Sheekh Xassan Dahir oo diiday Qodobo dan ugu jirto ay hor dhigtay Dowlada Somalia. (Warbixin Xasaasi ah).

aways

Waxaa weli socda Wada hadaladii u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Sheekh Xassan Dahir Aweys iyadoona ay gacanta kasii baxayso balamihii ay kala galeen Dowlada iyo Ehelka Xassan Dahir.

Dowlada ayaa Culeyska saareysa sidii Xassan Dahir looga magan galin lahaa Dowladdaha Galbeedka oo baxsad u ah Sheekh Xassan Dahir, wallow Xasan Daahir uu weli ka madax adeegaya qodobo loo soo jeediyey, oo kamid yihiin bixinta xog dhameystiran oo ku aadan Kooxda A-lshabaab sida ay ilo xog ogaal ah noo xaqiijyeen.

Madaxda sare ee Dowlada Somalia ayaa waxa ay muujinayaan dadaalo ay ku xoojinayaan sidii loo kala bad-baadin lahaa Xassan Dahir iyo Saraakiisha Cadanka ah ee ku sugan Xirooyinka Sirdoonka ee ku yaalla Muqdisho kuwaasoo ay Illo wareedyo ku sheegen inay doonayaan inay la baxaan Wadaadka Al-Shabaab kamid ahaa balse dhawaan nafsadiisa kala soo baxsaday..

Sidoo kale, Madaxda Sare ee Dowlada Somalia, ayaa waxa ay Xassan Dahir ku cadaadinayaan inuu mar qura shaaca ka qaado inuu ka tanaasulaayo Fakirka Alshabaab Isla markaana Cambaareeyo sheegana in Fakirkaasi uu yahay mid lagu xasuuqayo Shacbiga balse Xassan Dahir waxa uu sheegay inuu ku dhimanaayo aamin-sanaashaha Fakirkiisa.

Dowlada Federaalka ayaa waxaa lagu soo waramaayaa inay Xasan Dahir u sheegtay in haddii uu sidaas sameeyo ay isku dayi doonto inay kala hadasho beesha caalamka oo Mareykanka ugu horeeyo, maadaama dambiyada loo heysto ay kuwa ka mid ah yihiin kuwa caalami ah.

Xassan Dahir, ayaa waxa uu sheegay In gaalo loo baryo aysan marnaba dhici doonin, isagoona si cad ugu adkeystay inuu halkiisa kasii wadi doono Faafinta Fakirka Al-qacida ee iminka ka jira qeybo kamid ah Somalia.

Sidoo kale, wararka laga helaayo Odayaal ku dhow dhow Xasan Daahir ayaa sheegay in Wadaadka uu ku gacan seeray qodobadii ay hor dhigtay Dowlada Somalia, marka laga reebo inuu ogolaaday inuu kaga baxayo Al-Shabaab si aan shaacsaneyn.

Ugu dambeyntii, Xaaladda Sheekh Xassan dahir, ayaa marba marka xigta sii fogaaneyso isagoona xumeeyay Calaaqaadkii u dhexeeyay Dowlada iyo Beesha Habar Gidir Walow Beesha ay kasii niya jabeyso ad adeega Xassan dahir.

Salaanmedia/Mogdisho