Safiirka Soomaaliya Ee Turkiga Oo Ka Qeybgalay Aaska Qaran Askari U Dhashay Dalkaasi Oo Muqdisho Ku Geeriyooday “SAWIRRO”

Danjire Maxamed Mursal Sheekh ayaa maanta ka qeyb galay Aaska marxuum Sinan Yilmaz oo ku geeriyooday maalinnimadii sabtida qaraxii lala beegsaday guriga ay shaqaalaha Turkiga ka degan yihiin Magaalada Muqdisho, asigoo uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Turkiga iyo si gaar ah eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumka asigoo Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo.

Danjire Maxamed Mursal ayaa waxaa uu ku tilmaamay weerarkaasi aragagixisada ah mid lagu doonayo in lagu baabi’iyo iftiinka u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku jiray dhibaatooyin fara badan iyo in lagu hor istaago walaalaha Turkiga oo u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed kuna garab istaagay horumar dhan weliba leh sida dhismaha Dugsiyada,Wadooyinka, Isbitaallada casriga ah.

Wasiirka Arrmaha Gudaha Dowladda Turkiga oo ka hadlay Xafladda aaska aya asheegay in tani aysan dhaawici doonin xiriirka adag ee ka dhexeeya labada Dowladood, waxaa uu dhankiisa Tacsi u diray muwaadinki Soomaliyeed ee ku geeriyooday iyo sidoo kale soo bogosho deg deg u rajeeyay intii kale ee ku waxyeeloobay qaraxaasi wuxuushnimada leh

Ugu Dambeyntii ayaa Danjire Maxamed Mursal uu carabka ku adkeeyay in kuwii ka dambeeyay falkaasi la hor keeni doono sharciga sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

HY5I81WZ(1)

 

IMG_9827

 

IMG_9828

 

IMG_9829

 

IMG_9830

 

IMG_9831

 

IMG_9832

 

TW8I46MY(1)

 

VL8E24AO(1)