Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Qormadii 4aad ee Taxanaha Hal-ku-dheggiisu yahay: HUBAAL miyaa la Hilmaamay!!. Miyaan Hiil la Hureyn!?. Qalinkii: Boobe Yuusu

Hubaal Maxaabiis iyo Boobe

 

Qormada: 4aad

Gebegebeda sheekada:

Wax la soo maalin-gaalo, la soo galab-carraabo oo la soo guureeyaba waxa la soo gaadhay 3/7/2013ka. Maamulkii wargeyska Hubaal ayaa Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa la hor keenay. Waxa Maxkamadda Garsoore ka ahaa: Cismaan Ibraahin Daahir iyo Kaaliye Khadar Jaamac Xuseen.

Dhibbanayaasha dacwaddani waxay kala ahaayeen: Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qunsuliyadda Itoobiya (safaaradda Itoobiya),

Eedeysanayaasha dacwaddani waxay kala ahaayeen: Maxamed Axmed Jaamac (Coloolay), Ina Aamina Cismaan, l/36 jir ah, iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi,

Waxa lagu soo eedeeyay: Qodobbada 287,328,452, 45 XCG,

Sidii dhaqanka garsoorku ahaa Eedeysanayaashii ayaa la weydiiyay in ay eedahan qabaan. Dhammaantood waxay ku jawaabeen in aanay eedahan qabin.

Hadalkan iskama qorayo e’, waxaan xiganayaa oo raad iyo tix-raacba ii ah Go’aankii Maxkamadda Hargeysa ee Gobolka, ee summaddiisu ahayd MGH/DDL/598/013 ee soo baxay 3/7/2013ka.

Soo-jeedin: Is-hortaag Qareenka 1aad ee Eedaysanayaasha:

Qareenkii daafacayay Eedeysanayaashu wuxu dooddiisii ku soo jeediyay in nimankan lagu haysto Mihnaddooda oo saxaafad ah, sidaa darteedna ay daw tahay in lagu abaal-mariyo Xeerka Saxaafadda. Isaga oo soo jeediyay Qodobbadii uu cuskanayay, wuxu Maxkamadda sharafta leh ka codsaday:

  1. In haddiiba ay jirto dhibaato iyo xad-gudub loo tirsanayo Eedeysanayaasha iyo wargeyska Hubaal, ay tahay in sharci-yaqaan dawladdu in uu Madani ugu dodo,
  2. In Wargeyska oo aan eedda ku jirin, isla markaa aan lahayn wax denbi ah, sida ku xusan Qodobka 3aad in xayiraaddii laga qaado,
  3. Hubaal lafdigiisa xad-gudubyada laga galay in lagu soo oogo oo Maxkamadda la hor keeno ciddii ka gashay,

Majarihii dacwadaha lala mari jiray ee su’aalaha, weydiimaha iyo caddaymaha lahaa iyo dood dheer ayay labadii dhinac isla galeen, ka dibna Garsoorihii ayaa xukunkii riday.

Garsooruhu Go’aamkaa Maxkamadda ka dib shir-jaraa’id oo uu qabtay, oo kollay aan anigu ka daawaday HCTV wuxu kaga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen iyo go’aanka Maxkamadeed ee uu qaatay.

Looyarradii wargeyska u doodayay mid ka mid ah ayaa isaguna Shir-jaraa’id qabtay oo ku dacwiyay in ay ahayd in kiiskan lagu qaado Xeer Saxaafadda ama Xeerka Madaniga ah.

Gude iyo dibadba afkaar badan ayaa laga bixiyay xukunkan ku dhacay Hubaal iyada oo aanay laba Cali si-weydiinin wixii iyaga loo geystay.

Laba eedood ayaa meesha ka muuqday oo kala ahaa mid la yidhi waxa loo geystay safaaradda Itoobiya iyo mid la sheegay in loo geystay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Tan Itoobiya haddii aynu ku horreynno, Guddoomiyaha iyo Tifaf-tiraha Wargeyska Hubaal waxay ku doodayaan in aanay warkan u qorin siidan loogu soo eedeynayo, bal se ay u qoreen qaab digniineed oo ay Safaaradda ugu sheegayeen in magacooda lagu adeegto. Hubaal warkan waxay qorayaan 26/1/2013ka oo lix bilood ay ka dambeysay. Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay maxaa intaas oo dhan lala sugayay dacwaddan qaadisteeda?

Eedda labaad waa warqaddii ay tarjumeen ee ninka Mareykanka ahi qoray. Su’aasha is-weydiinta mudani halkanna waxay tahay ma keligood ayay qoreen, mise Websiteyada (Mareegaha) Somaliland qaar badan oo ka mid ah iyagana waa lagu qoray, bal se cid ku qabsatay ma jirin. Xataa iyaga naftooda ayaa la sheegayaa in ay xigasho ku ahayd oo ay soo xigteen.

