Q : ENG: ABDIKARIM AHMED HUSSEIN
BARASHADA QAADKA.
WAA MAXAY QAADKU ?
Dad badan oo ku xeel dheer aqoonta Qaadka ayaa sida soo socota ku Qeexay.
Qaadku waa geeda Maanka doorsha oo caleemihiisa la calaashado, oo aan miro iyo ubaxba bixin.
Qaadku waa geed la beero oo marba marka ka danbeesa aa u waynaada oo caleemihiisa laga ganacsado oo la calaashado, Wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa sida xashiishka iyo Afyuunka.
Qaadku waa geed maanka doorsha aadna sun u ah khamriga ka wax yeelo badan.
Qaadku waa geed mukhadir ah caafimaadkana u daran sababtuna waa maadada loo yaqaano (cathine) ama kaathiin.
Qaadku waa geed ka baxa Bariga Afrika ( soomaliya,itoobiya, keenya iyo muuzanbiiq ) dhacana xagga kookaynta iyo aafyuunka dhexdooda.
Qaadku waa mukhadir cunistiisu ku faaftay dalka oo dhan waana maandooriye dadka caqligii ka qaaday dhibna u gaystay hadii la eego xag dhaqaale akhlaaqdeeda bulshadeeda iyo tacliimeed.
Qaadku wuxuu keena “Araq” ama hurdo la,aan wuxuu dhib u geystaa dareemayaasha waana “mukhaddir” wuxuu kale uu dhib u gaystaa maskaxda iyo lafdhabarta ama lafduudka ( spinal cord ) waxaa Qaadku ku jirta maadooyin badan oo mukhaddir ah oo ay ka mid tahay tannins oo si gaar ah wax u yeesha dheefshiidaha.
Qaadku waa mukhaddir fudud oo laga helo geed noocyo kala duwan leh, dhererkiisuna mar mar gaadho lix mitir.
badanaaba aqoonyahanada wax ka qora Qaadka waxay aragtidoodu ku aruursan tahay in qaadku yahay maado caqliga doorisa oo waliba khatar aad u daran leh.
Qaadku waa “shaydaan geed loo ekeysiiyay” .
Qaadku waa geed qofka cuna ka dhiga qof ku firfircoon cunista qaadka oo nashaad galiya .
mukhaddir?
Waa maado kasta oo wax dabicii ah ( sida Qaadka, xashiishka afyuunka iyo kooka ) ama la sameeyo oo soo saarta canaasiir ( elements ) neerfayaasha kiciya ama dajiya oo hadaan loo isticmaalin caafimaad ahaan iyo warshadayn keeni karta caadaysi oo khatar galisa gaar ahaan bulshada iyo caafimaadka iyo nafta.
Waa maado kasta oo hadii la qaato ama la cuno ama la cabo u keenta jirka dhib iyo shido caqliga iyo miyirka tebisa oo keenta ” Qaayibid ” Qaawaaninnta diinteena ay xaaraatimiinsay waxaana ugu caansan maadooyinkaas la xaaraatimeyay Xashiishka , Afyuunka , Morfiinka ,Hiroowiinka ,Kookeynta iyo QAADKA
waxaa ka mid ah astaamaha lagu garto ruuxa qaayiba ama cuna Qaadka sidan soo socota……
-
ka fogaanshaha uu ka fogaado dadka ama bulshada ( isolation).
-
rafaad, bas iyo is daryeelid la´aan ( gaar ahaan xaga nadaafada ).
-
wahsi iyo hamaansi joogto ah.
-
waji kaduudu dhidid iyo faro gariir.
-
cunto yari, dhubnaan ( weydnimo) iyo calool istaag.
-
Xanaaq deg deg ah .
-
Aqoon raa din la,aan iyo shaqo goyn goyn.
-
T,V horfariisi.
-
Been dhjagar iyo khiyaamo hanti lagu raadsho.
XANUUNADA QAADKU LEEYAHAY.
