Home Wararka Shirkii Istabuul Oo Soo Gebageboobay Iyo Qodobada Labadii Dhinac Isku Raaceen...

Shirkii Istabuul Oo Soo Gebageboobay Iyo Qodobada Labadii Dhinac Isku Raaceen Ama Ku Heshiiyeen

 

Istanbuul-(SM)-Waxaa goor dhaweyd soo gebgeboobay shirkaii magaalada Istabnbuul uga socday ergooyinkii Somaliland iyo somaliya.

som

Inkastoo shirku dhawr jeer ku sigtay inuu burburo,Ajeendayaasha qolo kastaana wadatey ee miiska soo saartey doonaysay inay qolada kale huluuqsiiso  haddana isu soo jiidjiid badan waxaa shirku ku soo gebgeboobay labad qodob oo fulintooda  midkood gudiyo loo saari doono.

Qodobada laysla garaty ayaa kala ah

1-      In sadex bilood (120 cisho ) ka dib laysagu yimaado shirkan shirka xigi doona oo laysal qaatey in dalka turkigu martigeliyo,kana odayeeyo.

2-      In maamulida hawada somaliya oo Somaliland ku jirto oo dhawaan Qaramada midoobay Hayada Duulimaadyada hawada u qaabilsani  ku wareejisay somaliya  wax laga bedelo oo la sameeyo Xafiis iyo gudi farsamo oo ka kooban Somaliya iyo Somaliland fadhigooduna noqdo Hargeisa oo hawshaas maamula.

Isku soo wada duuboo qodobadii kale ee qolo waliba miiska soo saartay oo ilaa tobaneeyo qodob dhamaa waa laysku afgaran waayey ama lagu heshiin waayey in laysla meel dhigo.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Qarannews