Tartankii Qur’aanka Bisha Ramadaan ee Hargaysa oo la soo Gabo Gabeeyay Iyo Xukuumada oo Sheegtay inay 15 Ramadan Tartan kale qabanayso

July 19, 2013 | Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay | Posted by:

image

Hargaysa 19.July (SM) Wasiirka wasaarada Diinta,iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C.laahi Axmed ayaa galabta ku soo gabo gabeeyay Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargaysa Tartankii Bisha Ramadaan ee Qur’aanka Kariimka ah.

Sheekh Maxamed Aw Aaddan oo ka Mid ah Qaban Qaabiyayaasha Tartankan ayaa sheegay in Tartanka 30ka Jis ee Qur’aanka ay ka qayb qaadanayeen 34 arday oo ku tartamaya Sodonka Jis ee Qur’aanka iyo 36 arday oo ku tartamaya 15 jis ee qur’aanka kariimka ah iyadoo ardayda ka qayb qaadanaysa ay ka kala yimaadeen Lixda Gobo lee Waaweyn ee dalka .

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure “Sheekh Ismaaciil Dheeg” oo ka mid ah Gudida Tartankan qiimaynaysay ayaa amaan u soo jeediyay dhalinyaradii ka qayb qaadatay tartanka .

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C.laahi Axmed oo Gaba gabadii halkaasi ka hadalay ayaa tilmaamay qiimaha uu ku fadhiyo tartanka Qur’aanka Kariimka Wasiirku waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay in 15 Bishan Ramadaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu ka furi doono Caasimada hargaysa Tartankii ugu horeeyay ee ay Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu soo qaban qaabiso isla markaana abaal marin sare ay Xukuumadu ku bixin doonto.

Waxay dhamaan Culimadii halkaasi ka hadashay ay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku amaaneen Furitaanka Idaacada Qur’aanka Kariimka ah.

Gunaanadkii waxaa halkaasi abaal marino isugu jirta lacag iyo qalab kale halkaasi lagu gudoonsiiyay 9 arday oo ku kala Guulaystay 30 Jis iyo 15 Jis ee Qur’aanka Kariimka ah .

 

Salaanmedia.com/Hargaysa