Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

HESHIISKA MAAMUL-WAD​AAGA HAWADA, IYO HIMILADDA SOMALILAND​!

timthumb

Waa Jamhuuriyadii is-diidooyin ka! Guul-daradu waa guul, gaajadu waa dhereg, beentu waa run, Silicu waa ladnaan, qalad kuna, waa sax! Haa sidaas weeye. Somaliland iyo nidaamkeeda siyaasiga ah ee dawladnimo hadaad si dhab ah u dhugato, waxad xasuusan, Caalam kii Oceania ee uu George Orwell Novel kiisii la magac baxay 1984 kaga qisooday. Sheekada buugaasi waxay tilmaamaysaa is diido oo dhan. Wasaaradda Nabaddu waa midda colaaddaha, Wasaaradda Jacaylku, waa midda maxaabiista siyaasadda ciqaabta, Wasaaradda Runtu na, waa midda beenta dhista. Jahligu waa awood, adoonimadu waa xoriyad, colaadu na, waa nabad. Waxad la kulmi Mr Winston Smith, hogaamiyaha Wasaaradda Runta, oo shaqadiisu ay tahay, in uu dib u qoro (complete rewriting) dhacdooyinkii taariikhdii hore, si dadwaynaha loo marin-habaabiyo. Jamhuuriyadda uu Orwell inooga waramaayo, waa mid runta laga dhaariyay, wax kasta na waa sax. Qalad ba ma jiro!

Ka soo bax caalamka George Orwell, oo u kaalay teenan manta. Dhacdo kastaaba, waxay leedahay saamaynteeda. Horey wixii loo falay manta ayaynu la noolnahay, waxa manta aan falayno na, inaka ayaa la noolaan, jiilalka dambe na way dhaxli doonaan. Sidaas weeyaan. Waxa Somaliland caadi ka noqday, in dadwaynaha la marin habaabiyo. Waxa la falaayo, iyo waxa la sheegayo ayaa marar badan aad u kala fog. In badan taasu waxay u dhacdaa iyadoo aan la dhaadaynin, marar kale na si badheedh ah baa loo sameeyaa. Bishan July 9-keedii, waxa wadanka Turkey (Istanbul) ku dhamaaday shirkii afraad ee Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkaas waxa ka soo baxay hal qodob – oo ah midka wada-maamulka hawada. Qodobo kale oo yaryari waa jireen, wax macno ah se ma lahayn. Somaliland waxay ku doodaysaa, Qodobkaas wada-jir u maamulista hawadu inuu guul wayn u yahay, runtu se waa sidaas cakis keeda. Guuleey lagu jecel, guul-darooy na, lagu neceb. Guusha waa loo hawl gala, guul darada na, waa laga hawl gala si aanay u dhicin.

Fiiro gaar ah: In ay hadaladan guuli ka soo baxdo, oo jawigii cakirnaa ee labaatanka sanno ay wax iska bedelaan dadkii la hayay baan ka mid ahaa, walina la haya, dawladda Silanyo na ku amaanay taas, laakiin waxay gol-daloolo wayn, oo aan laga aamusi karini ka muuqataa sida ay Somaliland u galayso hadaladan guud ahaan. Tan iyo Xagaagii 2012 kolkii hadaladu bilaabmeen, Xubno culus oo Gudoomiye Faysal ku jiro, ayaan saluuga jira kala hadlay marar badan, doodu na naga qadhaadhaatay! Qoraalo kale ayaan ku faalayn taas, aan se imika ku koobnaano faalaynta qodobka Somaliland ay guusha ka dhiganayso, iyo xaal kiisa dhabta ah. Si kooban hadii loo sheego, wada maamulka hawadu wuxu marag cadaan ah u yahay, hadii loo kasay iyo hadii kale ba, inay Somaliland saxeexday in ay hoos timaado dawladda Soomaaliya ee Muqdisho fadhida, wixii heshiisyo ay saxeexday na ay Hargeysa u hogaansantahay. Kolkaa sidaas loo eego, cidda guulaysatay dhab ahaan waa Dawladda Soomaaliya sida aan hoos ku sharixi doono.

