Madaxwayne Siilaanyo Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Mucaaradka Iyo Siyaasiyiinta Dalka Qaarkood

(SM:Hargaysa)    Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka jawaabay eedaymo ay xukuumaddiisa u jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, kuwaasi oo shalay ku dhawaaqay gole siyaasadeed.

 

Madaxwaynaha oo maanta furayey idaacad FM ah oo u gaar ah Qur’aanka iyo Axaadiista Nebigeena Suuban, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey ku yidhi “Suurtogal maaha in dadka qaarkii ay jidaystaan inay maalin walba la taagnaadaan aflagaado, cay iyo been abuur oo ay sharciga ku tuntaan, xitaa bisha Ramadaan, maal-mahanba waxaanu saxaafada kala soconay hadalo naxli xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayey, haddaladaasi waxay isugu jireen kuwo loogu tallo-galay in toos loogu dhaawaco deganaanshaha iyo xasilloonida dalka iyo kuwo shakhsi cay iyo xiqdi ah oo loo badheedhay.

Dabcan, anagu masuuliyad qaran oo culus ayaanu haynaa, inaanu u dulqaadano waa lagama maarmaan, laakiin waxaan shacabka u sheegayaa in aanaan cidna ka Aqbalaynin in sharciga dalka lagu tunto”

Salaanmedia/Hargaysa