Hargaysa:Xildhibaano Si Kulul U Cambaareeyey Gole Sharci Daro Ah Oo Dalka Lagaga Dhawaaqay

(SM:Hargaysa)   Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiiladda ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inaanu jirin Gole afraad oo ka baxsan Saddexda Gole Qaran ee dalku leeyahay,isla markaasina Golaha ay dhawaanta ku dhawaaqeen qaar ka mid ah siyaasiyiintu uu yahay mid baal marsan sharciga dalka u yaala.

 

Shirkan Jaraa’id oo ay si wada jir ugu qabteen magaalada Hargaysa, Xildhibaan Siciid maxamed Cilmi, Xildhibaan,Ibrahim Axmed Haybe, Xildhibaan,Farxaan Maxamed Cali, Xildhibaan ,Axmed Yaasiin Ayaanle iyo Xil,Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo dhamaantood ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ay ku tilmaameen Golaha dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada hargaysa mid lagu khal-khal gelinayo bulshada. Waxaanay xildhibaanadu sheegeen in siyaasiyiinta Golahaa ku dhawaaqay aanay wax xidhiidh ah la soo samaynin Golaha wakiilada,balse uu albaabkiisu u furan yahay.

 

Mudanayaashu waxa ay intaa ku dareen,in dalkan ay ka hana qaaday dimuqraadiyad ku dhisan hanaanka Axsaabta badan, isla markaasina uu leeyahay Golayaal sharci oo u Igman howlaha Qaranka.sidaa awgeedna aanu jirin Gole kale oo masuuliyadaas qaadi karaa oo dalka ka dhaqan gelayaa. Waxaanay Mudanayaashu u soo jeediyeen Siyaasiyiinta Golahaa ku dhawaaqay inay ku biiraan Axsaabta Qaranka.

Salaanmedia/Hargaysa