Kulankii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golaha wadatashiga Oo Caawa Dhacaya iyo shan xubnood oo ay Madaxweynaha Kala Irdhoobeen oo soo Hor Fadhiisan doona

GOLAHA WADATASHIGA

Hargeysa:31-july-2013 (SM) Kulankii Salaadiinta isxilqaamay ka dhex Abaabulayeen Madaxweynaha iyo Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa la qorsheeyey inuu caawa ka dhaco Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Xogo hoose oo laga helayo kulankan, ayaa sheegaya in sidii ay Goluhu hore u codsadeen aanay jiri doonin cid xagga Golaha wasiiradda  ka socota oo kulankan ku wehelin doonta madaxweynaha,  iyadoo dhinaca Golahana la qorsheeyey shan xubnood inay la kulmaan madaxweynaha.

Xubnaha Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka uga qaybgelin doona kulankan, ayaa waxa lagu sheegay inay yihiin shan xubnoo oo mujaahidiin u badan kuwaas oo ay madaxweyne siilaanyo kala gaadheen meel aad u fog marka loo eego siyaasadda.

Shantan xubnood ee Goluhu u soo xulay kulankan, ayaa kala ah,  Muj. Xasan Ciise Jaamac, muj. Ibraahim Dhegoweyne, MuJ. Xasan Guure Jaamac, Xildh. Bulqaas, Xil, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan inaanay  jiri doonin cid ka mid ah Golihiisa wasiiradda oo kulankan ka qaybgeli doonaa, maadaama ay Golahani xasaasad gaar ah ka qabaan qaar ka mid  wasiiradda madaxweynaha oo ay ka tirsanayaan hadallo deelqaaf ku ah.

Kulankan ayaa ah mid si aad ah looga dhawrayo inay ka soo baxaan qodobo lagaga gudbayo xaalad aan fiicnayn oo maalmihii ugu dambeeyey ka jirtay Somaliland oo ah isjiid-jiidasho iyo haddalo milgaha dhaafsiisan oo ay warbaahinta isu marinayeen xukuumadda iyo Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranku oo iyagu ku andacoonaya in waddanku galay xaalad u baahan Gurmad degdeg ah.

Qaar ka mid ah  Salaadiinta Somaliland oo iyagu si gaar ah isugu xilqaamay daminta arrintan, ayaa ilaa iyo hadda ku tallaabsaday wax la taaban karo iyagoo ku guulaystay inay hoos u dhigaan Hadalladii dhiifta lahaa ee labada dhinac warbaahinta isu marinayee.

Maadaama Golahani Guddida la kulmaysa Madaxweynaha ay ku soo dareen xubno ay siyaasad ahaan madaxweynaha aad ukala fogaadeen, ayaa dad badani waxa ay warwar ka muujinayaan in natiijo wax ku ool ah laga gaadhi doono, waxase iska jira rajo fiican mar haddii uu Golahani fursad u helayo madaxweynihii ay dhaliilaha u soo jeediyeen oo  la hubo inuu ka shaafiyi doono waxa ay mujaahidiintu qoonsadee.

 

 

Salaanmedia/Hargaysa

Hargeysa/Somaliland

Xigasho..Somalidiasporanews.com