la kala saaro mana uu jirin hannaan loo maamulo ardayda (student management system)”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Guddoomiyuhu yidhi “Waxyaabaha sixidda u baahnaa ee Jaamacadda Hargeysa caqabadda ku hayay waxa ka mid ah habka qaadashada shaqaalaha (Personnel Ssytem) oo waxa dhici jirtay inuu qof iska qorto shaqaalaha uu doono taas oo lagu xuli jiray qabiil. Tusaale ahaan waxa aad arkaysaa macallimiin aan wax heshiis (contract) lala gelin,  xuquuqna aan lahayn sidoo kale mudnaan (seniority) aan kala siin, isla markaana saacaddii la doono la eryi karo. Xagga dabagalka shaqaaluha ma jirin nidaam lagu ogaado in hawl-wadeennadu fuliyeen masuuliyadaha ay Jaamacadda u hayaan. Waxa kale oo maqnaa hab la isuna xisaabtamo la isuna qiimeeyo (evaluation) oo la yidhaahdo maxaad qabatay?”

Guddoomiyeha oo sharxaya habkii ay u maareeyeen duruufahaas ka jiray Jaamacadda Hargeysa iyo ciddii uu kala tashaday hannaanka wax looga qabanayo ayaa yidhi “Dhibaatooyinkaas ayaa jiray waxaanan u bandhigay guddiga jaamacadda oo uu guddoomiye ka yahay Dr Sacad Cali Shire, waxaana la i weydiiyay waxyaabaha aan ka qabanayo taas waxa aan ku bandhigay qoraal ay Boodhka Jaamacaddu igu raaceen, waxaanu qaadnay tallaabooyinkan:

1.      habka qaadashada shaqaalaha (Personnel Ssytem) waxa aannu samaynay qiimayn xagga aqoonta, qof aan u qalminna hadda kama shaqeeyo jaamacadda, dad cilmi ayaannu keennay waana la habeeyay shaqaalaha.

2.      Marka aannu qaadanayo hawl-wadeenno cusub, jagada aannu u baahannahay waa la xayeysiiyaa dadka soo socda inta ugu waayo-aragsan ayaa imtixaan laga qaadaa, inta halkaas ka soo gudubtana waxa laga qaadaa imtixaan lagu saxo hab qarsoon oo tirooyin ah, isla markaana aan la ogaan karin cidda leh waraaqda aannu saxaynno. Qiimaynta imtixaanku waa 65, inta hadhay oo ah 35% waxa laga dhigaa wareysi afka ah (interview)

3.      Xagga dhaqaalaha illaa saddex meelood ayaa laga eega dakhliga jaamacadda, haddii uu hal dollar soo galena waa la ogyahay, waxaannu samaynnay xisaabiye guud iyo xisaabe ku-xigeen lagu qoray imtixaan iyo tacliin, oo aan qabiil lagu dooran.

Ugu dambayntii Dr Cabdi Xuseen Gaas oo bandhigaya halka ay wax u marayaan, waxa cusub ee ay soo kordhiyeen iyo sida uu u arko midhaha ka dhashay dedaalkii ay u galeen hagaajinta nidaamka maamul ee Jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi “Imaka aad baan ugu faraxsan in hadda nidaamkayaga maaliyaddu wanaagsan yahay, daymihii nalagu lahaana aannu iska bixinnay. Tusaale ahaan khadka lagu sameeyo kaadhadhka aqoonsiga (ID Cards) waxa uu Hargeysa ka joogaa $90, laakiin waxa aannu ka soo iibsannay Dubay oo uu $35 ka taagan yahay, waxa aannu Jaamacadda u soo iibinnay mishiinnada koobiyada oo isgu jira kuwo midab leh iyo kuwo bilaa midab ah, waxa aannu keennay qalabka maqalka iyo muuqaalka (projector) oo berigii hore aanu fasal kastaaba gaarkiisa u lahayn oo waxdhigista kaabaya iyo dhammaan qalabkii loo baahnaa sida agabka nabadgelyada ee lagu baadho dadka jaamacadda soo gelaya iyo Kooraska Dhaqanka Ee Xagaaga!.”

Salaanmedia/Hargaysa




Leave a Reply