.“Maanta Waan Cusubahay Oo Wali Xil Lamaan Wareegin,Laakiinse Dhamaanteen Waxaa Loo Baahan-Yahay In Aynu Waddankeena U Shaqayno” Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibada Somaliland

image

(SM:Hargaysa)Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  ayaa goor-dhaweyd ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa.

Waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka kala socda Saddexda Golle Qaran ee Somaliland iyo Boqolaal ka mid Bulshada Reer Hargeysa.

 

 

Masuuliyiinta soo dhaweysay waxa ka mid ahaa xubnaha ugu muhiimsan Golaha Wasiiradda oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Masuuliyiin kale, iyadoo ay halkaasi ka muuqdeen Guddida Qaban-qaabada soo dhaweynta Wasiirka oo hormuud ah u ah hawshaasi.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii uu soo degay Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, waxaanu ka waramay waayihiisa siyaasadeed , isagoo si weyn ugu mahad naqay dadkii soo dhaweeyay.

Waxa uu sheegay inuu iska soo ruqseeyay laba shaqo oo uu ka kala hayay Qaramada Midoobay iyo midowga afrika, isla markaana uu halkan u yimi inuu dalkiisa iyo dadkiisa u shaqeeyo. “Maanta waan cusubahay oo wali xil lamaan wareegin, laakiinse dhaamnteen waxa loo baahanyahay inaynu waddankeena u shaqayno”.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka waramay waxyar oo ka mid ah Waayo-aragnimadiisii siyaasadeed muddo 25 sanadood ah oo sida la sheegay uu ahaa Diblomaasi ka hawl-galayay laamaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. “waxaa I magacaabay Ban Ki Moon iyo Bing, waxaan ahaa ku-xigeenka Maamulka Guud ee Qaramada midoobay ee Hawl-galka Daarfuur(was the deputy Representative for Operations & Management in Darfur for the UN mission). “ayuu sheegay Mr Biixi.

 

Salaanmedia/Hargaysa