RUNTA IYO RA’ YIGA MA KALA TAQAANAA ?

RUNTA IYO RA’ YIGA MA KALA TAQAANAA ?

maqaal

KALA GARASHA LA ‘ AANTA RUNTA IYO RA’YIGA AYAYNU KU DHEX ASQAWNAY .
Waxa hubaal ah oo marag madoonto ah oo wakhti badan dadka ka lumisay kuna xiiqsan yihiin iyaga oo aan kala garanayn RUNTA (FACT) iyo RA’YIGU (OPINION)  waxay kala yihiin  .Bal waxaad u fiirsataa doodaha dhexmara siyaasiyiinta – aqoon yahanada – culimada – wadaadada – dhalinyarada – haweenka – cuqaasha- iyo bulshada intiida badan ba .
Haddii aad eegto barnaamijyada warbaahintu soo gudbiso (soo bandhigto) hadday tahay TV yada -RADIO (radiyaha) – WEBSITE yada , doodaha ka socda aad iyo aad bay u kulkulinyihiin oo sawaxan iyo qaylo iyo aniga hadalkayga oo qudha ayaa run ah,  
ariga ra’yigayga ayaa sax ah . Arintaas oo keenta inaan lays dhegaysan , waxna la kala faa iidaysan .
Wadahal kasta iyo dood kasta oo soomaalida dhex marta inta badan waxay ku dhamaataa , inaanay waxba ku heshiin , waxna isku afgaran , WAAYO ? wixii run ah iyo wixii ra’yi ah baanay kala saarin .
Hadaba waxa layaab leh inaanay dad badani kala garanayn wixii RUN ah ee aan u baahnayn in laysku qabto ama u baahnayn in laga doodo,
iyo waxa la yidhaahdo RA’YI ga oo noqon kara mid lagu kala duwanaan karo , RA’YIGUNA wuxuu noqon karaa mid sax ah ama khalad ah ba.
 Matalan haddii aan idhaahdo magaalada BURCO waa caasimadda somaliland , waxa weeye in lay joojiyo oo lay saxo si aan doodu iyo wadahadalku warbixin khaldan ugu bilaabmin .
Laakiin haddii aan idhaahdo magaalada BURCO iyadaa ka qurux badan magaalada HARGEYSA , arintaasi waa RA’YI ee maaha RUN ,  waana lagu kala duwanaan karaa ra;yi .
Hadaba qofka inaad ku caydo ama ku aflagaadayso ama aad ku colaadiso ama kula dagaalanto  RA’YI giisa maaha.  Qasabna maaha inuu kaaga qaato , mana aha inaad tidhaahdo kaygaa saxane oo kaagu wuu khaldan yahaye , waa inaadkayga qaadataa ,    
 RA’YI ga aad baa loogu kala duwanaan karaa , waxaanu ku salaysan yahay aragti – dhaqan- dareemmo- macluumaad (information) -da ‘ .
Imaam shaafici baa yidhi ( RA’YI gayga saxani wuu noqon karaa mid khaldama , RA’YI cid kale soo jeediso oo khaldani wuu saxmi karaa ) .
Hadaba RUNTU isma qariso oo way caddahay oo waa lawada arkaa sida qoraxdaa iftiin keeda loo wada arko , haddii aanu qofku isyeel yeelayn mooyee ama aanu isla waynayn .
Hadaba waa inaad kala garataa RUNTU iyo RA’YIGU waxay kala yihiin , waa inaad qofka kalena RA’RI giisa ku ixtiraamtaa kana dhegaysataa , una ogolaataa inuu qof banii aadam ah oo adoo kale ah yahay oo rRA’YI kaaga ka duwan yeelan karo , sidaa uu yahayna aad ku ogolaato .
Waa in caruurta iyo bulshadeenan lagu wacyi galiyaa in ay RA’YI ga iyo aragtida ku kala duwanaan karaan , oo arintaas mac naheedu aanu ahay , haddiiba aydaan isku RA’YI ahayn col baad tihiin qofkaa ama ma wada hadli kartaan ama waxba kuma heshiin kartaan .
RUNTA iyo RA’YIGA in la kala saaro oo la kala garto waa irin aad iyo aad u muhiima .
 
CALI MAXAMED BIIXI   caliwwelli@hotmail.co.uk