Jaaliyada Somaliland Ee Magaaladda Sheffield Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Xildhibaan Mr Godfery Bloom Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

(SM-Sheffield) Jaaliyadda soomaaliland ee reer shaeffield ayaa waxay martiqaad u fidiyeen isla markaana abaalgud guddoonsiiyeen mr godfery bloom oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka yurub ee fadhigiisu yahay Brussels. xildhibaanka oo laga soodoortay Yorkshire iyo Northlincolnshire ayaa ah xildhibaan in muddo ahba u hadlayey qadiyadda Somaliland dhawrjeerna ka dhawaajiyey in Somaliland ay xaq u leedahay in la ictiraafo, dawladda ingriiskana ku dhaliilay in ay xaqiiqada Somaliland ka jirta iska indhtirtay sidoo kale waxa uu xildhibaanku dhawr jeer sheegay in ay maslaxadda aduunku ku jirto in la ictiraafo lana gacan qabto Somaliland si ay u yaraato dhibaatada ka jirta geeska Africa sida budhcad badeedda iyo tahriibta.

Mr Godfery wuxuu jaaliyadda u caddeeyey in ay tahay xilliggii qorbajogga SomalilandUk ay action sameyn lahaayeen iyagoo kaashanaya international law experts muddo 22 sanno ahi way badantahay

waxa kale oo u sheegay inay ka go,antahay xisbi ahaan in ay manifestoda xisbiga ku soo darayaan point-ka ah Free Somaliland laguna soo daabacayo jariidadda Daily expreska taas oo xisbiyada waaweyn ee dalka shaki , wer-wer iyo cabsi ku ridaysa inay waayaan VOTE-kii Somalilanderska ku nool uk ka dib markii dawladda Britain ay iska indha tirtay xaqiiqda Somalialand.

Waxa kale oo u sheegay Mr Bloom In muwadiniinta reer Somaliland ay ogaadaan taariikhda dheer ay Dalkan ku leeyihiin ilaa iyo difaacii Britain dagaaladii aduunka.

Mr Bloom waxa kale oo uu sheegay In shirka Soomaalida ee Belgiumka ka dhacaya uu caddeenayo in Somaliland ka badaxbannaan tahay Somaliya.

Ugu danbaytii waxay Jaaliyaddu oo ay horkacayaan Adam Yusuf , Caydaruus Xusseen sahal iyo Ismail Duale gudoonsiisay xildhibaanka Shahaado sharaf.

Salaanmedia/Hargaysa.

Â