Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

SIYAASADDA YOW-YOWTANKA IYO QABYAALADDA: WAA LABA IS BARKAN OO MUGDDI KU AH SOMALILAND.

image

Somaliland waxay u muuqataa inay ka sii lib-dhayso hanaankii dimoqraadiyadeed iyo maamul wanaag ee bulshada caalamku

inagu majeertaan. Nidaamka dawladnimo wanaaga een dhidibada dalkeena uga taagnay ayaa waxaa la inoo qiray in anaay ka jirin geeska Afrika. Iyadoo geeska Africa ( Africa generally) uu yahay,mandaqadda lagu tiriyo inay rakaadisay aqoon gaabnimo dhaxalsiisay dadkiisa inay ka hadhaan horumarka iyo barwaaqada caalamka intiisa kale gaadhay. Hadaba maqaalkani wax uu ka jawaabayaa suaasha ah, maxaa manta keenay in qabyaaladdii ood jabiso oo siddii gofanihii u naaxdo iyo sababta keentay inanynu kaleexano hanaankii maamul wanaag; maxaynuse kaga baxaynaa dabinkan uu dalkeeni u galay ee yow yowtanka iyo kujiq-siiga ah?

 

 

Si aynu jaawabtu halkay taalo ugu tagno, bal arimaha haynu u kala qaadno sidan:

 

 

Dhaaliisha iyo tabashada dawladu waa maxay bud-dhigoodu?

 

 

 

Dawladii Daahir Riyaale Kaahin

 

 

 

Anigoo tan uga faaidaysanaya waayo aragnimadayda siyaasadeed ee aan ka mid ka ahaa asxaabta mucaaridka ilaa intii Somaliland u ruqaansatay habka asxaabta badan; ayaa waxaa cad in dawaladdihi hore Somaliland ama dawladdii ugu damebeeysay ee Somalilad ee Daahir Riyaal ay soo gaadhsiisay Somaliland heer aad u sareeya. Taaso oo ah in maddaxwaynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin uu gabi ahaan ba ku guulaystay intii uu talada dalka hayey inuu marxaladdiihii dalka horyaalay wakhtigiisi uu ku guulaystay. Waxa uu dhamaystiray oo la xusi karaa geedi socodkii hanaanka dimoqraadiyada asxaabta faraha baddan ee dalkeena aynu cagta u saaray. Waxaa la xusikaraa oo kale, isagoo dhisay ciidanka qaranka, maamulka uu ku fidiyey xuduuda dalka, gaarahaan bariga (eastern peripheries). Iyo isagoo awoodii si nabda ah ku waraeejiyey, taas oo magaceena kor u qaaday. Maanta Magaca Daahir Riyaale Kaahin waa mid bulshada reer Somaliland uu yahay geesi qaaliya oo ay mahad wayn iyo kalgacal aan gudhayn u hayaan (he is a national hero).

 

 

Dawlada Axmed Maxamed Maxmuud Siilanyo

 

 

 

Dawlada maddax-weyne Axmed Maxamed Siilanyo, waxaa iyana horyaalay inay aydalka horumariso oo ay abuurto ilo dhaqaale, in ay wax ka qabato shaqo la’aanta baahsan, waxbarashadda kor u qaado iyo in dalka ay ictiraaf u hesho. Waxaana lagula xisaabtami doonaa hadba sida ay xilkaasi u gudato.

 

 

Dawlada haddu, mudaddii sanadka ahaa ee ugu horeeyey, waxay ku talaabsatay horumar. Waxaana la xusi karaa iyadoo misaaniyaddii dalka kor u qaadaya 100%, iyadoo ciidamda iyo shaqaalaha mushaarkii u kordhisay iyo balaadhinta garoomada (Airports) Berbera iyo Hargeeysa.

 

 

Waxaa iyana cad in mudooyinkii dambe dawlada Somaliland ay xagal daac wayni ku muuqday jawiga wanaagsan ee ay markii hore ku socotay. Waxaa taa markhaati ka ah oo la xusi karaa doorashaddii golaha deegaanka oo fool xumo gudo iyo dibadba ina dhaxalsiisay, Shirka Somaaaliyo iyo Somaliland oo dhawac ku ah qadiyad gooni isutaaga Somaliland, cudurka Tahriibta ee ka dilaacay Somalialand ee dhalintii dalkan horumarka gaadhsiin layid baddaha ku xabaalay. Werarkii dhagaraysnaa ee wargeeska Hubaal lagu qaaday iyo Loolanka xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo u muuqato inuu cagta u saaray hab musmaasuq ah.