Labada Wasiir (Xirsi iyo Maxamed C/laahi), oo hormuud u ahaa kooxdii Somaliland u shir-tagtay, ayaa tan iyo maantii ay soo laabteen aad saxaafadda uga hadlaayay. Labada Wasiir waxay dadka ku wacdiyayaan, si ku celcelis ah, inay guul baaxad leh soo hooyeen. Bal u fiirso TV gii Somaliland tan iyo shirkii Turkey. Bal akhri waraysiga dheer ee Maxamed C/laahi uu Haatuf siiyay. Bal booqo oo akhri website ka gaarka ah ee Xirsi uu u furtay ka sheekaynta guushii Turkey! Buuqa Website yada yaryar ee guulwadaynta loo furtay sida Somalilandtoday iyo Somaliland.org, oo dhaqaalaha lagu maal-galiyo calaamad su’aal saarantahay, iyaka warkooda daaba. Runtu waxay tahay, in aynu Guusha iyo guuldarada ba wada leenahay, mana aha wax faan-faan oo kale iyo dacaayad siyaasadeed, ama sheeko qayilaadeed ah. Waa inaynu isla hubino wixii jira, iyo xajmiga uu leeyahay ba. Hadaynaan sidaas yeelin, waxaynu noqon umad waalan.

Inta aynaan falanqayn kale ba galin, horta dhawr xaqiiqo aan is dul taagno, ka dib na, aan guusha iyo guul-darada ku dheririno. U fiirso, tani Waa xaqiiqooyin, ee ma aha fikrado. Waa xaqiiqada xisaabta ee laba ku dar laba, iyo natiijada afar ah oo kale. Taasi qof waalan mooyee mid kale dood kagama jirto. Bal qabso oo hawlaha ku saabsan duulimaadyada oo dhan, xaqa wadan kastaa leeyahay, xeerarka diyaaradaha lagu maamulo, iyo wax kasta oo hawada ku saabsan ee caalamka oo dhan, waxa maamula hay’ada Qaramada Midoobay hoos timaadda ee ICAO (International Civil Aviation Organisation. Xeerka hay’adan lagu maamulo (Chicago Convention on International Civil Aviation(, qodobkiisa koobaad, wuxu leeyahay: (Article 1: Every state has complete and exclusive sovereignty over airspace above its territory, – Wadan kastaa wuxu leeyahay, xuquuq buuxda, oo gaar u ah, oo uu ugu sareeyo maamulka hawada ka koraysa xuduudihiisa). Wadamada uu xeerkaasu xuquuqda siinaayo Somaliland kuma jirto, waana halkaas meesha ay ciyaartan Muqdisho ku hogaaminaysaa, doodan manta joogtaa na ay galayso.

Markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay, waxay laanta ICAO ee UN duulimaadyada u qaabilsani sanadii 1996 la wareegtay maamulka hawadda Soomaalida. Hay’adda ICAO Xafiis yar oo magaciisa loo gaabiyo CACAS (Civil Aviation Caretaker Authority of Somalia), oo Nairobi ku yaala, ayaa hawshaas u hayay, walina hayn doona ilaa laga gaadho 1 January, 2014. CACAS diyaaradaha hawada Soomaalida maraaya ayay la hadlaan oo kala hagaan, si aanay isu duqaynin, lacagaha hawo marista (Flighover fees) na way qaadaan. Intii dawladda Soomaaliya ay ku-meel-gaadhka ka baxday, ee Qaramadda Midoobay iyo caalamka kale na taas aqoonsaday, waxa gar noqotay inay xilkii ku raagay iska dhiibto. Bishii May ee sanadkan ayaanay UN heshiis rasmi ah la saxeexday Wasiirka Boosaha ee Soomaaliya (Mr Ciilmooge), waxaanu dhaqan galayaa heshiiskaasu 1da bisha January ee sanadda 2014.

