Somalilnd Waxay ku Talaa Mandaqan Xasasiya Talo Ahaan Waxaan Carab Iyo Qarada Africa Kula Talinlahaa Aqoonsi Dag Daga in la Siiyo Somalilnd Hadii Kale Aqoonyahano ka Soo Jeeda Cumaan Iyo Dalka Yeman

Somalilnd Waxay ku Talaa Mandaqan Xasasiya Talo Ahaan Waxaan Carab Iyo Qarada Africa Kula Talinlahaa Aqoonsi Dag Daga in la Siiyo Somalilnd Hadii Kale Aqoonyahano ka Soo Jeeda Cumaan Iyo Dalka Yeman

image

QATAR(SM) Warbaahinta dalka cumaan ayaa maanta si mug leh uga hadashay wadahadaladii dhawaan somalilnd iyo somaliya ugu soo gaba gabobay dalka Turkiga

Talafeeshinka dalka Cumaan oo maanta barnaamij ka diyariyay ayaa waxa uu baahiyay galabta barnaamijkaa ayaa lagu lafa guray qodobkii ka soo baxay shirkaa labada dal uga socday turkiga barnaamijkan ayaa waxaa loogu magic daray dal laba dal noqday oo qarada afrika ku so biraya

Hadaan guda galo barnaamijka iyo qodobka lagaga hadlayay

Barnaamijkan ayaa waxaa ka qayb qadanayay aqonyahano ka soo jeeda dalka cumaan iyo dalka yeman

Ugu horayn waxaa barnaamijka hadal aad u kuluul ku furay aqoonyahan ka soo jeeda dalka yeman oo lagu magacabo cabdinaasir waxa uu yidhi Somalia waa dal daalay oo u baahan in la taagero oo wax lala qabto waxa uu u baahanyahay dib u heshiisiin culus in lagu sameeyo waayo 23 sano ayuu bur bur iyo qalalse ku soo jiray

Maanta waxaan arkayaa in burburkii ugu waynaa ku soo fool leyahay waayo laba dal ayaa imika caalamku u kala yaqanaa somaliya iyo somalilnd waxaan la socday wadahadlo imika in mudaa uga sococday dalalka imaraadka ingiriska iyo dalka turkiga kulankii ugu danbeeyay waxaa laga soo saray qodob aan anigu u arko kala go.somaliya waayo halbawlihii ugu waynaa ee dhaqaale iyo waxkastaba ka soo galilahayen ayay dawlada tamarta yare e somaliya gacanta u galisay maamul aan ogolayn oo ku doodaya in ay ka go .een somaliya waa maamulkii hawada dalka Somalia

Taas waxaan u arkaa burbur hor leh oo ku habsaday Somalia waxaan talo ahaan u soo jeedinlahaa madaxwaynaha Somalia in uu arinkaa ka laabto hadii uu aqoonsi uu siyo somalilnd awood uleeyahayna waxaan ku talinlahaa in uu siiyo balse aan hawadiisa cid kale maamulin waayo rikoodhka hawada laga mamulaya

waxaa la dhigayaa Somalilnd taasina waxay keeni kartaa in ay somalilnd yeelato saaxiibo badan oo calamkaa waayo rikoodha magaciisu waxa uu noqonayaa hadba halka laga maamulaya magaceeda si loo ogaado waxay kale oo somalilnd ka heli kartaa taagero dhaqaale diyaradaha hawadeda maraya in ay xarumo ka samaystaan somalind taasna waa dhaqaale iyo indha garad calamiya oo ay hesho markaana aqoonsigeeda ayaa so dhawanaya

Waxaa hadalkii la wareegay aqonyahan ku xeel dheer siyasada qaarada afkica oo u dhashay dalka cumaan

Aqoonyahankan oo lagu magacbo shariif cadiya waxa uu shariif si mugleh uga hadlay taariikhda somalilnd oo uu ku tilmamy dal jira wakhti hore balse ku biiray Somalia somalilnd dhawur iyo sodan dawladood ayaa aqoonsaday markii ay xornimada ka qaadatay dalka ingiriiska isaga oo aan ku dheeraan hadalkii ayuu waxa uu ku tilmamay qodobka ay ku heshiiyeen somaliya in uu yahay mid labada dhinac ba wax tar u leh oo ay dhaqalaha ka soobaxa kala qaybsanayaan si siman madama oo ay hore u ahyeen laba dawladood oo calamka ka jira

Talo waxaan siinlahaa anigu dawlada somaliya iyo qaarada Africa in ya aqoonsadaan somalilnd maxaa yeelay qaf iyo dawladba waa lagu abaal mariyaa wuxuu qabsado ee horumara markaa in ay aqoonsi ku abaal mariyaan ayaa fiican Somalilnd waayo waxay ku taalaa Somaliland

Mandaqad xaasasiya oo macno wayn ugu fadhida qaarada africa iyo waliba carbtaba markaa in la soo dhaweeyo way wacnaan lahayid maanta waynu ognahay dagaal qadhaadh ayaa ka soo dhex guuxaya dalka masar iyo Itoobiya muranka ka taagan wabiga niil hadii somalilnd aqoonsi ka hesho dalka Itobiya waxaa xaqiiqa in ay somalilnd dhabarka ka jabinayso dawladaha Carabta iyo dawlada Somalia

waayo mudo dheer ayay aqoonis ka sugayeen carab iyo dawlada somaliya oo ay is hayaan

Isku soo wada duubo qodobkii la isla qatay in hawada Somalia ay maamusho Somalilnd xaruntuna ahaato hargaysa ayaa dawlado farbadan u arkeen in ay guul u tahay Somalilnd ayna tahay wadadii ay ku heli lahayid aqaoonsi diblumasiyadeed iyo saaxibo badan oo caalamkaa

Reporter Abdalla Abu Xaniifa

Qatar Doha

abu_xaniifa@hotmail.com