Suuq Ganacsi casri ah oo laga furay Hargaysa.

(SM-Hargeysa) – Deero Mall oo ah Xarun ganacsi oo ka kooban ilaa 60 Meheradood, Huteel La saxeexdo iyo goobo carruurtu ku madadaashaan, ayaa maanta laga furay Magaalada Hargeysa.

Munaasibada furitaanka xarunta Ganacsi ee Somaliland ugu weyn ee Deero Mall, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ganacsato iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Suuqan ganacsi ee Deero Mall oo ku kacay lacag ka badan $ 3.5 Milyan oo doolarka Maraykanka, ayaa waxa maanta furay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu ku bogaadiyey shirkadda dhisatay “Waxa maanta sharaf noo ah inaanu ka soo qayb-galno furitaanka Deero Mall oo runtii aad u qurux badan, ahna Mall-kii koowaad ee noociisa ah ee Somaliland laga hirgaliyo, runtiina waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa shirkadda Indho deero Group ee hirgalisay dhismahan aadka u qurux badan, bilicda Magaaladana wax weyn ka taray” ayuu yidhi.

Xarunta Ganacsi ee Deero Mall oo la jaan-qaadaysa suuqyada la midka ah ee Adduunka ku yaala, ayaa waxa kale oo Munaasibadeeda ka hadlay Maareeyaha Shirkadda Indho Deero Group Mustafe Cawad Cali, waxaanu sheegay “Shirkaddu waxay lacagta intaasi leeg u galisay waxay ahayd inay dadku helaan Meherado yaryar oo waxaasi oo ganacsi ah kulmiya” ayuu yidhi.

Suuqan Deero Mall, ayaa noqonaya suuqii ugu weynaa ee meel kaliya ku wada yaala ee Somaliland laga hirgaliyo.

 

Salaanmedia/Hargaysa