Kooxda Dabagalka Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Indha Cadde iyo Gobaanle in ay yihiin Qas Wadayaal.

news-image1

War bixin ay soo saartay kooxda Qaramada midoobay u qaabisan Soomalia iyo Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde iyo taliyaha Guutada Seedexaad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral Max’ed Rooble Jimcaale Gobaanle ay yihiin Qas wadayaal.

War bixinta oo dhinacyo fara badan taabaneysa ayaa lagu sheegay in Indha Cadde oo horay u ahaa xoghayihii Difaaca Isbahaysigii Dib u xureeynta Soomalia Asmara (ARS) ka hor inta aanu ku soo biirin xukuumadii ku meel gaarka ahayd ee Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed isla markaana aan hadda ka tirsaneeyn Milatariga Soomaaliya, la sheegay in uu leeyahay Maleeshiyaad gaaraya illa 300 kuwaas oo lagu sheegay in intooda badan ay ku dhex milanyihiin Guutada 3aad ee Xoogga Qaranka kuwaas oo u xil saran amaanka Magaalooyinka Marka Afgooye iyo weliba wadada dheer ee ka baxda Muqdisho ee tagta Afgooye.

War bixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Gobaanle oo ah taliyaha ciidanka Gutada 3aad oo ka kooban illaa 840 qof intooda badana ah kuwo ka tirsan Beesha uu kasoo Jeedo Indha Cadde ee Habar Gidir, isla markaana lagu sheegay qoraalka in cadad ahaan 30% illa 50% inta u dhaxeeysa cadadkaas oo ka yar 5 guuto ee kale ee Ciidanka Xoogga Qaranka ee sidoo kale u xil saraan in ay sugaan amaanka Caasimada Qaranka uu si dhow ula shaqeeyo Indha Cadde oo aan wax xil ah hadda ka heynin xukuumada Federaalka ah.

Sida ay sheegeen war bixino milatari oo sir ah oo ay heshay Kooxda daba galku una dhuun daloola qaab dhismeedka iyo habka hogaan ee guutadan qeybta saldhigoodu yahay wadada aadda Afgooye ayaa lagu sheegay in dagaal yahanada Alshabab ay iska soo dhex maraan isla markaana waxaa lagu sheegay sidoo kale warbixinta in xubnaha guutadaan ay masuul ka yihiin jid gooyooyinka yaala wadada kuwaas oo lagu dhibaateeyo dadka ku safraya wadada isla markaana lagu kufsado Haweenka. War bixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii lagu guda jiray sanadkii 2012 ay guutadaan tiro ka dhawr jeer isku dhacyo dhex mareen Guutada 6aad ee ciidanka xoogga Qaranka.

Kooxda Daba Galka qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxey heshay xog dheraad ah oo la xiriira in guutadaan ay masuul ka tahay dilkii loo geeystay Jeneraal Maxamed Ibraahim Faarax Joordan kaas oo madaxa laga toogtay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday oo kasoo baxay Marka una socday Afgooye bishii October 28, 2012. War bixinta ayaa lagu sheegay in 2 goob jooge ay u sheegeen kooxda qaramada midoobay ee dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea in Jeneraal Joordan ay khaarijiyeen xubno ka tirsan guutada 3aad oo aysan lug ku lehayn Alshabab sidii markii hore loo maleeynayay, waxaa sidoo kale ay u sheegeen goob jooge yaashu kooxda Daba galka in uu is afgaran waa uu u dhexeeyay Joordan iyo Goobaanle ka hor dhimashadiisa kadib markii uu Joordan soo jeediyay in la weeraro Saldhig uu ku dhuumanayay Xasan Daahir oo ka tirsan Alshabab. taas oo u cuntami weysay Gobaanle oo ay isku heeyb yihiin Xasan Daahir Aweys.
 
Waxaa sidoo kale ay shegeen kooxda daba galku in xogo ay ka heleen Amisom ay u xaqiijiyeen in hub Amisom ay kasoo saartay beer ku taalay Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Marka iyo Afgooye 29 bishii October 2012 hubkaas oo si sharci daro ah loogu qariyay beertaasi islma markaana uu lahaa “Indha Cadde”, intii uu socday howlgalka Amisom ee la xiriiray la wareegida hubkaasi ayaa waxey soo sareen saanad hub oo isugu jiray dhuumahah gantaalada laga gamo (Rocket Launchers) iyo qalabka aragtida liishanka (sniper Telescope) milkiilihii beertaasi oo ay weydiisay Amisom su’aalo ayaa wuxuu qiray 3 November 2012 in hubkaa uu lahaa Indha Cadde. Indha Cadde oo kadib goobta la yimi 30 ciidan ahna wuxuu dalbaday in Amison usoo celiso saanadii hubka ahayd oo ay la wareegtay.

Kooxda dabagalka ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen marqaatiyo la xiriira shir dhex maray Kamaal Gutaale oo ah Madaxa shaqaalaha madaxweynaha isla markaana ay isku beelyihiin Indha cadde bishii January ee sanadkan 2013. Shirka oo uu gar wadeyn ka ahaa Cabdi Qaadir Cali Cumar oo hore u ahaa wasiirka Arimaha gudaha soomaliya kaas oo sida warbixinta lagu sheegay diplomaasiyiin fara badan iyo xubno kale oo la shaqeeya Kooxda daba galka ay horey ugu marqaati kaceen in uu lug ku lahaa afduubkii loo geeystay labadii shaqaale ee dhanka amaanka ahaa ee u dhashay Faransiiska sanadkii 2009. Intii uu socday kulaan dhex maray Kamaal Gutaale iyo Indha Cadde ayaa waxaa la’isla soo qaaday sida ay dowladu ugu taageeri karto hub iyo saanda maleeshiyo Beeleedkan daacada u ah Indha Cadde taas oo muujineysa sida ay xubno ka tirsan Dowlada ay ugu lug leeyihiin howlaha guutada 3aad iyada oo la wada ogsoonyahay in guutadani ay ku lug leeyihiin dhacdooyinka la xiriira qalqalka amaanka ee kor lagu soo sheegay, ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta Kooxda Daba galka Qaramada Midoobay.

Source:Report of the Monitoring Group on Somalia and Eritrea 2013. Annex 3.3 Pages 122 to 123.