Somaliland taas way ka cabatay, talaabooyin na way qaadatay. QM iyo dawladda Ingiriisku ba waxay si gooni-gooni ah Somaliland ugu sheegeen in loo baahanyahay in ay arintaas hawada kala hadlaan dawladda Muqdisho fadhida, sidii baana dhacday. Shirkan Turkey heshiiska lagu gaadhay waxay Somaliland ku ogolaatay, si rasmi ah, in ay u hogaansantahay heshiiskii ay Dawladda Soomaaliya la gashay Qaramadda Midoobay iyo, in ay Somaliland joojiso xayiraadii diyaaradaha QM, waanay samaysay. Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sheegay in heshiiskan hawadu uu shaqayn doono bilawga sanadka 2014 ka, taariikhdaasi na waa tii aan horey u soo sheegnay ee Qaramada Midoobay iyo Dawladda Soomaaliya ay mar hore ku heshiiyeen. Hadii ay Somaliland u kastay, iyo hadii ayna u kasin ba, heshiiskan Turkey wuxu si qayaxan u muujinayaa in ay Somaliland u hogaansantahay heshiisyada ay dawladda Muqdisho u saxeexdo, ayna fulinayaan wixii kala gudboon.

U fiirso, Dawladda Soomaaliya guul muuqata ayaa meesha uga soo baxday, maxaa yeelay heshiisyadii ay hore u gashay waa la aqoonsaday, duulimaadyadii loo diiday dhulka ay sheeganayso na waa laga noqday, magaca hawada lagu maamulayaa waa midka Soomaaliya ee UN tu ogoshahay, xafiiskii hawsha laga wadaayay na Nairobi baa laga soo rari doonaa, waxaana la keenayaa magaaladda Hargeysa, oo sida ay Muqdisho u aragto, ah Soomaaliya qayb ka mid ah. Intaas oo dhan iyaka oo maanka ku haya, dawladda Soomaaliya waxay soo dhaweeyeen heshiiskaas, waxaanay ku tilmaameen inuu ahaa mid dhinaca midnimada loo qaaday, runtood na weeyaan. Idaacadda VOA, waxay maalintii heshiiska Turkey la saxeexay waraysatay Xildhibaan Kaalid Cumar, iyo Wasiir Xirsi oo hal mar tel ka ku wada jiray, isna maqlaayay. Xildhibaan Khaalid wuxu si kalsooni leh u sheegay, “In ay Somaliland aqbashay heshiiskii horey ay dawladda Fadaralku ula gashay UN, iyo in ay Somaliland ku ‘khasbantahay’ in ay hawada furto. Ereyga “khasab” buu adeegsaday, macnaheeda ayaanay leedahay.

Iyadoo sidaas xaal yahay, waftigii Somaliland u shir tagay waxay inoo sheegayaan in ay guul soo hooyeen. Maxaa guul ah, maxaa se guul daro ah? Is diidadii George Orwel oo kale saw ma aha? Waa la odhan karaa, faaiidada meesha ku jirtaa waxa weeye, kol hadii ay UN maamulka hawada ku wareejisay Muqdisho, Somaliland waxa kaliya ee u furani wuxu ahaa in ay sidan ogolaato si aan mustaqbalka amar xanibaad ah loogu soo rogin diyaaradaha Hargeysa tagaaya ee ganacsiga. Hadii taas la eegaayo, dee wax intaas aad uga badan, oo ka wayn baa ina dhex yala ee kuwaas na qaybteenii ma qaadanaynaa? Ma xafiis hawada maamulaaya, oo magaca Soomaaliya ku shaqaynaaya oo kaliya ayaynu ku qancaynaa? Miyaan in badan la inala baryaynin in aan caasimadda iyo madaxwaynahaba qaadano, oo midnimadii ilaalino. Sidee xaalku yahay? Ma qalad aan loo kasin baa iska dhacaaya, mise waa badheedh? Laba wasiir oo marna sii yaaca, marna soo yaaca, oo waxa ay doonayaan ba aan dhab u garanaynin Somaliland uma baahna, ee tashi dhab ah bay u baahantahay hadii ay Soomaaliya wax la wadaagayso iyo hadii kale ba.

HALKAN KA DHEGESO WAREYSI MAQAALKAN KU SAABSAN

Qalinka: Maxamed Haaruun

– mbiixi@gmail.com

 




Leave a Reply