Ogeysiis: Ururweynaha ARDAA Oo Shir Balaadhan Ku Qabanaya Magaalada Toronto Ee Dalka Canada.

Ogeysiis: Ururweynaha ARDAA Oo Shir Balaadhan Ku Qabanaya Magaalada Toronto Ee Dalka Canada.


Toronoto: July 24, 2013 – Urur weynaha Adal resources and Development Assistance Association ( ARDAA) wuxuu ogeysiinayaa jaaliyadda Gadabursi ee degan woqooyiga Ameerika (North America) in shirweyne aad u balaadhan lagu qabanayo magaalada Toronto ee dalka Canada maalinta Sabtida ah ee bisha August 17da, 2013.

Ururka ARDAA iyo Jaaliyadda uu u adeego kana soo jeedda Awdal, Salal, Gabiley, Harawe iyo Djibouti waxa sharaf weyn u ah inay shirka goobjoob ka ahaan doonaan, kana hadlidoonaan aqoon yahanka/siyaasiga weyn ee caanka ah, Professor Ahmed Ismail Samatar oo dhawaan ka soo laabtay dalkii hooyo. Professor Samatar wuxuu si gaar ah uga hadli doonaa arrimo aad u muhiima oo ku saabsan danaha beelweynta reer Adal iyo farriimo uu ka sido shacbiweyne Gadabursi ee ku dhaqan Geeska Africaka iyo maxdoodaba.

Sidaa darted waxa si sharaf leh looga codsanayaa Jaaliyadda kasoo jeeda goboladaasi inay si weyne uga soo qayb galaan shirkaasi muhiimka ah.

Tafaasiisha shirku waa sidan hoos ku xusan:

Taariikhda: August 17, 2013
Saacadda: 5ta galabnima ilaa iyo 12ka habeenimo
Goobta: Toronto Plaza Hotel, 1677 Wilson Avenue, Toronto, ON M3L 1A5

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaka oo mideynaaya muruq iyo maalba una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo in ay u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.