Qorshe Cusub Oo uu Wasiir Cukuse Doonayo In Uu Saxaafada Madaxa Banaan Ku Cabudhiyo

Qorshe Cusub Oo uu Wasiir Cukuse Doonayo In Uu Saxaafada Madaxa Banaan Ku Cabudhiyo

cukuse

Qaybtii 1 aad:

 

inkasta oo dhawaan c/laahi daahir cukuse loo magacaabay wasiirka warfaafinta somaliland ayaa hadana mudadaasi yar ee uu joogay wasaaradaasi wuxuu ku dhaqaaqay talaabooyin ka dhan ah saxaafada madaxa banaan oo uu ku doonayo in uu cabudhiyo,isagoo adeegsanaya habab cusub oo uu doonayo sidii loo cabudhin lahaa saxaafada madaxa banaan ee somaliland. hadaba hadii aynu wax yar ka xusno talaabooyinkaasi guracan ee wasiir cuskuse uu doonayo in uu ku cabudhiyo waxaa ka mid ah.

 

1: iyadoo uu doonayo in uu heshiis hoose la galo warbaahinta online-ka isagoo hore kulan ula yeeshay qaar ka mid ah warbaahinta online-ka isagoo u balan qaaday inay samaystaan xafiisk uu ka bixiyo qalabka iyo kirada gurigaasi ay kireystaan.

 

2: wuxuu wasiir cukuse si gaar ah u kala xaday wariyayaashii kulanka kula yeeshay xafiiskiisa isagoo mar danbe qaar ka mid ah u yeedhay si uu u ogeysiiyo in uu doonayo in uu mushahar u qoro iyaguna ay ula shaqeeyaan dawlada oo aysan qorin wararka lagu dhaliilo xukuumada siilaanyo.

 

3: wuxuu doonayaa wasiir cukuse in uu sifo sharciga baalmarsan qaar ugu sameeyo aqoonsi u siin lahaa qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan,iyadoo ay talabadaasi ka hor imanayso xeerka saxaafada somaliland u yaala oo dhigaya inay saxaafada somaliland xor tahay oo ay u maxda banaan tahay helida iyo baahinta wararka iyaa hadana wasiirkan oo dhawaan uun laga dhigay wasiirka warfaafinta somaliland uu u soo tafo xaytay sidii uu saxaafada madaxa banaan u cabudhin lahaa,iyadoo mushkilada jirtaana tahay wasiirkan lagu xanto waxyaabo ku saabsan dhinaca reerka uu ka soo jeedo ayaa hadana waxay dad badani aaminsan yihiin inay u wanaagsan tahay wasiirkan in uu iska aamuso oo uu faraha kala baxo cabudhintan lagu hayo saxaafada badaxa banaan ee somaliland.

 

wasiirkan ayaa waxa uu hore bu ahaan jiray afahayeenka siilaanyo,inkasta oo bar danbe laga dhigay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta somaliland ,waqti yar ka dibna uu siilaanyo u dalacsiiyay wasiirka warfaafinta ka dib markii uu noqday wasiirada kuwa ugu guulwadeysan xukuumada siilaanyo,

 

wasiir cukuse ayaa ku faana in uu leeyahay wargeys uu wax iskaga celinayo isagoo sheegay marar badan inay xitaa xukuumadu kaga baqato wargeyska uu leeyahay ,talaabooyinka guracan ee uu wasiir cukuse qaadayo ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili ay shaqaalaha uu wasiirka u yahay walaac weyn ka qabaan mushaharka ay qaataan oo aad u yar iyo shaqada ay qaranka u hayaan oo aad u badan ayuu wasiirkii cusbaa ee loo soo magacaabayna wax kale kaga mashquulay shaqaalihii wasiirka looga dhigay ari arintaasina waxay u muuqataa ayay leeyihiin dadka ka faalooda arimaha maamulka iyo saxaafadu in uu wasiirku ku deg degay talaabooyinka ku aadan cabudhinta saxaafada xorta ah ,waayo xitaa wasiirku weli lamu kulmin shaqaalihii wasiirka looga dhigay ee had iyo jeer wuxuu ku foogan yahay arimo kale oo aan isaga loo diran.

La Soco Qaybaha danbe ee qormooyinkan.

Qalinkii:C/casiis Bashiir Nuur Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland