Shirweynaha Tawfiiq 1 Beesha Baha Dhamal (Ciidagale) oo La Soo Gabagabeeyey Go`aamo Na laga Soo Saaray

DSC02225

 

Shirweyne Ayay isugu Yimaadeen Hogaan Dhaqameedka ,Culimada ,Aqoonyahanka Iyo Waxgaradka Beesha Baha Dhamal (Ciidagale) Shirkaas oo Loogu Magac Daray Tawfiiq 1 kana Dhacay Degmada Bahdhamal ee Degmada Sallaxley Gaaroodi ayaa Soo Gabagaboobay.

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Shirwaynahaas oo Nuqul ka Mid ahina Soo gaadhay Shabakadda ToggaHerer ayaa u Dhignaa Sida Tan:-

DSC02247

Waxa si guul leh ugu soo dhamaaday Degmada Bahadhamal Shirweynaha Beesha Bahadhamal ee Towfiiq Kow, Shirkaas oo ay beeshu kaga arrinsanaysay;

  • Midaynta Magaha iyo Waafajinta Shareecada Islaamka.
  • Turxaan Bixinta wixii Khilaafaad dhex yaala Beelaha Walaalaha ah.
  • In laga wada Tashado sidii Beesha Looga Horumarin lahaa Arrimaha Asaasiga ah.

Picture1

Shirkaas oo ay ka soo qayb Gashay Ergo Gaadhaysa 150Ergay iyo Dadweyne kale oo tiro badan. Waxa uu bilaabmay 30-June-2013, waxaana uu soo gabagaboobay 02-July-2013, mudada uu socdayna waxay ahayd 3cisho; qodobada ka soo baxay shirweynahaasina waxay ahaayeen sidan:-

 

  • Ø Magihii oo la mideeyey tii Gaadhiga iyo Tii Qudha lana waafajiyey Shareecada Islaamka Sida:-
    1. Magta aynu qaadanayno Haddii ay tahay Magta Gaadhiga iyo Ta Qudhgooyada ahba, wixii laga daayo cida laga qaadanayo mooyee, 20halaad ayaa Kharash loo jarayaa.
    2. Magta aynu bixinayno waa sideedii aynu u bixin jirnay, wixii ka dhimana Culimada ayeynu ka sugaynaa.
    3. Ø Dhaqaajinta iyo Hirgelinta Arrinta Iskuul Jiif iyo Cuntaba leh (boarding) oo laga Hirgelinayo Degmada Bahadhamal, Iskuulkaas oo ay Beeshu Maal gelinayso.
    4. Ø In la sameeyo Gudi Isku Xidha Beesha Hawdka iyo Ta Waqooyiga.
    5. Ø In wixii Tabasho ahaa Ee Beesha Dhexdeeda ka jiray loo saaray Guddi Heer Beeleed ah; kuna dhamaaday sidatan: –
    6. In lagu xukumay Beesha Reer Liibaan10,000,000=/ (Toban Milyan SLSH) oo Ganaax ah.

 

Picture2

Gunaanadkii; Guddida Qaban Qaabada Shirku waxay u mahad Celinaysaa Dhamaan Ergadii iyo Dadwaynihii Kale ee ka soo qayb Galay Shirka. Waxay gudidu si aan la soo koobi Karin ugu mahadnaqaysaa cid kasta oo gacanka gaysatay qabsoomida shirka, sida ganacsatada, shaqaalaha shirkadaha, qurba joogta beesha iyo dhamaan cidkasta oo dhaqaale ku bixisay siduu shirkani u qabsoomi lahaa, waxay gudidu xusaysaa oo iyana sidoo kale si gaar ah ugu mahad celinaysaa Saddexda Haamood ee ay Beeshu ka koobantahay oo iska xilqaamay inay si gobonimo leh u soo bixiyaan dhamaan xoolihii lagu qalay shirka hadday Geel tahay iyo hadday Adhi Tahayba; dhamaan waxaanu leenahay dadka iska xilqaamay Qabsoomida Shirkan (Illaahay Miisaanka Xasanaadka ha idiin Saaro).

 

Gudida Qaban Qaabada Shirweynaha Bahadhamal ee Towfiiq Kow.