Maxkamada Midowga Yurub Oo Diiday In Somalida Malta Dib Loogu Cesho Liibiya

July 24,2013(SM) Maxkamada Xaquuqul Insaanka ee Midowga Yurub ayaa go’aan kasoo saartay inaan dib loogu celin Karin dalka Liibiya, dadka Qaxootiga Soomaalida ah ee soo galay wadanka Malta.

Dowlada Malta ayaa horey u waday qorshe ah in dalka Liibiya dib loogu cesho dadka Soomaalida ah ee sida tahriibta ah kusoo gala dhulka Malta iyagoo doonyo kasoo raaca xeebaha wadanka Liibiya.
Maxkamada Midowga Yurub ayaa ku sheegtay go’aankeeda; “…arrin aan la qaadan Karin in dadkan qaxootiga ah dib loogu cesho wadanka Liibiya oo ay ka jirto xaalad amaan xumo…”

Dowlada Malta ayaa sheegtay inay qaadaneyso go’aanka kasoo baxay maxkamada sare ee Midowga Yurub isla markaana aysan celin doonin Soomaalida, arrintan oo ay soo dhaweeyeen kumanaan qaxootiga Soomaalida ah oo hada ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka Malta.

Salaanmedia/Hargaysa