Siyaasi Cabdillaahi-Jawaan Oo Mucaaradka Iyo Muxaafidka Uga Digay Hadalada Xanafta Leh Ee Hawada La Isku Marinayo

Siyaasi Cabdillaahi-Jawaan Oo Mucaaradka Iyo Muxaafidka Uga Digay Hadalada Xanafta Leh Ee Hawada La Isku Marinayo

July 26, 2013 Hargeysa (SM) – Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo ah Guddoomiyihii Komiishankii doorashooyinka ee hore ayaa shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Magaalada Hargeysa talooyin ugu jeediyey Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo siyaasiyiinta ku dhawaaqay golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay iswedaarsanayay weerar iyo weerar celis.

Siyaasiyiga Cabdilaahi Jawaan oo dhawaan ka soo laabtay safar uu muddo lix sanadood ah ugu maqnaa dalka boqortooyada Ingiriiska, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadallada aadka u adag ee ay warbaahinta ay isku mariyaan wasiirrada xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee golaha toosinta qaranka samaystay.

Cabdilaahi Jawaan oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan maqlay waxa la sameeyay urur (Golle) ah sixidda iyo toosinta Somaliland oo niman siyaasiyiin ah oo sharaf ku leh dalkan oo ah nimankii aasaasay SNM oo ah raggii geesiyaasha ahaa ee u soo dhintay ay ka mid yihiin Ibraahim Xuseen Cabdilaahi (Dhagaweyne), Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise oo ahaa Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland iyo rag kale oo qadarin iyo maamuus ku leh dalku ay ku jiraan, markii lagu dhawaaqay (golaha) waxaan arkayey fal celin aad u faro badan oo aan xad lahayn oo aad meel walba arkayso cambaareyn, waxa wanaagsan in ciddii samaysay ay u yeedho cidda ay taabanayso oo ay talo ka waydiiso oo ay tidhaahdo kaalay waxan aad wado ii sheeg oo aynu ka wadahadalno, laakiin haddii ay noqoto intaa uu yidhi adiguna ka badi (u jawaab) runtii faa’iido ma imanayso, markaa anigu anigoon cidna si gaar ah farta ugu godeyn waxaan arkayey in qarankii dhammaa, meel walba, qof walba, madax walba, tuulo walba iyo nin kastaaba (ay leeyihiin) waxaan cambaareynayaa golaha (Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka) , waar cambaareyn waxba ma hagaajiso ee talo ayaa wax hagaajisa, cambaareyna waa ceebayn, ceebayna wax ayuunbay xumaysaa ee waxba ma hagaajiso, markaa waa in cambaareynta nimankaa saxaafadda loo marinayo la joojiyo iyagu si kasta ha iskula muuqdaane, waayo ninku markuu meel marayo sax buu isku haystaa, laakiin haddii la yidhaahdo hebelow khaladkaas ayaad wadaa, qofku waa bani-aadam oo wuu joogsanayaa, markaa waa in cambaareyntii lagu bedalaa isa sixid iyo xisaabtan, markaa waxaan ku talinayaa in cambaareynta la joojiyo, intaana waxaan u jeedinayaa intii aan u arkayey inay xukuumadda u hadlaysay ee nimankan ka dhigayey niman wax duminaya oo fadqalalo wada iyo cidii direysay ee ka dambaysayba”

