Siilaanyo Waa Lay Doortay Kuguma Filna, Dalku Bad Baadin Buu Rabaa

Siilaanyo Waa Lay Doortay Kuguma Filna, Dalku  Bad Baadin Buu Rabaa

maqaal 
Maanta  oo bishu tahay  Jul 20.2013  waxay  ila  tahay inaan wax ka qoro qodob aan rayi ahaan is leeyahay inaan laga aamusi karin iyada oo  Maamulka Siilanyo u  xuub  siibatay   tashwiish iyo propaganda  in ay ku furaan himiladii ummada taas oo  ah mid lagu khalkhal gelinayo  rabitaankooda iyada ood arkayso odayaal   caqligoodi guryahooda kaga yimi oo la soo hor fadhiisinayo shashadahii TVyda wax ay sheegayaana ay tahay  ilaa inta loo soo laqimay  ee ah dadka idin daawanayaa khalkhal iyo cabsi ku abuura iyo u sheega dadka in nimankaas (Golaha Wadatashiga ) i yihiin an “unelected dictator”. qas soo wada .
 
Se kuwa sidaa mooda waxnay   wax badan ka ogahayn in dimuquriyadidu ku dhisan tahay rabitaanka shacba yihiina kuwa halkaa gaadhsiiyay gidaar iyo xayndaba ha u kala xidhnaado  manta e.
 
Umad kastaa sideeda  gaarka u ah ayay u beegsataa kacdoonkeeda  ay ku cabirayaan xaalada duruuf  ee jirta  hanaan  maamul kii donaba ha ka jiro dalka ha noqdo  xisbi qudha ah, mid axsaabta badan ah ,mid  iyo Iwm. Iyada oo welina tani u saamaxdo waxii dano gaar ah ka leh in ay faragelin iyo ku tagrifalba ku sameeyaan iyaga oo ka faaidaysanaya xalaadaha dalka ee markaa .
 
 Waxaana taa  inoogu filan  dibad baxyadii iyo mudaharadadii ka dhacay Masar  fagaaraha Tahriir ee lagu riday Hussini Mubaak  iyo kacdoonkii danbe ee shacbaka  ee Mursi  lagu riday kaas oo hadii ay  qiil tahay  waa lay doortay ku yimi doorashadii qudha ee saxa ahayd ee Masar ka dhacada 6,000kun ee sano ee  taariikhda Masar  jirtay
 
Iyada oo meesha ka saartay raygii hore ee  sife doorasho iyo doorashan  ku imi inaan shacab ugu dulqaadanayn musuq iyo maamul xumo lagu hayo , jug wayna ku noqotay inta ku gasha ama  ku diyaargaraysa doorasho halku dhigii laga dhaxlay Madaxwaynehii hore ee Congo Pascal Lissouba   Siilaanyna si toos uga soo qaatay doorashadii dhawyd kaas oo ah   “You don’t arrange elections if you’re going to lose them”. Af Somali  ah Doorasho Ma diyaarisid hadaad ogthay in lagaa guulaysanayo taas oo nasiib ay uga yeesheen labdii Madaxwayne ee midna aasasay hanaanka axsaaabta badan midna ugu saamaxayba inuu ku wareejo.
 
Waxaa cad  in labada shacab  isku mid ah  ahayn ku kala duwan yihiina sida ay  isbedlkana ku dooneen aanan  fili karina inaan samayno shacab ahaan siday u soo baxeen  se waxaa  cad in wax   badan  la wadaagno oo ah in ay ka wayeen hogaankii ay doorteen  noqdeena kuwo isagu  ban baxay  ku talaxtag iyo cabudhin  lagu baabinayo nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalku lahaa.
 
 Golahan hargaysa lagaga dhawaaqay waa mid soo dedajinaya in dadka cabashadooda wax laga qabto ahna mid sharcigu u ogolyahay  mar hadii dawladii talada  haysay baabiisay oo meesha ka saartay codkii axsaabta mucaaradku lahyd   wiiqdayna baarlamankii iyo guurtidii
 
 
Siilanyna markuu mucaaradka ahaa  waaxaa lagu xasuustaa in uu ahaa mid dabinka ka furay waxkasta oo mucaararad horsed u ah ilaa uu ku wiifaqay haanakii wada shaqayn ee dawladii markaa jirtay la yeelan lahayd golayashii dalka iyo axsaabtii mucaaradka maantana kii maaha ka qaylin lahaa !!
 
Faarax Colow Maxamed 
Academia
Oslo 

Â