Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay sharciga saxaafada ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Somalia

news-image1

Xafiiska Qaramada Midoobey ee xaquuqda aadanaha ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay mashruuca qaanuun ee warbaahinta Soomaaliya quseeya ay soo saartay Xukuumada Soomaaliya, taasoo hay’adu sheegtay in saxafiyinta looga dalbaday qanuunkaasi in ay iyaga isasoo cadeeyaan iyo in laga reebay tabinta warbixino ka dhan ah islaamka iyo dhaqanka wadanka somalia.

Rupert Colville o ah afayeenka xafiiska arimaha xaquuqda aadanaha QM oo saxafada kula hadlay magalada Geneva ayaa sheegay in saraakisha Soomaaliya ay ku boorinayaan inay dib ugu laabtaan xeerkaasi si loo gaaro damaanad qaad wafaqsan halbeega caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha.

Masuulkaasi waxa uu sheegay in xeerka saxafadda ay soo saartay xukuumada Soomaaliya ay ku jiraan lahjado adag iyo qodobo si fudud logu adeegsan karo in la caburiyo xuriyada hadalka.

Colville ayaa sheegay in xukuumada ay horey u balan qaaday in inta aan la soo sarin xerkaani ay jiri doonan wada tashiyo balaaran balse hada xeerkaasi uu yahay mid la hordhigaayo barlamanka Soomaaliya kadibna loo gudbinaayo madaxweynaha Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho