Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Balaadhan la Yeeshay Culimmadda Dalka

IMG_0065-300x200

Waxaanu mar walba diyaar u nahay inaanu culimadda la shaqayno oo la tashano oo wixii wanaag ah ka wada shaqayno”

“Madaxweyne, Marka u horaysa waxaan kugu hambalyaynaynaa idaacadda FM-ta ah ee quraanka kariimka ah ee bishan Ramadaan la bilatay”

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa qaabilay culimmadda dalka oo uu xarunta madaxtooyadda ugu sameeyay afur iyo casho.

Kulankaas madaxweynuhu la yeeshay culimmadda waxa goob joog ka ahaa Wasiirrada diinta iyo awqaafta, Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Somaliland oo kulankaas ka hadlay ayaa culimmadda uga mahad celiyay siday u soo ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyay waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inay culimadda sharafta lihi madaxtooyadda marti-qaad noogu timaadaan, waxaanan u arkaa sharaf weyn inaad soo ajiibteen oo noo timaadeen. Runtii marti-qaadkani waxa uu naga daaran yahay ixtiraamka iyo qadarinta aanu u hayno culimmadda iyo annaga oo ay noogu muuqato inaanay culimmada la’aantood iyo wada shaqayntooda la’aantood dalka iyo dadkaba waxba inooga hagaagayn.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu xusay inuu mar walba soo dhawaynayo tallooyinka iyo wada shaqaynta culimmadda dalka, waxaanu yidhi “Waxaanu mar walba diyaar u nahay inaanu culimadda la shaqayno oo la tashano oo wixii aa’raa ah iyo wanaag ah ka wada shaqayno. Dalkeenu waa dal muslim ah iyo ummad muslim ah, waana ummad jecel wanaagga, waana ummad jecel inay if iyo aakhiraba horumarto oo wax anfaca ku dhawaaqdo.”

“Arrintaas ayaa nagu aj-buraysa inaanu ku hoggaamino dalka oo culimmadda dalka la tashano oo hadba wixii arrin ah ka tallo gelino. Waxaan idiinka mahad celinayaa tallooyinka qiimaha leh ee wax ku oolka ah ee aad soo jeediseen. Waxa kale oo aan idiinka mahad naqayaa taageeradda aad noo fidiseen,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu culimmadda ku bogaadiyay sida ay mar walba wanaagga ugu wacyigeliyaan bulshada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan idiinka mahad celinayaa sida aad mar walba mujtamaca aad culimmadda u tihiin u fartaan wanaagga isla markaana uga reebtaan xummaanta.”

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo ka mid ahaa culimaddii madaxweynaha la kulmay ayaa hadal uu ka soo jeediyay kulankaasi waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland oo uu ku bogaadiyay inuu ILAAHAY ku ilhaamiyay inuu la tashado culimadda dalka.
Sh. Cabdilaahi waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin culimo ahaan in la dhawro sharciyadda dalka isla markaana la ixtiraamo madaxda dalka.

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar waxa uu ku baaqay in bulshadda lagu wacyigeliyo inay qabatimaan cuntooyinka waddaniga ah.
“Waxaan Madaxweynaha ku ammaanayaa inuu Golihiisa xukuumadda ku soo daray ashkhaas mucaarid ah oo ka soo horjeeday, taasina ay tahay geesinimo weyn. Waxaanan u arkayaa inay ka turjumayso inaad wax toosiso,”ayuu yidhi Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar.

Sh. Maxamed Aadan oo ka hadlay kulankaasi ayaa isna dhinaciisa uga mahad celiyay madaxweynaha kulanka uu ku qaabilay culimadda dalka.
Sh. Maxamed Aadan waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku ammaanay idaacadda quraanka kariimka ah ee dalka laga furay, waxaanu yidhi “Madaxweyne, Marka u horaysa waxaan kugu hambalyaynaynaa idaacadda FM-ta ah ee quraanka kariimka ah ee bishan Ramadaan la bilatay ee dalka laga furay. Waxaan rajaynayaa idaacadani Hargeysa ayay maraysaaye’ inay dalka oo dhan wada gaadho. Waxay faa’iido ka tahay haddii ummadda quraanku ku baxo oo meel walba gaadho gabadh dambe oo jin innaga gallo arki mayno. Waana halka wacdiga iyo wax toosinta ummadda laga hagayo.”

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in diintu dawlad u baahan tahay, dawladuna diinta u baahan tahay, waxaanu yidhi “Haddii aynu nahay dawladii iyo culimadii waxa loo baahan yahay inaynu gacmaha is qabsano oo ummadan sidii ILAAHAY ina yidhi aynu u xukuno oo aynu wanaag iyo diin ku xukuno ayaa runtii loo baahan yahay. Dawladda haddii aanu nahay waxaanu nidhaahnaa culimadda ha la dhawro oo aflagaadada ha laga daayo oo ha la heshiisiiyo. Laakiin way yar tahay inta aanu ka maqalo culimadda oo leh waar madaxda hala daayo .”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka waramay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta culimadda iyo xukuumadda oo la sii xoojiyo.

Salaanmedia/Hargaysa