“Qaramadda Midoobay Iyo Maraykanku Waxay Xiyaarad Dhinaca Duulimaadka Ah Saareen Xasan Daahir Aweys….Isa Soo Dhiibida Sheekuna Waa Guul U ….”Nicholas Kay

(SM):Hargaysa)Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xadhiga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xidhan Muqdisho.

Danjire Kay ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir oo ka mid ahaa xubnaha sar sare ee Al-shabaab, horana uu u ahaa hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo ku biiray Al-shabaab uu yahay hoggaamiye xag-jir ah marka loo eego xubnaha kale ee ay kawada tirsanaayeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay iyo Mareykanka waxay xayiraad dhinaca duulimaadka ah saareen Sheekh Xasan Daahir iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana keliya oo lagu cafin karaa inuu ka tanaasulo falalkii uu horay ugu jiray iyo inuu caddeeyo fikirka uu Al-shabaab ka aaminsan yahay,” ayuu yidhi danjire Kay.

Ergaygu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir isagoo ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, isagoo aan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay Qaramada Midoobay ka yeelayso Sheekh Xasan Daahir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay u baahan yihiin fursad yar si go’aan looga gaaro arrinta Sheekh Xasan Daahir oo ay gacanta ku hayaan, inkastoo uu Muqdisho ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo xariga wadaadkan.

Salaanmedia/Mogdisho

 

Xigasho Hiiraan