Halkan Ka Akhriso Taariikh Kooban Oo Aan Idiinka Diyaarinay Madaxwaynaha KMG Ee Dalka Masar Loo Dhaariyay

image

July 5 , 2013 Qaahira(SM)-Ciidamada Milatariga Dalka Masar oo casilay Madaxweynihii dalkaas, Dr. Maxamed Murzi ayaa xilkaas si ku meel gaadh ah ugu magacaabay, Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Dastuuriga dalka Masar, Cadli Maxmuud Mansuur oo 68-jir ah.

Mustashaar Cadli Maxamuud Mansuur waxa uu ku dhashay Magaalada Qaahira, sanadkii 1945-kii, Waxaanu waxbarashadiisi dugsiga hoos, dhexe iyo sare ku qaatay isla magaalada Qaahira.

Sanadkii 1967-kii, Waxa uu Jaamacada Magaalada Qaahira ka Qaatay Shahaadada, Xuquuqda Aadamaha, ka dib markii uu ka qalin jabiyay kuliyada shuruucda iyo xuquuqda aadamaha ee Jaamacada Qaahira.

Sidoo kale waxa uu muddo laba sanadood ah ku qaatay Mac-hadka aqoonta sare ee Shuruucda iyo Qawaaniinta ee Jaamacada Masar, halkaas oo sanadkii 1969-kii uu shahaadada Diblooma ka qaatay jaamacada Masar.

Sanadihii Todobaatankii iyo 1971-kii waxa uu ku shaqeeyay, la taliyaha golaha wasiirada ee arrimaha shuruucda, waxa kale oo sanad ka dib loo magacaabay la taliyaha golaha shacabka ee arrimaha shuruucda.

Cadil Maxamuud Mansuur waxa uu xubin ka noqday sanadkii 1992-kii, Maxkamada sare ee dastuuriga dalka Masar, halkaas oo ugu danbayntii uu uga dalacay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dastuuriga dalka Masar.

Cadil Maxamuud Mansuur ayaa ciidamada Milatariga dalka Masar ay sheegeen in afarta bishan July oo ku beegan maalinta khamiista ah ee bari, si rasmi ah loogu dhaarin doono xilka Madaxweyne-nimada dalka Masar, kaas oo uu ka hayn doono ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne Cusub.

Cabdicasiis Asad Muuse Kibaar

Salaanmedia.Com