hilinkii jannada…..Abwaan Moholin

MOHOLIN

Waxa  aan salaan farxadi gelbinayso udirayaa

Dhammaan ummadda islaamka meelkastay

Adduunka ka joogaan gaar ahaanna

Bulshada soomaalilaan . ( RAXMAANKU )bishan

Khayrkeeda ha ina waafajiyo qalbigeenna iyo

Caloosheenana ha isu nadiifiyo

.

Waa maanso la yidhaa  HILINKII  JANNADA

Ku saabsan bishan barakaysan

Aan bilaabo

Waa bisheenni hoodiyo wanaag

Hibadu saa rayde

Waa bishii (QURAAN ) LAGU HUBSADAY

Habadlaw (MUXAMAD ) CALEYHI SALAAM

Waa bishaan hunguri maalin tii

Hadhimma tag nayne

Waa bishii higaadiyo akhriga

Lagu hirwoodaaye

Bisha weeye hadalkii macaan

Lagu hanuun shaaye

Bisha hoodu khayr leedahee

Caydhu himilooto

Iyo waa bishaan la hakranayn

Hiilka gacameede

Hollashada xadiis waa bishuu

Hooriyaa bara,e

Bisha weeye xaaraantu halis

Kugu tay haystaw,we

Waa bishii habeen uu ku jiro

Laga hodmaa khayre

Kun bilood intay heli karaan

Heer kasii badane

.

Waa bishaad harraad jeceshahee

Aad ku hodan taaye

Hawadii kasoomani afkuna

Hor(ALLA ) waa cuude

Ama sida xadiis lagu hayay

Haybba dheer tahaye

Qofnabaw ayay hawlyaraan

Hoostay kaa noqone

Isusoo hilooboo kal gacal

Wada hareereeya

Hunnu iyo xantii dhaafa iyo

Hebel la tuur tuuro

Soddon beri hagaag ula dhaqmoo

Haabta ducadooda

ku hinjiya halkii khayr labaad

uhorman doon taane

bisha weeye uu wada halgamo

kaan habaar qabine

hilinkii jannada wee ye iyo

hooygi raaxada,e

hoorimaad nimca ah waa bishii

laga hidiidaaye

AAYADAHA) jin uu kaa hadhee

Hoota kala daala

HAL ATAAKA ) IYO WAA BISHII

HAA HUNAA ) TIMIYE

Hogta oo sujuud dheer na ugala

Kaca habeen kiina

Waa inoo halkaa caafimaad

Hibana khayr weeye

 

Curiye waa .  moholin