Shirwaynihii golaha aduunka ee xeerbeegtida oo Somali lagu sharfay

download (4)

Waxa dhawaan lagu qabtay hudheelka crowne plaza ee London  xaflad loogu talogalay shirwaynaha golaha aduunka ee xeerbegtida (Jury). Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay in kabadan 16 wasiiro cadaaladeed oo ka kala socday dalalka  Pakistan, Bangladesh,Maldives, Kenya, Tanzania, Hindiya, Ireland, Jordan iyo sidoo kale wasiirka cadaalada  England  & Wales Dominic Grieve, iyo ka Scotland, Lord Brian. Waxaa halkaa iyaguna goob jooga ahaa sidoo kale qareeno guud iyo  Gudoomiyeyaal maxkamadeed oo ku abtirsanayay dhawr dawladood oo kaladuwan.

download (3)

download (2)

 

 

 

 

 

download (5)

 

 

 

 

 

Scroll of Honour[1]

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkan ayaa lagu soo qaaday arimo faro badan oo la xidhiidha cadaalada iyo xeerarka aduunka oo u ka mid ahaa xeerka aduunka ee badda, xuquuqda  aadamiga, musuq-maasuqa iyo gubbaynta, tahriibka maandooriyayaasha, wada shaqaynta maxkamadaha aduunka, hanti-dhawrka iyo dib-u- habeen  lagu sameeyo  xeerar guud oo faro badan.

 Mr Hussein Alishaqi oo ah madaxa sanduuqa horumarinta mashaaricda Africa ee kooxda DVK oo ka mid ahaa marti sharaftii goob jooga ahayd, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay baahida loo qabo horumarin wayn oo laga gaadho kor u qaadida nolosha dadwaynaha ku dhaqan Africa  si loola dagaalamo musuqmaasuqa iyo laaluushka isagoo si adag u tibaaxay xidhiidhka ka dhaxeeya heer nololeedka bulshada Africa iyo cadaalad xumada baahsan, isagoo dhanka kalena iftiimiyay mashaaricda DVK iyo sanduuqa horumarinta Africa ee u madaxda ka yahay u qorsheeyeen inay wax kaga qabtaan dhibaatooyinka tirada badan ee ka jirta qaarada Africa.

Ugu danbayntii waxa shirgudoonku madashaa ku siiyay qaar ka mid ahi martidii ka soo qayb gashay xafladan bilado iyo shahaado sharaf kuwaas oo  Mr Hussein Alishaqi u ka mid noqday kuwa nasiibka u helo maamuuskaa.

Â