Oday-dhaqameedka, Wax-garadka Iyo Siyaasiyiinta Beesha Reer Nuur Oo Naqdiyay Golaha Wada Tashiga, Kuna Tilmamay Waxba Kama Jiraan Hadal Ka Soo Yeedhay Qurboog Hore U Taageeray Golaha Wadatashiga

Julu 28, 2013 Borama (SM) – Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen maanta odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Reer Nuur ee gobolka Awdal, oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golaha guurtidu ku qabteen Boorama ayaa waxa ay kaga dareen celiyeen, hadal dhawaan saxaafada Internetka lagu baahiyay oo ka soo yeedhay qurbojooga beesha, kaasi oo taageero u muujiyay Golaha Wadatashiga iyo Midnimada ee dhawaan lagaga dhawaaqay Somaliland isla markaana taxay liiska tabashooyin dheer oo ay beeshu qabto oo xusaya inay xaq badani kaga maqan yihiin xukuumada Somaliland.
.
Suldaan Saleebaan Cali oo kulankan ka hadlay ugu horayntii ayaa waxa uu xusay inay ka soo horjeedaan wax walba oo taagero ah oo ay qurbojoogu yidhaaheen waxa ay beeshu u muujisay taageero Golaha Wadatashiga iyo Midnimada waxana uu yidhi “Waxa aan isugu nimid inaan ka jawaabno hadalka maalmahan dambe lala meeraysanayo ee Internetka lagu qorayo ee ka soo yeedhay qurbojooga, waxa aan leenahay wixii tabasho ah ee aan qabno beel ahaan waxaan ula tagi doonaa xukuumada, mida taageerada Golaha Wadatashiga iyo Midnimadana waan ka soo horjeednaa oo anagu waxa aan taageersanahay xukuumada maanta ka jirta Somaliland”.
.
Sul. Nuur Axmed Nuur Dheere oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waano u xambaariyay qurbo jooga waxana uu yidhi “Horta dalka waxa looga taliyaa gudaha, dadka dibadaha jooga ee qoxootiga ah ama danaha gaarka ah u tagay waayo arag ma aha oo uma taliyaan umada, waxaanan leeyahay qurbojooga, Odayaasha dhaqanka, xildhibaanada iyo waxgaradka gudaha ku sugan talada ha uga dambeeyaan hana la tashadaan, mida kale ee arinta Internetka lagu qoray waxaan leeyahay wax aan ka tashanay oo aan meel isla dhignay ma aha, waana tala noo dambaysa, waxase aan maanta leenahay waxaan ayidsanahay dawlada maanta joogta oo aan wax walba kala hadlaynaa oo aan taageersanahay”.
.
Sul. Yuusuf oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa la sheegayaa waraaqo laga soo bixiyay Internetka oo magaca reerka ku soo baxay, anaguna ma ogin mana taageersanin, waxa uu dalku leeyahay goleyaal kuwaas ayaanan taageersanahay mana ogolin Golaha Wadatashiga iyo Midnimada ee la leeyahay waan soo kordhinay, mana aha mid na qabta, mana aha arin Reer Nuur matasha, waxanan soo dhawaynayaa golayaashii jiray, xisbiga dawlada ayaanan taageersanahay, wixii tabasho ahna waxaan ka leeyahay intan iyo in kabadan oo jirta ayaa jirta diyaana waxaan u nahay inaan kala hadalno xukuumada, waqtigeeda ayaanan sugaynaa”
.
Xil. Nuur Rayaale oo ka tirsan golaha guurtida oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa diidmo kala horyimid taageerada Golaha Wadatashiga iyo Midnimada, waxana uu yidhi “Meesha la leeyahay Reer Nuur ayaa taageeray waan la yaabay waxbana kama jiraan oo waa wax aanan shaqaynay, beeshu waxa ay leedahay hogaan dhaqan iyo salaadiin, go’aankooda ayaan raacsanahay oo waxa aan taageersanahay dawlada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyada ayaanan daba joognaa, wixii tabasho ahna waan ula tagaynaa, inamadayada dibadana waxaan leenahay waxa aad haysaan ee talo ah u keena hogaankiina gudaha waanan ku dhaqmaynaa, maantana waxaan taageersanahay xukuumada talada haysa”
.
Xil. Cabdi Cabdilaahi oo ka tirsan golaha guurtida ayaa ka sheekeeyay taariikhda Somaliland, waxana uu xusay in burburkii dalka ka dib ay dad badani dibada u bexeen, Xil. Cabdi isaga oo la hadlay qurbajooga Beesha ee ay fariinta maanta ay dirayeen ku socotay waxa uu yidhi “Waxa aan leeyahay inamadayada dibada, meesha aad taageerteen waa meel aan jirin, waxana haboon inaad wixii talo ah nagu biirisaan si aan u horgayno cida hogaanka haysa ee ay khusayso, Hadaan beesha Reer Nuur nahay waxa aan ka mid nahay Somaliland, hore waxaan u taageernay Udub oo mucaarid maanaan ahayn, maantana ma nihin mucaarid oo xukuumada ayaan taageersanahay, Somaliland odayaal ayaa ka taliyay oo isku keenay nabadeeduna waa qaali, waxana an ka soo horjeednaa wax walba oo gole lagu sheegay oo xadgudub ku ah dalka sida golaha Golaha Wadatashiga iyo Midnimada, waxana aan wixii tabasho ah la hor tagaynaa xukuumada”
.
Ugu dambayntii waxa isaguna ka hadlay halkaasi qurbojoog Maxamed Cabdilaahi Obsiiye waxana uu yidhi ” hore ayaan shaqsiyan u hadlay, waxii aan ka hadlayna waxay tahay wax garab siinaya odayaasha, waxa aanan u arkaa Golaha Wadatashiga iyo Midnimada ee la yidhi waxa taageertay beesha mid been abuur ah oo aanan jirin, beeshu halkan ayay ku dhantay waxana u dhexeeya istixgalin iyo ismaqal kala dambayn ku dhisan, mana suura galayso in wax aanan jirin loo abuuro meesha layidhi waa la taageeray waa been abuur, hadalka salaadiinta ayaana ka AFDAL ah oo ah mid shaqaynaya oo aan taageersanahay, wixii tabasho ah ee halkaas ku qoran iyo wax kale oo ka maqana beeshu waxa ay diyaar u tahay inay xukuumada ula tagto oo ay kala gar naqsato sidaas ayuuna ku dhan yahay murtida hadalku

Salaanmedia/Borama Office