 

 

Kaalinta shacbiga Somaliland

 

 

 

Shacbiga Somaliland waxaa isna uu muuqdaa in cudurkii qabyaaladu maddax martay. Qabyaaladu yoolkeedu waa burbur iyo qaranimo dumis. Qabyaalad qaran baan ku duma balse qaran laguma dhiso. Qabyaalada sida ay ugu xogaysatay waxaa tusaale inoogu filan, dhalintii kubada cagta ee reer Tog-Dheer oo ahyid arin laga yakh-yakhsoodo – taaso oo lagu matali karo inay dalkeeno hooyo u ahyid oo kale, wiil ay hooyaddii soo korinaysay inuu wax taro barri oo u soo koraayey isna inuu Hooyaddii kufsado. Waa arin u baahan in shacbi iyo dawladba laga hawl galo in dadka laga wacyi galiyo halista ay qabyaaladu ay in dhaxalsiin karto. Waa arin aan oran lahaa inaydawladu u dirto Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waarabe gobalada bariga si uga wacyi galiyo afada qabyaaladu u leedahay hormarka iyo jiritaanka bulshada.

 

 

Aafadda qabyaalada, waxaa tani gofanaha ka dhigtay dawalada manta, halkii laga filaayey inay dhisto shacbi (to propagate social engineering toolkits to see off the challenge emanating from tribalism) ka sareeya qabyaalada. Dawlada hadu waxay u dabcaday (prone to tribal pressure) qabiilkii, waxaa tusaale u soo qaadan karaa, in manta qabiil waliba si badheedh ah ugu dodo inay ku helaan HEERyo CUNAHOOGAhabka la baxay – SAAMI QAYBSIGAYAGII Mee?Habkani waa habka qabiilkii gofanaha ka dhigtay ee loo nasbaynayo karti darada xukuumada maanta, balse waxay ahyid in masuul walba lagu xusho, kartidiisa aqoontiisa, samokatalisnimaddiisa iyo hufnaantiisa.

 

 

Yow yowtanka siyaasiyiinta

 

 

 

Waxaa cad in asxaabta mucaaridka; iyo golayaashi qaranka ee Gurtida iyo Wakiiladdii ay iyana ka gaabiyeen kalintooddii inay dabar adag u noqdaan dawalada oo ay shacbigii ula muuqato inay dawladdii noqotay awr dabar la’aan dhacay. Waxaan cad indhamaantood ka gaabiyeen kalintoodii inay la xisaabtamaan dawlada hadda oo saxaan dhaliisheeda. Taasina waxay abuurtay (socially constructed) in siyaasiyinta aan asxaabta qaranka ka ka baxsani saluug wayn ka muujiyaan tirarkii qaranka ku fadhiyey. Waxayna taasi horseeday inay abuuranto jawiga ah yow yowtanka oo ah mid madhalaysa. Maxaa xal ah? Xalku waxa uu ku jira qodobadan hoos ku xusan:

 

 

Talo (recommendation):

 

 

 

  1. Dawlada Somaliland waa inay ka baxdaa waada hadalada Somaaliya iyo Somaliland oo gorgortan galinaya qadiyada goosni isu taaga Somaliland;
  2. Dawladu waa inay la timaado siyaasado horumarineed (econmomic policies) u horseeda dalka inuu kaga baxo dhaqaalo xumadda iyo shaqo la’aanta baahsan;
  3. Dawladu waa inay la dagaalanto qabyaaladda iyadoo meesha ka saaraysa habka saami qaybsiga qabiilka dhiiri galiyey ama gofamaha ka dhigay;
  4. Dawladu waa inay dhagaysato talada shacbka sii loo saxo wixii inaga khaladan soona dhawayso fikiradaha kala duwan iyo dhaliisha muwaadiniinta oo sartu halka ay ka qundhantay is dul taagto;
  5. Maddaxynah waa inuu uu hawal galaa inaan xisbiga Kulmiye sidii UDUB burburin, balse u tageero halyeeygii gush u horseedayMujaahid Muuse Biixi Cabdi;
  6. Shacbiga Somaliland waa inay dhaliisha dawlada u maraan habka sharciga u jideeyey ee ah

habka asxaabta;

  1. In maddaxwaynuhu u hawlaglo inuu maddaxwaynihii hore ee dalka ka codsado inuu dib ugu soo laabto si looga faaidaysto waayo aragnimadiisa, waati laga hayey ninkii caqliga badnaa “gacmo wada jir bay wax ku go’yaan”;
  2. Shacbigu waa inay la dagaalamaan qabyaalada meelna uga soo wada jeedsadaan adkaynta qaranimada; iyo
  3. Siyaasiyinta qalin xogga ahina ay ixtiraamaan dawlada iyo maddaxynaha talada haya, kana waan tooban hadalada gafka, cayda, iyo fool xumada ah ee maddaxwaynaha lagula dul kufo .

 

 

Axmed Cabdi Ciise,

A Social Science Academic

 




Leave a Reply