Munaasibad Balaadhan Oo Loo Qabtay 76 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey Dugsiyada Al Xufaad Ee Magaalada Hargeysa+Daawo Sawirada

Hargeysa(SM):-dugsiga xifdiga quraanka kariimka ah ee Al Xufaad ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey 76 arday oo ka qalin jabiyey dugsigaasi.

image

 

Munaasibada shahaadooyinka lagu gudoonsiinayey oo ka dhacday  Hotel Safaari ee magaalada Hargeysa ayaa ardaydaasi lagu gudoonsiiyey abaal marino kala duwan.

 

Ugu horayn waxa munaasibadan

ka hadlay maamulaha dugsiyada Al Xufaad Farxaan Maxamed Faarax oo ah waxaanu ka war bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray School-ka Al Xufaad.

 

 

 

Waxaanu ku dheeraaday qaabkii loo aas aasay Al Xufaad, isaga oo sheegay in lagu bilaabay arday loogu tala galay inay xifdiyaan Quraanka Kariimka ah, waxaanu sheegay inay taas laga sameeyey horumar balaadhan

 

 

Dufcada maanta baxday ayaa ah sida uu sheegay maamulaha School-ku dufcadii 9-aad, iyada oo uu sheegay in ardaydii ka baxday qaarkood maanta ay ka soo qalin jabinayaan jaamacadaha aduunka.

 

 

Dufcada maanta ka qalin jabisay dugsiga hoose ee Al Xufaad ayey tiradoodu dhamayd todobaatan iyo lix arday (76), Kuwaas oo isugu jira 33 hablood iyo 45 wiil.

 

Maamulaha oo ku dheeraaday hadalkiisa ayaa sheegay inay wada shaqayn buuxda la leeyihiin wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, isla markaana ay wada shaqayn gaara la sii leeyihiin qaybta imtixaanaadka iyo kormeerka wasaarada.

 

 

Maamulaha Al Xufaad ayaa halkaasi ka shaaciyey in saddexda arday ee ugu sareeyo ee haatan u gudbay dugsiga sare uu Schoolka Nuuradiin ugu deeqay waxabrasho bilaasha afarta sano ee soo socda, halka uu sidoo kale sheegay in School-ka Xamdaan uu isna ugu deeqay inay 10 arday bilaash ugu dhigi doonaan, kuwaas oo loo eegi doona dhaqaalahooda, isla markaana la qaadan doono 10-ka arday ee ugu jeeba hooseeya.

 

 

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Dr Cumar Faarax oo ka mida macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha ku yaala dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay luqada Carabidu, isaga oo maamulka iyo macalimiinta Schoolka Al Xufaad ku amaanay doorka ay ku leeyihiin in ardayda lagu bar baariyo luqada carabida, waxaanu intaas ku daray in waalidku hormuud ka noqday dadaalka ardayga.

 

 

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Sh Cabdilaahi Barbraawi oo runtii si aada Al Xufaad School u dul istaagay, isaga oo sheegay inay u dhigtaan 8 arday oo uu dhalay, waxaanu ku sifeeyey in Al Xufaad tahay mid ku dayasho mudan.

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay iyo dhamaan ardaygii sanadkan u gudbay dugsiyada sare ee ka soo baxay Al Xufaad Schools.

 

 Salaanmedia.com

Hargeysa/Somaliland

 

 Xigasho Hadhwanaag news