“Joogitaanka Guddoomiyahayagu Kama Dhigna in Xisbiga UCID uu ka mid yahay Golahaas, balse waa Fikir u gaar ah Guddoomiyaha Xisbiga Shakhsiyan, Taasoo ku kooban Guddoomiyaha Keligii“Murshaxiinta Madaxweyne ee UCID

Musharaxiinta UCID
Qoraal uu ku Saxeexan Yahay Musharaxa Madaxweynanimo ee Xisbiga UCID iyo Ku XIgeenkasa oo Nuqul Ka Mid ahina Soo Gaadhay Shabakadda ToggaHerer ayaa lagaga Hadlay Golaha Cusub ee lagaga Dhawaaqay Dhawaan Hargeysa .
War Muurtiyeedkan ayaa u Dhignaa Sidan:-
War Muurtiyeed Ay Wada Jir U soo Saareen Musharaxiinta Xisbiga UCID oo ku Waajahan Aragtida Xisbiga UCID ee Golaha Lagu DHawaaqay

Jamaal Cali Xuseen                                             C/Rashiid Xasan Mataan

Musharaxa M/Weyne ee UCID                             Musharaxa M/W/Xigeenka UCID

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Naga guddooma Hambalyada Bisha Barakaysan ee RAMADAN.

1. Waxaan aad uga xunnahay in toddobaadkan uu ina soo galay muran siyaasadeed oo aan loo baahnayn, shacabku xurmo ayuu inaga mudan yahay, qarannimaduna waa wax la ilaashado oo u baahan in aad looga feejignaado wax kasta oo dhaawici kara wadajirka iyo guud ahaan amniga dalka.

2. Ummadi waxay wax ku noqotaa ilaalinta iyo addeecista xeerarka iyo shuruucda ay wada dhigtaan, dhowrista sharciguna waa waajib saaran, shacab, xukuumad, xisbiyo iyo golayaalba. Haddii aan taa la helinna waxaa lumaya karaamada iyo sharafta dawladnimo.

3. Xukuumadda maanta haysa talada dalka waxaa ka muuqda dhalliilo badan, hase yeeshee sixitaankeeda waxaa lagama maarmaan ah in loo maro qaab waafaqsan nidaamka inoo yaal, sida xisbiyada qaran ee mucaaradka ah oo shacabka S/Land sharciyan ugu matalaya saaxadda siyaasadda, inay si hufan oo aan gabbasho lahaynna u dhaliili karaan wixii ka qaldan xukuumadda, iyo soo jeedinta talooyinka loo arko in ay lagama maarmaan yihiin.

4. Sida aad ka war qabtaan waxa dhawaan magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka Somaliland lagaga dhawaaqay Gole ay ku midoobeen odayaal dalka sharaf ku leh. Kuwaasoo xilal kala duwan u soo qabtay shacabka Somaliland. Halkaasi oo uu ka dhex muuqday Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

5. Haddaba anagoo tixgelinayna dastuurka u dejisan dalka Somaliland, waxa uu xisbiga UCID oo ka mid ah 3 da xisbi qaran ee dalka Somaliland halkan ka caddeynayaa in joogitaanka guddoomiyahayagu aanu ka dhignayn in Xisbiga UCID uu ka mid yahay Golahaasi, balse ay tahay fikir u gaar ah guddoomiyaha xisbiga shakhsiyan, taasoo ku kooban guddoomiyaha keligii.

6. Xisbiga UCID wuxuu ka digayaa, wax kasta oo dhalin kara muran siyaasadeed oo dib u dhac inagu keeni kara sida ururo cusub oo hor leh, iyadoo aynu ka wada dharagsan nahay dhibtii inaga soo gaadhay doorashooyinkii deegaanka walina aynaan ka soo kaban.

7. Xukuumadda talada haysa waxan u sheegaynaa in aanay indhaha ka qarsan dhaliilaha habeen iyo maalinba loogu sheegayo cod dheer iyo cod gaabanba, waxaana la gudboon in ay tixgeliso tallooyinka ka imanaya dadweynaha iyo Xisbiyadda mucaaridka ah.

8. Waxaan xasuusinaynaa shacabka, xukuumadda iyo xisbiyadaba in ay waajib tahay in culayska la saaro aasaaska deggenaanshaha iyo horumarka qarannimada S/land.

Ilaahay baa mahad leh, Somaliland Guul.

Jamaal Cali Xuseen                                   C/Rashiid Xasan Mataan

Musharaxa M/Weyne ee UCID                    Musharaxa M/W/Xigeenka UCID