“Ma Jirto Lacag Sharci Daro Ah Oo Lagala Baxay Bangiga Dhexe Ee Somaliya” Wasiirka Maaliyaada Somaliya

(SM:Hargaysa)Wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo markii ugu horreysay ka hadlay warbixin ay kooxda la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eriteriya ay ku sheegeen in lacago badan oo sharci-darro ah laga baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin lacago lagala baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Suleymaan ayaa sheegay in warbixintaas ay tahay mid waxba aanay ka jirin, isagoo dalbaday in looga baahan yahay kooxda warbixinta soo saartay inay keento caddeymo muujinaya lacagaha lagala baxay bangiga iyo halka lagu bixiyay.

 

“Bangiga dhexe ee Soomaaliya waa mid ku shaqeeya nidaam sharciga dalka waafaqsan, mana jiraan lacago sharci-darro ah oo lagala baxay, waxaana ku tilmaami karaa warbixintaas mid aan sax ahayn, waayo waxaa loo baahnaa in eedeymaha ay la socdaan caddeymo cad-cad,” ayuu yidhi wasiirka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in eedeyntan ay tahay mid la doonayo in Soomaaliya lagaga dhigo  dal uu ka jiro musuqmaasuq baahsan iyo xatooyo xoolo dadweyne, isagoo sheegay in xukuumaddu ay hab sharciyeed u dajisay lacag walba oo bangiga laga bixinayo.

 

“Ma jirto lacag sharci-darro ah oo lagala baxay bangiga dhexe, eedeyntanna waa mid la been abuuray oo cad, waxaana ka codsanaynaa guddigii arrintan ka hadlay inay keenaan caddeymo cad oo muujinaya lacagaha lala baxay,” ayuu mas’uulkan hadalkiisa ku daray.

 

Warbixin ay soo saareen guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya iyo dalka Eriteriya ee Qaramada Midoobay ayay ku sheegeen in lacagaha bangiga dhexe ee Soomaaliya kusoo xarooda 80% loo isticmaalay dano shaqsiyadeed iyagoo xusay in dad ka tirsan dowladda ay lacagahaas la baxeen.

Salaanmedia/Mogdisho

 

xigasho Hiiraan