Hadii aad loo raad raaco dadka qaadka ka hadla waxay ku soo aruuruieen Xanuunadiisa ama ay ku soo kordhiyeen sidan…
1. Gastric: oo ay sababto maadada “Tennins” waana maado wax toobta Qaadkuna waa (7-14%).
2. Mushkilada jinsiyeed ( Sexual problems -reduces saxual drive- ).
3. Wadne xanuun.
4. Kalyo xanuun ( kidney diseas).l
5. Cunto xumi iyo cunto diidmo ( Anorexia & reduction of appetite ).
6. Calool istaag ( constipation ) ay ka dhalan karto Baabaasiir.
7. Hurdo xumi ( sleeping discorder ).
8. Neerfe kicin gaar ahaan hab dhiska jidhka ee dhexe.¨
9. Hadal tiro iyo nacasnimo aan meelna jirin.
10. Calool xanuun iyo Af qalayl markasta ah iyo haraad .
11. Kaadi aan xad lahayn (Diuresis ) oo ka dhalata cabida badan ee qaadka la socota.
12. jir kulayl iyo dhidid joogto ah. ( sweating )
13. Manida oo qubata ( Badanaaba dadka qaadka cuna waxay ka sheegtaan inaysan raali galin karin Dumarka u dhaxa gaar ahaan Da,da u dhaxaysa 35____40. Taasina waxay keeni kartaa dhibaato bulshadeed ).
14. Dhalida caruur wayd ah. ( daciif ah ). iyo indhaha oo waawaynaada qofka cuna.
15. Waali, iyo qufac daran iyo cabsi la,aan iyo isla wayni iyo raaxo la,aan.
DALALKA QAADKA U AQOONSADAY INUU MAANDOORIYE YAHAY IYO KUWA ISKU DAYAY INAY JOOJIYAAN
DALKA | SANADKA |
SOOMAALIYA | 1921,1956,1939,1957,1982 |
JABOUTI | 1921 |
KENYA | 1934,1945,1950 |
YAMAN | 1957 |
MASAR | 1958 |
SACUUDIGA | 1957 |
ITOOBIYA | 1960 |
SUUDAAN | 1957 |
BAARITAAN LAGU SAMEEYAY QAADKA
Laga soo bilaabo dhamaadki qarnigii sagaa iyo tobnaad waxaa si is daba joog ah loo baadhay, waxyaabah uu ka koobanyahay geedka qaadka loo yaqaan, sanadkii 1887kii, ayaa laba nin oo lakala oran jiray FLUCKIGER &GEROCK Ogaadeen in geedkaas ay ku jirto maado loo yaqaan “Cathine”.
Waxay taasi keentay dareen wayn oo ku dhashay aqoonyahanada dhirta caqliga doorisa iyo in ay xil iska saaraan baaritaan dhab ah oo ku saabsan geedka Qaadka, Sanadkii 1974kii, ayaa cilmi baaris qoto dheer oo ay maalgalisay ururka Qaramada midoobay ( UN )oo lagu daraaseeyay Geedka qaadka xag baayooligi,Kiimiko, Baayoo kimisteri ayaa lagu ogaaday in maado kale oo ka khatarsan “Cathineka” ay ku jirt qaadka maadadaas oo loo yaqaan “Cathinone”.
Labadaas baaritaan waxaa ku cad in Qaadku maandooriye yahay laguna sheegi karo “Mukhaddir” waana caqli-dooriye aan ka duwanayn maskax dooriyayaasha kale sida ( Xashiishka, Aafyunka, Hiiroowiinka iyo Kookeynka ).
Yaraanta iyo badnaanta ( Concentration ) labadaas maado oo kala ahaa ( Cathine ) iyo ( Kaathinoon ) waxay xiriir la leedahay
1: Nooc qaadka.
2:Cimilada.
3:Ciidda uu qaadku ka baxo.
4:Da,da geedka.
5:Xilliga la guro.
6:Dalka uu ka baxo.
7:Waxyaalo kale.
contac abdikarim ahmed hussein
la soo xidhiidh