Kuliyada caafimaadka ee jigjiga oo ay galabta ka qalin jabiyeen in ka badan 759 arday Kana Soo Qaybgaleen Madaxweynaha DDSI iyo Wasiiro Reer Somalland ah .

Jigjiga(SM) Jimce July 052013.a ee SMCX xaflad qalin qabin ah oo si qurux badan loo soo agaasimay iyadoona ay galbta ka qalinjabiyeen kuliyada culuunta caafimaadka ee Jigjiga arday ay tiradoodu dhanayd 759 arday,ardaytaasoona oo iskugu jirtay kuwa ay xukuumada deegaanka DDSI fursad wax barasho u siiyay dawladaha aan dariska nahay sida soomaliland iyo putland iyo waliba ardayda DDSI. haddaba xaflada qalin jabinta ah oo ay ka soo qayb galeen madaxwaynaha dawlada DDSI iyo ku xigeenadiisa ,wasiirka waxbarashada DDSI wasiirka madaxtooyada DDSI iyo Wufuud ka kala socotay soomaliland iyo putland waftiyadaasi oo ay kala hogaaminayeen dhinaca soomaliland wasiirka wasaarada warfaafinta c/laahi cukuse dhanka waftiga putland waxaa hogaaminayay wasiirka xafiiska waxbarashada puntland mudane cabdi faarah siciid juxaa ardayda qalin jabinaysa iyo waalidiintooda iyo waliba marti sharaf kale.

 

jigjiga caafi

Waxaana munaasabadaasi qalin jinta oo ugu horyntii lagu furay heesta calanta DDSI waxaa markii ugu horsay ka hadlay maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jigjia mudane deeq c/laahi buraale oo si faah faahsan uga warbixiyay taariikhdii kuliyda waxa uun sheegy in taariikhda kuliyada la aas aasay ay ahayd sanadkii 1991TI xiligaasi oo lagu bilaabay arday gaadhaysa 57 arday wuxuuna sheegay maareeyuhu in intaasi ka dib iyada oo xukuumada DDSI ka duulaysa baahida loo qabo xirdadlayaasha caafimaadka ayaa sanadkii 1996ti in kuliyada caafimaadka heer keeda waxbarsho kor loo qaado islamarkaana la gaadhsiiyo heer diploma laga soo biloobo mudadaasi ilaa maanta waxaa ku qalin jabiyay arday ka badan 1705 arday kuwaasi oo iskugu jiray afarta xirfadlayaasha caafimaadka oo kale ah pharmacy, clinic, nurse, midwifery, health nurse iyo laboratory iyada oo buu yidhi maareeyihu lagu daran sanadkii 2004ti lagu daray qayba kale oo muhiim ah Maareeyaha kuliyadu isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in xafladan manta qalinjabinta kuliyada oo ah dufcadii 8 aad taasi oo ah tiradii ugu badnayd ee ka qalin jabisa kuliyada caafimaadka kuwaasi oo ka qalin jabiyay 5 waaxood oo kale ah phr,mw, lab, pub iyo c.nurse. wuxuuna sheegay maareeyuhu in ardayda maanta qalin jabisay ay gadho yihiin 314 taasi oo ku tusaysa heerka ka qayb galinta waxbarashada dhinaca gabdhaha waxayna ku tusaysaa in ay mudnaanta siisay xukuumadu kor u qaadida waxbarashada gabdhaha.

 

 

jigjiga caafi2

Sidoo kale waxaa ka hadlay madashaasi wasiirka wasaarada waxbarashada Dawlada putland mudane cabdi faarax juxa wuxuuna wasiirku siwayn ugu mahad naqay xukuumada deegaanka ee uu hogaaminaya madaxwayna cabdi maxamuud cumar oo ah xukuumadii hirgalisay in ay maanta u qalin jabiyaan arday ay siisay deeq waxbarsho oo ka soo jeeda dawlad goboleedka soomaliyeed ee puntland wuxuuna wasiirku sheegay in Talaabadan Deeqda Waxbarasho ee ay DDSI na siisay ay ku tusayso Isbedelada Kobaca dhaqaale iyo technology ee ay xukuumada DDSI in ay gaadhay horumar taam ah tanoona aan ku koobnayay deegaanka oo kaliya balse gaadhay dawladaha ay jaarka yihiin.

