Kenya oo Carqaladeynta Soomaaliya u adeegsaneysa Siyaasiyiin Caan ka ah Somalia. (Warbixin Xasaasi ah)

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo

imageRaysal Wasaarayaashii soo maray dawlada kumeel gaarka ah ee Somalia iyo qaar ka mid ah Musharixiintii u tartamay jagada Madaxweyuaha Somalia ayaa lagu macneeyay inuu yahay kii ka badbaadin lahaa shacabka Somalia dhibaatada ka soo food saartay dawlada wakhtigan xaadirka ah ka talisa Somalia ee uu hogaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dawladaas oo ay ku tilmaameen inay ku fashilantay waxqabadkii iyo hawlihii qaran ee ay dadka Soomaaliyeed ka sugayeen, isla markaana maanta uu dalka Somalia uu marayo in loo kala googooyo gobol gobol, gacantan uu u galay dalal shisheeye.

Xubnaha kulankan ka soo qaybgalay oo ay ka mid yihiin Raysal Wasaarayaashii soo maray dawlada ku meel gaarka ahaa oo uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi, Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, C/wali Cali Gaas iyo xubno kale oo magac leh sida Baadiyow oo ah Murashax u tartamay jagada Madaxweynaha Somalia iyo Janaraalo ka tirsanaan jiray taliskii Maxamed Siyaad Barre sida Janaraal Darwiish oo ahaa taliyihii nabadsugidii dawladii Cabdillaahi Yuusuf.

Waxa kale oo kulanka ka soo qaybgalay, isla markaana halkaasi ka hadlkay Xildhibaan Cali Khaliif Galayr, Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif iyo Xildhibaano kale oo dhamaantoodba sheegay inay dawlada Somalia ku fashilantay waxqabadkii ay dadka Soomaaliyeed ka sugayeen.

Waxa kale oo wararku sheegayaan inay guddigan xubno qarsoon ay ka mid yihiin oo uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka, kuwaas oo la sheegay inay daaha dabadiisa ay ka riixayaan hawlahaasi.

Waxa kale oo wararku intaa sheegayaan inay jiraan wadamo shisheeye oo la sheegay inay la dhacsan yihiin guddidan isku Magacowday badbaadinta Qaranka Somalia sida dalalka Kenya, Yugaandha.

Dowladda Kenya ayaa iyadu bixisay Miisaaniyada ugu badan oo ay u gacan galisay Cali Maxamed Geedi si loo carqaladeeyo Xukuumadda Somalia ee iminka culeyska ku heysa Dowladda Kenya.

Dhawaan ayay ahayd markii xubno Siyaasiyiin ah oo ka tirsan Guddidan ku dhawaaqday badbaadinta Qaranka Somalia ay shir ku qabsadeen Magaalada Kambala ee dalka Yugaandha, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif, kaas oo la sheegay inuu ka soo ifbaxay kulanadii ka dhacay Kambala, gaar ahaana guriga uu degan yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isla garteen Siyaasiyiintii iskugu yimid in dalkii xaalad xun marayo, isla markaana dawladii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku guuldaraysatay hawlihii loo igmaday, isla markaana dalku u baahan yahay in la badbaadiyo.

Salaanmedia/Mogdisho