Saamiga Beelaha Somaliland Ku Kala Leeyihiin Kuraasta Golaha Wasiirada
Mansabyada hay’adaha dawladda Somaliland gaar ahaan xukuumadda oo lagu saleeyo magacaabista xilalka kala duwan ee xukuumadda qaab beeleed oo lagu saleeyo xulashada xubnaha jagooyinka loo magacaabayo isla markaana masuulka xilka laga qaado lagu badalo masuul ay isku beel ka soo jeedaan taas oo xitaa marka laga tago jagooyinka goloha Wasiirada, Agaasima waaxeedyada wasaaradaha ay gaadhay in beelo lagu qaybsado.
Goloha wasiirada Somaliland oo tiradooda guud marayso in ku dhaw konton xubnood oo iskugu jira Wasiirro, Wasiiru dawlayaal iyo wasiiro ku xigeeno ayaa xiligan isku badashay mid sal balaadhan oo keentay tiro badnaanteedu mid ay saamayn ku yeelatay nidaamka beelaysan iyo saamiqaybsiga kuraasida golaha xukuumadda lagu saleeyo. Beelaha Somaliland ayaa kuraasida golaha wasiirada u kala leh sidan soo socota:
Beesha Bariga Burco
1. Wasiirka Madaxtooyada
2. Wasiirka Duulista hawada
3. Wasiirka Macdanta
4. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
5. Wasiiru-dawlaha
6. Wasiir-ku xigeenka Beeraha
Beesha Galbeedka Burco Iyo Bariga Iyo Waqooyiga Hargaysa Iyo Sanaag
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Wasiirka Deegaanka
3. Wasiirka Xanaanada Xoolaha
4. Wasiiru-dawlaha
5. Wasiir-kuxigeen
6. Wasiir-kuxigeen
Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa
1. Wasiirka Maaliyadda
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda
3. Wasiirka Ganacsiga
4. Wasiirka Warshadaha
5. Wasiirka Waxbarashada
Beesha Gobolka Saaxil
1. Wasiirka Qorshaynta Qaranka
2. Wasiir-kuxigeen
Beesha Salaxlay
1. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta
2. Wasiiru-dawlaha
Beesha Balligubadle
1. Wasiirka Caddaladda
2. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
3. Wasiir-kuxigeen
4. Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Bulshada
Beesha Sayla-Bari
1. Wasiir-kuxigeen
Beesha Gobolka Awdal
1. Wasiirka Arrimaha Bulshada
2. Wasiirka Beeraha
3. Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha
4. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5. Wasiiru-dawlaha
6. Wasiir-kuxigeen
Beesha Gobolka Sool iyo Buuhoodle
1. Wasiirka Caafimaadka
2. Wasiirka Hawlaha Guud
3. Wasiirka Biyaha
4. Wasiiru-dawlaha
5. Wasiir-kuxigeen
Beesha Bariga Sanaag ee Gobolka Badhan
1. Wasiirka Gaashaandhigga
2. Wasiirka Kalluumaysiga
3. Wasiiru-dawlaha
4. Wasiir-kuxigeen
Beesha Gobolka Selel
1. Wasiirka Dib-udajinta
2. Wasiir-kuxigeen
Beesha Fiqishini
1. Wasiir-kuxigeen
Beesha Laga Tirada Badanyahay
1. Wasiir-ku xigeenka Hawlaha Guud
Qaybaha kale ee agaasimayaasha guud Lasoco….