Adduun hawli kama dhammaato e’, waxa la yidhi odey Qurbo-joog ah ayaa aad uga fekeri jiray carruurtiisa iyo in aanu dhaqanku ka xumaannin oo aanay ku dayan dadkan shisheeye ee ay la nool yihiin. Waxa la sheegay in uu culayska saaray in uu aad uga ilaaliyo barnaamajyada TV-yada ee aan akhlaaqiga ahayn ama qaawanba. Inta badan wuu la joogi jiray oo suuq iyo seylad qaad oo uu tagaba waa uu daayay. Sidii ayuu u dhex fadhiyay isaga oo ‘Remote’-ka gacanta ku haysta oo aad u digtoon. Mar alle yaale marka muuqaal xumi soo fool leeyahay ayuu ka bakhtiiyaa. Cabbaar inta uu sugo ayuu mar danbe u shidaa oo ay sheekadii halkii kala sii socdaan, iyada oo ka yar kala go’day.

Waxa la yidhi maalintii danbe iyaga oo tareen dhulka hoos mara la socda, ayaa laba isku cindanaa oo isku dheggenaa aad isugu dhawaadeen. Waxa lagu dhawaaday in dharkiiba la isu dhaafo oo la is-dhex galo. Kalgacalkii ayaa la jiitay, markaasaa la isku dhegay. Odeygii feejignaanta badnaa iyo qaar carruurtii ka mid ah ayaa tareenka saran. Mid yar ayaa aabbihii eegay, markaasuu ku yidhi: “Aabbo bakhtii.” Odeygii ayaa inta uu foorarsaday gacmihiisii eegay, markaas ayuu arkay in aanu ‘Remote-kii’ gacmihiisa ku jirin. Muraara-dillaac ayuu halkii la foorarsaday, joogsigii tareenka ee ugu soo horreeyayna carruurtii ayuu kula degay.

Ma laga yaabaa in ay halkan Hargeysana bakhtiidaasi ka socoto ‘remote-‘ kiina la la’yahay. Bal adba!

Dalka Dastuur Qaran oo afti dadweyne lagu oggolaaday ayaa ka jira. Ma aha Dastuur wareegto Madaxweyne iyo G’aan Baarlamaan ku yimid. Waa Dastuur oggolaansho shacbiya ku yimid. Dastuur Qodobbadiisa qaarna la bakhtiisan maayo, qaarna lagu dhaqmi maayo. Baabbacadaa timo ka eeg. Haddii aad sidaa u garan weydaan: “Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay.” Waa sidii loo yidhi: “Bulshadaa tix-raaciyo, taladiyo guddoonka leh.” Shacbiga iyo xuquuqdooda ayaa ka mudan madaxda. Laba ayaynu u kala baxnaa oo Dastuurka Qaranku inoo kala saarayaa: Waa Doorteiyo La-doorte.

Doortaha ayaa ka mudan La-doortaha. Haddii aanu Doorte jirin, La-doorte ma jirayo. Sidaas ayaa loo kala mudan yahay. Doortaha ayaa dirta La-doortaha oo marka xilligiisu gaadho beddela ama soo celiya. Waa kaa xaqa la duudsiyayaa. La-doortuhu, Madaxweyne iyo Xildhibaan kii uu yahayba, waa adeege u shaqeeya Doortaha. Ma cid baa nagu haysata. Ina Sanweynana u geeya.

Waa Ramadan, waanan iska daalayba e’, waxaan hadalkii kaga baxay:

 

“Nin dawee la leeyahay,

Dembi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay,

Isaguu u daranyoo,

In uu daaro ma oggola,

Daaraanta mililka leh,

Anna deyso ma oggoli,

Deebaaqda igu mudan,

 

Talaa maanta ii daran,

Talo dug ka hadhi karo,

Oo dalabta lagu saxo,

Talo aan la duri karin,

Talo aan dib loo arag,

Hebello isu dooddiya,

Oo shicibka dala’sada,

 

Waxa maanta ii daran,

Horto nabadda doocaan,

Nabad loo diyaar yahay,

Nabad dira-diraaliyo,

Nin dan lihi ku quustaan,

Nabad waysla daallee,

Deggenaansho lagu helo,

 

Waxa maanta ii daran,

Qaran haga dadweynaha,

Qaran damal sidiisii,

Loo dallaalimeeyoo,

Soo taabta darifyada,

Qaran aan dir-sooc jirin,

Qaran aan ahayn dulin,

Nabad-doonka beeshiyo,

Raacatada dul-saar ku ah,

 

Isku soo dabbaaloo,

Waxan doonayaa Qaran,

Qaran dhaama kii hore:

 

Dabo-taxan, 5/1/1997kii, Gaarriye.

 

 

 

Dhammaad

 

 

 




Leave a Reply