MADAXA XAFIISKA SAMALKA MADAXTOOYADA OO JAWAAB KA BIXISAY DHALIILO AY XUKUUMADA U SOO JEEDISAY MARWO FAADUMO SICIID

Salaanmedia/ Madaxa xafiiska samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye ayaa jawaab ka bixisay eedo ay xukuumada usoo jeedisay Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

image

Marwo Aamina Maxamuud Diirye oo xalay shir jaraa’id ugu qabatay Saxaafada xafiiska samafalka ee Madaxtooyada waxa ay hadalkeeda ku bilowday sidan “Waxaan caawa shirkan jaraa’id u qabtay inaan ugu jawaabo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga UCID, waxyaabaha aan ka akhristay shalay (Doraad) warbaahinta meel ay ka hadlaysay waxyaabaha ay ka hadashay waxa ka mid ah, wasiirka arrimaha dibada iyo ciidamada RRU-da ayay ka hadashay, guryaha la baadho ayay ka hadashay, cabudhinta saxaafada ayay ka hadashay oo aan shaqadeedii ahayn.

 

 

Marka ugu horaysa ciidamadeenu waa ciidamada aynu ku hurudno ee ina ilaalinaya ee illaahay inoo diray oo iyagoo aan wax badan qaadanin oo runtii dalkeena aynu ognahay miisaniyadiisa iyo maaliyadiisu siday tahay iyo halkaynu ka soo bilownay hadana inoo badheedhay inay cadowga inaga celiyaan.

Faadumo Siciid Waxaan leeyahay, markaad meel walba soo dhaaftay, somalidu waxay tidhaahdaa geelow maalintaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa, Faadumo Siciid waxa loo yaabay maalintii ay ciidamadii dalku ku seexanayey ay ku tilmaantay dad la mid ah taliskii Siyaad Barre.

Habeen dhaweydna waxaan arkayey iyadoo TV-ga ka leh SNM baan ahaa taariikhbaan ku lahaa, horta SNM inay cid waliba iska sheegato aad iyo aad ayaan uga xumahay, SNM waa mujaahidiintii dalka usoo halgantay waa mujaahidiintii la ogaa in ciidankii Afweyne ee baaxada la ogaa waa ciidankii riday, markaa horta aad iyo aad ayaan uga xumahay in qof inta uu TV fadhiisto iska yidhaahdo SNM baan ahay. Ciidamadu waxay u samaysan yihiin inay nabadgalyada ilaaliyaan inay meesha ay cid ku tuhmaan ay galaan oo wixii dalka iyo dadkaba ay ka dufaacaan.

Ciidamadu uma samaysna kuwii aad tusaalaha usoo qaadatay anigu ma jecli inaan kuwaasi tusaale usoo qaatee, ee dadkeena cabudhinayey, balse ciidamadeenu waxay u samaysan yihiin inay dalkooda u shaqeeyaan”.

Salaanmedia.com/Hargaysa