Qarax Wayan Oo Ka Dhacay Saaka Magaalada Kismaayo

Qarax Wayan Oo Ka Dhacay Saaka Magaalada Kismaayo

July 20,2013 Kismaayo(SM) Waxaa saaka magaalada Kismaayo ka dhacay qarax xoogan oo lagu sheegay miino.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, wuxuuna ka dhacay laamiga dhinaciisa, xili ay halkaasi marayeen kolonyo gaadiidka ciidamada AMISOM.

Qaraxan ayaa la ogeyn inta khasaaraha uu geystay, wallow warar horudhac ah oo magaalada Kismaayo kasoo baxaya ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay rasaas ay ciidamada AMISOM rideen qaraxaasi kadib.

Hawlgalada amaanka Kismaayo laga wada ayaa socda waxaana horey qarax noocaan ah todoabadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada.

Ciidamada Jubaland ee ka shaqeeya Kismaayo ayaa horey ugu guuleystay in isla todobaadkan qeybo kamid ah magaalada kasoo saaraan miinooyin dhulka lagu aasay.

Salaanmedia/Kismaayo