Siyaasiga Cabdilaahi Jawaan, waxa uu sidoo kale fariin toos ah u diray golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka “Waxaan leeyahay nimankan oo saaxiibaday ah oo aan aad qadarin ugu hayo, waxaan leeyahay xaqbaad u leedihiin inaad wax toosisaan oo aad saxdaan, laakiin nidaamka aynu leenahay waa inay soo martaa oo wixii khaldan loo gudbiyaa qofka ay ka khaldan tahay, Madaxwaynaha ha ahaato, Baarlamaanka ha ahaato ama cid ka duwan ha ahaato, markaa waxaan leeyahay Madaxwaynaha u qora (Wixii aad ku dhaliilaysaan), baarlamaanka u qora oo ka codsada inaad shirkooda ka hadashaan oo aad soo bandhigtaan wixii aad dhaliilaysaan, taasina waxay xadidaysaa dhufayska la isku soo galayo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan arkayey erayo aad iila fool xumaaday oo aan meesha qaban, waxa la yidhi “hadal la kala odhan og, ILAAHAYNA la kala baryi og”, waxaan arkayey dhaliil aad ah oo Madaxwaynaha loo soo jeedinayey, waxba qarin maayee hadalkii Ibraahim Dhagaweyne aad baan u diidanaa, hab kasta oo asluub iyo dhaqan leh in lagu hadlo ayaa wanaagsan, gobanimaduna waxay ku jirtaa inaad wixii sarbeeb ka dhigto, waxyaabaha qaarkoodna in saxaafadda la isku mariyo ma wanaagsana, wixiina haddii aan la isku dulqaadan oo isku jawaab la iga dhigo way xumaanaysaa, waxa ka dambaysay (hadalkii Dhagaweyne) taa wasiirka Madaxtooyada oo iyaduna noqotay KA DAR OO DIBI DHAL, oo wax walba ku hadlay oo ilaa QAAXO tagay iyo wax laga heshiiyey (Dhidar Xabaalo Qodeen…), waxayna muujinaysaa sawir fool xun”

Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), waxa kale oo uu soo qaaday “Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa Madaxwaynihii Jamhuuriyadda Somaliland, umaddaa dooratay oo inqilaab kumuu qabsan, inta uu xilkaa hayo qadarin ayuu dalka ku leeyahay, hadalka lagu odhanayaana aanu noqon mid kaga nixi ah ama madaxa kaga dhufo, Madaxwaynaha waxa waajib ku ah inuu umadda dooratay ee karaamadaa huwisay inuu dhageysto oo uu u soo joogsado, haddii taasi la waayo midnimadii umadda ayaa la waayayaa oo boqol faraar ayay yeelanaysaa” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey “Raggan dhalay jamhuuriyadda Somaliland ee inaga oo dawladdii Maxamed Siyaad la shaqeynayna iyagu London kaga dhawaaqay SNM u yeedh oo gogol u dhig oo la xaajood, wasiirkana (Wasiirrada) ka aamusii oo adigu u yeedh, waa saaxiibadaa oo kuma tafirsana ee way ku dhaliilayaan, Axmed Maxamuud, Madaxwaynahayaga ayaa tahay oo xushmad ayaanu kuu haynaa, haddii Madaxwaynuhu umadda dhageysan waayo waxa meesha ka baxaysa tixgalintii iyo is xaqdhowrkii, waxa adduunka ka dhacayana waad aragtaan oo dawlado dhan oo carbeed-baa baa’ba’ay, markaa Madaxwaynaha waxaan ka codsanayaa nimankaa odayaasha ah ee adiga iyo anigaba qadarinta inoo leh waa inaad rayigooda si xalaal ah u dhageysataa, doodaan oo aad gogol u fidisaa, laakiin haddii dhufayska la isku galo waxani way baahaysaa oo weji qabiil ayuu yeelanayaa oo Habro ayuu galayaa, hebelow tuugbaad tahay iyo hebelow tuugbaad tahay waa tirsigii hablaha yaryar kuma haboona nin wasiir ah iyo nin xisbi hogaaminaya, waa ceeb, qofka xilka hayaana waa inuu umadda wanaag u hor-kacaa si uu mar kale u helo, laakiin ku jiqsii, xidha, ilaaliya, Maxay u hadleen iyo caaya meel lagu taagi maayo runtii”

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo la waydiiyey inay u muuqdaan duruufo keenay in golaha wadatashiga la aasaaso, ayaa ku jawaabay “Haa….way ii muuqdaan, waxaanan had iyo goor dhaliilaa wada hadallada lala galo Madaxwaynaha Soomaaliya, aniga aragtidayda haddii ay tayda tahay maalin kaliya lama hadleen, waayo nin Magacaaga diidan oo ku leh Waqooyi, Waqooyi waa jiho, xitaa sheegashada ayay kuu diidan yihiin oo inaad ka mid tahay ayuu kuu sheegayaa, talaabadii ay qaadaanba waxay khudbadahooda ku sheegayaan inay midnimadii soo dhawaatay oo reer waqooyigii soo socdaan, sidii wadaad carruurteedii ka duday loo celinayo”ayuu yidhi isagoo intaas ku daray inay guddoomiyaha guurtida ka wada hadleen sidii muranadan xal loogu heli lahaa.

Salaanmedia/ Hargeysa
Geeska Afrika