UJEEDO: CAMBAARAYN GUDIDA AQOONYAHANKA BADHTAMAHA IYO KOONFURTA HARGEYSA WAXA AANU SI ADAG U CAMBAARAYNAYNAA GO’AANKA AY DAWLA‏

 

maqaal

Gudida aqoonyahanka badhtamaha iyo koonfurta Hargeysa waxa aanu si adag u cambaaraynaynaa go’aanka ay dawlada uu hogaanka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo ka soo xambaaratay shirkii 4aad ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia uga socday dalka Turkiga.

Qodobka ay waftiga Jamhuuriyada Somaliland ku tilmaameen inuu ugu muhiimsanaa ee huwan hawada labada dal in gudi farsamo loo saaray,xafiiska ay ka hawl geli doonaana uu noqon doono Hargeysa waxa aanu leenahay waa khiyaamo qaran oo ku lid ah madaxbanaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.Waxa cadaatay sirtii uu daaha ka qaaday gudoomiyaha xisbiga ucid,taas oo ahayd xidhiidhka joogtada ah eek a dhaxeeyay gudoomiyaha ganacsatada beelaha hawiye ee ku nool dalkan Jamhuuriyada Somaliland Mudane Faarax iyo wasiirka madaxtooyada JSL Mudne Xirsi oo labadooduba shirka uga qayb galeen labada dal ee Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland.

Qodobkaa hawada ula jeedada uu ku fadhiyaa waxa weeye Hargeysa inay tahay caasimada 2aad ee dalka Somaliya,sidaa darteed ayaa xafiis maamula hawada labada dal looga furayaa.Taasina waa khiyaamo qaran oo ku lid ah go’aankii iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay ku dhawaaqeen 18 May 1991,waa arrin adhaxda ka jebinaaya jiritaanka gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa aanu ugu baaqaynaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay hor joogsadaan talaabadan khiyaamada qaran ah ee ay qaaday dawladan dhukan ee uu hogaanka ka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo.

Allaa Mahad Leh

Gudida aqoonyahanka

Badhtamaha iyo koonfurta Hargeysa

Jamhuuriyada Somaliland