Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay Xeerka Saxaafada Soomaaliya

UnitedNations1

New York July 22,2013(SM)-Qaramada Midoobey xafiiskeeda u qaabilsan Xuquuqaha Aadaha ayaa walaac ka muujisay Xeerka qabyada ah eeSaxaafada oo warbaahinta dalka ku khasbeysa in ay shaaciyaan ilo wareedyada.

QM ayaa sheegtay in sidoo kale xeerkani uu mamnuucayo in la faafiyo xogaha ka soo horjeeda Diinta Islamka iyo Dhaqanka Soomaalida.

“Waxanu ugu baaqeynaa dawlada Soomaalida in ay ay xeerkan qabyada ah dib ugu noqdaan si loo hubiyo in uu la jaan qaadi karo shuruucda aadanaha ee caalamka”sidaa waxa afhayeenka xafiiska OHCHR Rupert Colville.

“Waxaani si gaar ah uga walaacsan nahay qoraalka Xeerka oo si baahsan u qoran oo loo isticmaali karo in lagu horjoogsado xuquuqda saxaafada”ayuu yiri afhayeenku.

Suxuufiyiinta Soomaaliya ayaa walaac muujiyay intii ka danbeysay kolkii todobaadkii hore ay gollaha wasiiradu ansixiyeen Xeerkan Saxaafada isla markaana ay u gudbiyeen Baarlamaanka.

SM-New York