 

 

jigjiga caafi3

Waxaa kale oo isna munaasabadaasi ka hadlay wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland mudane cabdilaahi cukuse oo ugu horayn u hanbabyeeyay xukuumada deegaanka iyo ardayda qalin jabinaysa wuxuuna sheegay wasiirku in uu xukuumada deegaanka uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar uu salaan uga sito madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland mudane siilaanyo isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in ubaxan maanta qalin jabiyay uu beeray hogaamiyaha qaaliga ah ee madaxwayna cabdi maxamuud cumar iyo xukuumadiisu taasina ay xukuumada soomali land siwayn ugu mahadnaqayso xukuumadan samaysay dadaalka walaaltinimo ee aan marna la ilaawi kari Wasiirka wasaarada caafimaadka soomaliland mudane saleebaan ciise xaglo toosiye isaga oo sheegay in ay siwayn ugu mahadnaqayaan xukuumada soomaliland dadaalka ay samaysay islamarkaana ay siwayn uga faa-iidaysanayaan oo ay baahiwayn u qabaan dhinaca caafimaadka islamarkaana ay hada marka ay ku laabtaan wadankooda sida ugu dhakhsaha badan u shaqo galayaan.

 

 

cukuse

Waftigaasi ka socday soomalilandi ayaa waxay bilad sharaf abaalmarin ay ka sideen jamuuriyada Somaliland gudoonsiiyeen madaxwaynada DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyada oo uu gudonsiiyay wasiirka wasaarada warfaafinta soomaliland

Ugu danbayntii xafladaasi waxaa khudbad dheer oo taariikhiya ka soo jeediyay madaxwaynah DDSI mudane cabdi maxamuud cumar wuxuuna madaxwaynuhu ugu horyntii u hanbalyeeyay ardayda qalin jabinaysa iyo waftiyada ka kala socday Somaliland iyo putland isaga oo sheegay madaxwaynuhu in xukuumada DDSI iyo JFDI ay tajisaday qorshayaal horumarineed oo qorshayaashaasi oo ay ku jirto in dawladaha an dariska nahay kulo noolaano daris wanaag walaaltinmo iskaashi waxaan ogsoonahay ayuu yidhi madaxwaynuhu in JFDI iyada oo ka duulaysa iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxaysa labada dale ee soomaliya iyo itoobiya ay markii ay walaalahooda somaliya ku hadsatay kooxaha argagixisada ah ay JFDI ay noftooda u horeen sidii ay uga dhicin lahayeen argagixisadasi kuwaasi oo guulo waawayn ka soo hooyay hadaba anaga oo ka xukuumad deegaan ahaana ka duulayna ayuu yidhi madaxwaynuhu waxaan qorshaysanay in aan walalahayaga soomaliland iyo putlandi siino deeq waxbarasho waana taasi ayuu yidhi tan maanta keentay in ay ardaydani ka soo jeeda Somaliland iyo putland ka qalin jabiyaan kuliyada caafimadka ee jijiga.

Wufuuda Dawlada Puntland iyo Somaliland ayaa aad ula dhacay Dhaantooyin Casri ah oo uu ku luqaynayay Abwaanka looga Hadhay Curinta iyo Murtida Axmed Budul islamarkaana Buuxiyay Stagekii cagtana la heleen ciyaartii dhaantada. Ugu danbayntii waxaa abaalmarino gudoon siiyay madaxwaynad DDSI ardaydii kaalmaha hore gashay guud ahaana ardayda ka qalin jabisay maanta kuliyadan waxaa gabdho ah 314, wiilasha 445 ardayda ka soo jeeda soomaliland ee maanta qalin jabiday waxay dhantahay 28 halka kuwa ka soo jeeda putland ay dhan yihiin 18 guud ahaana waa 759 arday

Salaanmedia/Jig-Jiga