Qodobada Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Fashilmay Iyo Balan Qaadyadiisii Dhicisoobay By Qalinkii – Maxamed Sagax

 

Qodobada Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Fashilmay Iyo Balan Qaadyadiisii Dhicisoobay By Qalinkii – Maxamed Sagax

Madaxweymaha Somaliland AxmedMaxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka hogaaminta dalka loo dhaariyay 27-kii July2010-kii, isla markaana muddo saddex sanadooda ay wakhtigan xaadirka ah ubuuxsan tahay, ayaa waxaa jira waxyaalo badan oo madaxweyne Siilaanyo uu kuhadaaqi jiray inuu wax ka qaban doono haddii madaxweynaha dalka lo doorto oonoqday hal bacaad lagu lisay, taas oo filashadii hogaamintiisa ay ka qabeen shacbiguxilliyadii mucaaridka uu ahaa ay hungo iyo dhalanteed noqdeen.

Madaxweyne Siilaanyo ayaashacbiga reer Somaliland wixii ay ka filayeen iyo hogaamintiisa maamulkala haab noqdeen, isla markaana ay si dhab ah isku barteen isaga iyo shacbigiicodkooda ku doortay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la odhan karaa waxyaalihii uu qabtay muddadaasi waxa ka badan fadeexadaha iyo fashilaadaha dalka ka dhacay. Waxyaalaha uu ku fashilmay madaxweyne Siilaanyo ee shacbiga dhabana-hayska ku noqday oo tiro belay, islamarkaana uu ka balanqaaday xilliyadii uu ku jiray ololihii doorashadii madaxtooyada ee 26June 2010kii dalka ka dhacday ee isaga lagu soo doortay ayaawaxa ka mid ahaa:-

1. Madaxweyne Siilaanyo oo ku balanqaaday inuu dawlad kooban oo tayo leh soo dhisi doono,ayaa waxa uu marinayaa 48 wasiir

2. Hirgelintiimaamul wanaaga iyo cidhibtirka musuqmaasuqa ayaa iyaguna gaadhay heerkii uguxumaa abid, taas oo xilligan maraysa in dadku isweydiiyaan cidda hogaamintiitalada dalka ee loo doortay madaxweyne Siilaanyo mindida daabkeeda u haysa.

3. Madaxbanaanidiisaxaafada ee distooriga ahayd ayaa gaadhay heer la xayiro xarumo warbaahineed,laguna rido xukuno aab distoorka iyo shuruucda dalka waafaqsanayn.

La soco?.
Qalinkii – Wariye Maxamed Sagax
m.qalin@hotmail.com

Tell 4417664